{"id":62924,"date":"2021-03-30T10:15:12","date_gmt":"2021-03-30T10:15:12","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=62924"},"modified":"2021-03-30T10:15:53","modified_gmt":"2021-03-30T10:15:53","slug":"xisbiga-waddani-oo-murrashaxooda-madaxweynaha-dib-ugu-doortay-guddoomiye-cirro-ku-xigeenkiisii","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2021\/03\/30\/xisbiga-waddani-oo-murrashaxooda-madaxweynaha-dib-ugu-doortay-guddoomiye-cirro-ku-xigeenkiisii\/","title":{"rendered":"Xisbiga WADDANI oo Murrashaxooda Madaxweynaha Dib ugu doortay Guddoomiye Cirro &#038; Ku-xigeenkiisii"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa(Arasiyonews)- Shirweynaha Saddexaad ee Golaha Dhexe ee xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa maanta ka furmay\u00a0 Huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa, waxana shirkaas dib loogu doortay \u00a0Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) inuu noqdo Murrashaxa\u00a0 Madaxweynaha ee xisbigaas uga qaybgalaya doorashada madaxtooyada ee lagu wado inay dalka ka dhacdo Bisha Novermber 2022ka, halka Murrashaxa madaxweyne Ku-xigeenkana dib loogu cugtay Maxamed Cali\u00a0 Aw Cabdi.<\/p>\n<figure class=\"wp-block-image size-large\"><img data-recalc-dims=\"1\" height=\"464\" width=\"696\" decoding=\"async\" class=\"wp-image-48478 td-animation-stack-type0-1\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/warfaafintajsl.com\/Solna\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/167345622_473915647382392_8530346705842110010_n-1024x683.jpg?resize=696%2C464&#038;ssl=1\" sizes=\"(max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" srcset=\"https:\/\/warfaafintajsl.com\/Solna\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/167345622_473915647382392_8530346705842110010_n-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/warfaafintajsl.com\/Solna\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/167345622_473915647382392_8530346705842110010_n-300x200.jpg 300w, https:\/\/warfaafintajsl.com\/Solna\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/167345622_473915647382392_8530346705842110010_n-768x512.jpg 768w, https:\/\/warfaafintajsl.com\/Solna\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/167345622_473915647382392_8530346705842110010_n-1536x1024.jpg 1536w, https:\/\/warfaafintajsl.com\/Solna\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/167345622_473915647382392_8530346705842110010_n-696x464.jpg 696w, https:\/\/warfaafintajsl.com\/Solna\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/167345622_473915647382392_8530346705842110010_n-1068x712.jpg 1068w, https:\/\/warfaafintajsl.com\/Solna\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/167345622_473915647382392_8530346705842110010_n-630x420.jpg 630w, https:\/\/warfaafintajsl.com\/Solna\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/167345622_473915647382392_8530346705842110010_n.jpg 2048w\" alt=\"\" \/><\/figure>\n<p>Shirkan waxa hadallo kala duwan ka jeediyey\u00a0 Guddoomiyeyaasha Xisbiga Waddani\u00a0 ee Gobollada dalka, Afhayeenka\u00a0 Xisbigaas\u00a0 Barkhad Jaamac Batuun iyo Xoghayaha guud ee xisbigaas Khadar Xuseen Cabdi, waxana ay ka hadleen tallaabooyinkii xisbigu qaaday muddadii u dambaysay iyo qorshaha xisbiga ee la xidhiidha Arrimaha Doorashooyinka ka qabsoomaya dalka. Waxa kaloo ay ka hadleen sida ay u taageersan yihiin murrashaxiinta xisbigooda ee doorashada Madaxtooyada.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro) oo ka hadlay shirkaas ayaa\u00a0 si qotodheer uga warramay marxaladihii uu xisbigaasi soo maray, waxaanu\u00a0 ku tilmaamay tudhaale badan u sameeyey dalka isla markaana waxaanu xukuumadda ku dhaliilay inay ka gaabisay ilaalinta wadajirka ummadda reer\u00a0 Somaliland.<\/p>\n<figure class=\"wp-block-gallery columns-1 is-cropped\">\n<ul class=\"blocks-gallery-grid\">\n<li class=\"blocks-gallery-item\">\n<figure><img data-recalc-dims=\"1\" height=\"464\" width=\"696\" decoding=\"async\" class=\"wp-image-48479 td-animation-stack-type0-1\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/warfaafintajsl.com\/Solna\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/ExtkgaDXAAQp68A-1024x683.jpg?resize=696%2C464&#038;ssl=1\" sizes=\"(max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" srcset=\"https:\/\/warfaafintajsl.com\/Solna\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/ExtkgaDXAAQp68A-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/warfaafintajsl.com\/Solna\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/ExtkgaDXAAQp68A-300x200.jpg 300w, https:\/\/warfaafintajsl.com\/Solna\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/ExtkgaDXAAQp68A-768x512.jpg 768w, https:\/\/warfaafintajsl.com\/Solna\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/ExtkgaDXAAQp68A-696x464.jpg 696w, https:\/\/warfaafintajsl.com\/Solna\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/ExtkgaDXAAQp68A-1068x712.jpg 1068w, https:\/\/warfaafintajsl.com\/Solna\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/ExtkgaDXAAQp68A-630x420.jpg 630w, https:\/\/warfaafintajsl.com\/Solna\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/ExtkgaDXAAQp68A.jpg 1080w\" alt=\"\" data-id=\"48479\" data-full-url=\"https:\/\/warfaafintajsl.com\/Solna\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/ExtkgaDXAAQp68A.jpg\" data-link=\"https:\/\/warfaafintajsl.com\/Solna\/?attachment_id=48479\" \/><\/figure>\n<\/li>\n<\/ul>\n<\/figure>\n<p>Md. Cabdiraxmaan Cirro waxa uu xaqiijiyey in xisbiga WADDANI ay mudnaan weyn siinayaan sidii\u00a0 loo kobcin lahaa Waxbarashada heerarkeeda kala duwan iyo dhaqangelinta siyaasadda qaranka ee sugida cuntada.