{"id":6290,"date":"2015-02-17T11:34:26","date_gmt":"2015-02-17T11:34:26","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=6290"},"modified":"2015-02-17T11:34:26","modified_gmt":"2015-02-17T11:34:26","slug":"wax-badan-ka-baro-wahsiga-iyo-xalkiisa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/02\/17\/wax-badan-ka-baro-wahsiga-iyo-xalkiisa\/","title":{"rendered":"Wax Badan Ka Baro Wahsiga Iyo Xalkiisa"},"content":{"rendered":"<h2><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/02\/work-yawn-tired-400x400.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-6291\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/02\/work-yawn-tired-400x400-300x300.jpg?resize=300%2C300\" alt=\"work-yawn-tired-400x400\" width=\"300\" height=\"300\" \/><\/a><\/h2>\n<h2>Bal qiyaas, waa 2:30 pm galabnimo, ilaa iyo saaka si aad ah oo aan kala joogsi lahayn ayaad u shaqaynaysay, maxaad is leedahay jawigaaga sida uu ahaan lahaa?<\/h2>\n<h2>Dabcan, indhahaaga wali waa ay soo cadyihiin, waxaad isku dayaysaa inaad howshaada ku sii wadato feejignaan iyo dhiiranaan.<\/h2>\n<h2>Wakhtiyadaan oo kale, go\u2019aamo liita ayaad qaadan kartaa ama waxaadba dareemaysaa wareer iyo isku dhex yaacsanaan, waxaadna isku dayaysaa inaad ku sii dadaashid in shaqadaadu ay ahaato mid tayo sare leh, sidoo kale aad la kulantid horjoogayaasha wakhti ee kugu hor gudban. laakiin ma haysid tamar iyo firfircoonaan aan ku xaqiijisid waxa maskaxdaada ka guuxaya<\/h2>\n<h2>Hadaba si aad u wajahdo mashquulka iyo daalka badan, waxaad u baahantahay inaad enerji heshid kaasoo kugu awoodsiiyo in gaadhista hadafkaguna aanu\u00a0\u00a0carqaladoobin.<\/h2>\n<h2>Hadaba qoraalkaan waxaan ku eegi doonnaa, yaraanta energiya\u00a0 waxaa sal u ah, waxaan sidoo kale aan ku bayaanin doonnaa sida aad ugu bir-birdhigi lahayd, kuuna iftiiminayaa sida farxad iyo firfircoonaan aad ula qabsan lahayd<\/h2>\n<h2><strong>Maxaa sababa ama keeni kara enerji\/tamar yaraanta?<\/strong><\/h2>\n<h2>Asbaabo badan ayaa ugu wacan inuu enerjigaaga yaraado, tusaale ahaa waxaa sababi kara: hurdo la\u2019aan, cunto yari, inay kugu yaryihiin fitamiinada qaar, daawada qaar, jimicsi la\u2019aan, walaac ama niyad jab ku haya , dhiiranaan la\u2019aan iyo qaar kaloo badan, balse intaani waa kuwa ugu badan ee gadaal ka riixaya hoosayta tamartaada.<\/h2>\n<ol>\n<li>\n<h2><strong>1.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Xalka dhaw<\/strong><\/h2>\n<\/li>\n<\/ol>\n<h2>Naftaada ka dhig mid u heelan u hogaansamidda hababkaan<\/h2>\n<ol>\n<li>\n<h2><strong>A.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Biyaha<\/strong><\/h2>\n<\/li>\n<\/ol>\n<h2>Jirkeenu wuxuu u baahanyahay biyo si uu shaqeeyo, ha ahaadaan kuwo la is mariyo ama la cabo, markaad biya cabto ama aad isku shubto waxay ka dhigantahay inaad heshay shidaal awood badan, waxayna wax ka taraysaa xasuustaada iyo heerka enerji ama firfircooni ee aad dareemayso<\/h2>\n<h2>Marba hadaad dareento in enerjigaagu hoos u sii dhacaayo, horay u gaar shaawirka ama galas dheer oo biyo ah, mac-hadka daraasaadka ee daawada ayaa ku talinayso in raggu ay cabaan 3 liitar oo biyo ah, dumarkuna 2.2 liitar oo biyo ah.