{"id":62900,"date":"2021-03-29T13:11:14","date_gmt":"2021-03-29T13:11:14","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=62900"},"modified":"2021-03-29T13:14:53","modified_gmt":"2021-03-29T13:14:53","slug":"suudaan-oo-dawladda-iyo-diinta-kala-saaraysa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2021\/03\/29\/suudaan-oo-dawladda-iyo-diinta-kala-saaraysa\/","title":{"rendered":"Suudaan oo dawladda iyo diinta kala saaraysa."},"content":{"rendered":"<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\"><span class=\"dateline\">KHARTOUM <\/span>(Arabsiyonews):=Dowladda Sudan iyo koox mucaarad ah oo weyn oo ka dhisan buuraha koonfureed ee Nuba ayaa Axaddii kala saxiiday dokument dhabbaha u xaaraya heshiis kama dambeys ah, oo dhammaan dadka siinaya xorriyad caabudid, islamarkaana kala saaraya diinta iyo dowladda.Saxiixan ayaa loo arkaa tallaabo muuhim u ah dadaallada awood qeybsiga ee ay waddo dowladda uu madaxda ka yahay Jeneral Abdel Fattah al-Burhan ee heshiiska lagula galayo mucaaradka kala duwan ee dalkaas.<\/p>\n<p>Sanadii tagtay, Sudan ayaa heshiis la gashay kooxo badan oo ay ka mid tahay kooxda gobolka galbeed ee Darfur.<\/p>\n<p>Hase yeeshee kooxda muhiimka ee Dhaqaaqa Xoreynta Shacabka Sudan (SPLM-N) ee waqooyi, islamarkaana uu hoggaamiyo Abdelaziz al-Hilu ayaan ku biirin heshiiska, kadib markii ay ku adkeysatay dalabkeeda ah in Sudan ay meesha ka saarto shareecada Islaamka, islamarkaana noqoto dal cilmaani dimqoraadi ah.<\/p>\n<p>Shareecada Islaamka ayaa waxaa Sudan lagu soo rogay 1983-kii, waxaana kadib sii waday madaxweynaha xukunka laga tuuray ee Omar al-Bashiir, markii uu talada ku qabsaday afgambi.<\/p>\n<p>Waxa loogu yeeray \u2018Baaq Mabaadi\u2019ida\u2019 ayaa waxaa Axaddii caasimadda Koonfur Sudan ku saxiixday Sudan iyo kooxdan SPLM-N, taasi oo macnaheedu yahay in wada-hadallada heshiis buuxa lagu gaarayo ay hadda billaaban karaan.<\/p>\n<p>Baaqa ayaa qoraya in labada dhinac ay isku raaceen \u201cIn Sudan laga aas-aaso dowlad rayid, dimoqraadi, federal ah, halkaasi oo xoriyadda diinta, xoriyadda caqiidada, iyo ku dhaqanka diinta iyo caabudidda loo damaanad qaado dhammaan shacabka Sudan, ayada oo dowladda laga saarayo aqoonsiyada dhaqanka, isirka iyo diinta.\u201d<\/p>\n<p>\u201cQofna laguma qasbayo diin, dowladduna ma lahaan doonto diin rasmi ah,\u201d ayaa lagu yiri qoraalka ayada oo aan la caddeyn in Sudan ay noqoneyso dal cilmaani ah iyo in kale.<\/p>\n<p>Aman Amum, oo ah Xoghayaha Guud ee SPLM-N ayaa sheegay in is-fahamka laga gaaray kaalinta diinta ay ku leedahay Sudan uu fududeyn doono wada-hadallada heshiis buuxa.<\/p>\n<p>Sudan waxay iminka \u201caqbashay inay kala saarto diinta iyo dowladda,\u201d ayuu yiri.<\/p>\n<p>Ma cadda, haddii militariga Sudan, oo awoodda la wadaaga dowladda rayidka ah, uu taageeri doonaan tallaabadan kadib sanado ay taageerayeen Islaamiyiinta.<\/p>\n<p>Kooxda SPLM-N ayaa ka howlgasha gobol ay degaan Kirishtan laga tiro badan iyo taabicyiin haysta caqiidooyin kale oo African ah, kuwaas oo sanado badan ka cabanayey xadgudubyada xukunka Al-Bashiir.<\/p>\n<\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>KHARTOUM (Arabsiyonews):=Dowladda Sudan iyo koox mucaarad ah oo weyn oo ka dhisan buuraha koonfureed ee Nuba ayaa Axaddii kala saxiiday dokument dhabbaha u xaaraya heshiis kama dambeys ah, oo dhammaan dadka siinaya xorriyad caabudid, islamarkaana kala saaraya diinta iyo dowladda.Saxiixan ayaa loo arkaa tallaabo muuhim u ah dadaallada awood qeybsiga ee ay waddo dowladda uu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":62901,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-62900","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/166123468_1363982753959904_1415644406383342491_n-1.jpg?fit=719%2C413&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-gmw","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/62900","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=62900"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/62900\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":62904,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/62900\/revisions\/62904"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/62901"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=62900"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=62900"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=62900"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}