<\/p>\n<p>Guddoomiye Cirro waxa kaloo uu\u00a0 caddeeyey inay balanqaadayaan in ay Ciidamada dalka u kordhiyaan mushaharka Boqolkiiba 250%, haddii ay ku guulaystaan doorashada madaxtinimada ee soo socota.<\/p>\n<p>Waxa kaloo uu Xukuumadda, Xisbiyada iyo Komishanka Doorashooyinka ku bogaadiyey inay markii kowaad ka heshiiyeen in laba doorasho oo isku sidkan\u00a0 laga wada qabto dalka,taasi oo uu ku sifeeyey horusocod ballaadhan, waxaanu soo jeediyey in Doorashooyinku mustaqbalka noqdaan qaar\u00a0 aan dib uga dhicin wakhtiga loo qabto.<\/p>\n<p>Guddoomiye Cirro waxa uu\u00a0 shacbiga\u00a0 Somaliland u soo jeediyey inay\u00a0 qaataan tallooyinka caafimaad ee ka soo baxa Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland isla markaana la qaato tallaalka Xannuunka COVID 19.<\/p>\n<p>Md. Cabdiraxmaan Cirro waxa\u00a0 uu dadweynaha u soo jeediyey inay ilaaliyaan wadajirka iyo midnimada reer Somaliland.<\/p>\n<figure class=\"wp-block-image size-large\"><img data-recalc-dims=\"1\" height=\"464\" width=\"696\" decoding=\"async\" class=\"wp-image-48480 td-animation-stack-type0-1\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/warfaafintajsl.com\/Solna\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/ExtkgaGWgAAb0Zd-1024x683.jpg?resize=696%2C464&#038;ssl=1\" sizes=\"(max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" srcset=\"https:\/\/warfaafintajsl.com\/Solna\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/ExtkgaGWgAAb0Zd-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/warfaafintajsl.com\/Solna\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/ExtkgaGWgAAb0Zd-300x200.jpg 300w, https:\/\/warfaafintajsl.com\/Solna\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/ExtkgaGWgAAb0Zd-768x512.jpg 768w, https:\/\/warfaafintajsl.com\/Solna\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/ExtkgaGWgAAb0Zd-696x464.jpg 696w, https:\/\/warfaafintajsl.com\/Solna\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/ExtkgaGWgAAb0Zd-1068x712.jpg 1068w, https:\/\/warfaafintajsl.com\/Solna\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/ExtkgaGWgAAb0Zd-630x420.jpg 630w, https:\/\/warfaafintajsl.com\/Solna\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/ExtkgaGWgAAb0Zd.jpg 1080w\" alt=\"\" \/><\/figure>\n<p>Shirkan waxa \u00a0Xisbiga WADDANI mar kale u doorteen Cabdiraxmaan Cirro inuu noqdo Murrashaxooda madaxweynaha, waxana u coddeeyey 312 1 ergay, waxa diiday hal\u00a0 qof, cid ka aamustayna ma jirin.<\/p>\n<p>Sidoo kale, waxa isna murrashaxa madaxweyne Ku-xigeenka loo doortay\u00a0 Maxamed Cali Aw Cabdi,waxaana\u00a0 u coddeeyey\u00a0 306 ergay,\u00a0 5 qof ayaa diiday, hal qofna wuu ka aamusay, Guddoomiyuhuna muu codeyn.<\/p>\n<p>Labada murrashax ayaa u mahadceliyey ergadii dooratay waxaanay sheegeen inay ku shaqeyn doonaan siyaasadda xisbiga iyo danta guud ee dalkaba.<\/p>\n<p>Arasiyonews.com<\/p>\n<p>Hargeisa Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa(Arasiyonews)- Shirweynaha Saddexaad ee Golaha Dhexe ee xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa maanta ka furmay\u00a0 Huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa, waxana shirkaas dib loogu doortay \u00a0Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) inuu noqdo Murrashaxa\u00a0 Madaxweynaha ee xisbigaas uga qaybgalaya doorashada madaxtooyada ee lagu wado inay dalka ka dhacdo Bisha Novermber 2022ka, halka Murrashaxa madaxweyne Ku-xigeenkana [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":62925,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-62924","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/ExtkgaDXAAQp68A-1024x683-1.jpg?fit=1024%2C683&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-gmU","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/62924","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=62924"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/62924\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":62928,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/62924\/revisions\/62928"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/62925"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=62924"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=62924"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=62924"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}