<\/h2>\n<h2>Si kastaba ha ahaatee, hadii aad cabtid cabitaan aanan biyo caadi ahayn, waxaa laga yaabaa inay ku jiraan waxlo kiimiko kuwaasoo laga yaabo inayba kaaga daraan, tusaale ahaan, bunka waxaa uu\u00a0 xididada iyo maskada\u00a0 ka dhigaa mid fax ah, kaliya mudo yar oo aad u kooban, cabitaanada kale ee sokortu ku badantahayna ayba culays kale kugu siyaadin karaan. Sidaas daraadeed, ha dhayalsan awooda biyaha caadiga ah.<\/h2>\n<h2><\/h2>\n<ol>\n<li>\n<h2><strong>B.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Iftiinka<\/strong><\/h2>\n<\/li>\n<\/ol>\n<h2>Hadii xafiis aad ku sugantahay, fur daaqadaha xiran si hawada dabiiciga ah u quudiso hoormoonada maskaxda.<\/h2>\n<h2>Hadii aadan daaqadda furi Karin sababo badan aawadood, waa inaad hubisaa in layrka qolka\/xafiisku in uu kuu ifayo, maxaa yeelay iftiinkaasi saa\u2019idka waxuu maskaxdaadu ka dhigaysaa mid soo jeeda oo aad u feejigan. Dhanka kale hadii mugdi iyo qabow aad isku heshid, hurdo iyo haamaansi ayay maskaxdaadu bilaabaysaa.<\/h2>\n<h2>Xitaa ogsoonoow in iftiinka monitorka kombiyuutarkaaga uu saamayn wayn ku leeyahay soo jeedka maskaxdaada, haduu iftiinku siyaado, hurdadu way sii yaraataa. Hadaba, isku day inaad iftiinka aad ku badiso dhaladaada.<\/h2>\n<h2>Waxaa ogaataa in iftiinka maalintii uu qayb ka qaato enerjigaaga, si lamid ahna layrka qolka iyo iftiinta kombiyuutarkaaga waxaa ay iyagana qayb ka qaataan firfircoonida iyo furfurnaanta maskada.<\/h2>\n<ol>\n<li>\n<h2><strong>C.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 In yar soc-soco<\/strong><\/h2>\n<\/li>\n<\/ol>\n<h2>Sosocodka gaaban waxaa uu sare u qaadayaa oksigiinka ay maskaxdaadu helayso<\/h2>\n<h2><\/h2>\n<h2>Ku wareeg xaydaabkaa ku xeeran, kaliya wakhti yar oo kooban, hadii aad heli kartid saaxiib kula luga baxsada kaba sii fiican, tanina waxay sare u qaadaysaa nasashada iyo naaxinta oksigiinka maskaxdaada taasoo si aan innaba caadi ahayn uga qayb qaadato kor u qaadidda tamartaada ama firfircoonida<\/h2>\n<ol>\n<li>\n<h2><strong>D.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Dhagayso heeso\/Muusik<\/strong><\/h2>\n<\/li>\n<\/ol>\n<h2>Bal qiyaas marka aad dhagaysato hees kaban ah oo qaaci ah, cod degan iyo miro murti lehna lagu laray, ama muusik jug ah oo raab iyo ciyaar cajiib ahna la saaray. Waxaa hubaal ah in feejignaandu iyo firfircoonidaadu ay afaysmayaan sidii mididii soofeeyay, mooraalkaagu aad ayuu u kacayaa<\/h2>\n<h2>Muusigu waxaa uu saamayn qotodheer ku leeyahay heerarka enejigaaga, qaar kamid ah muusiga waxaa ay kaa dhigayaan qof soo jeeda, heegan ah waliba kaa kicinaan culaysa caajiska, halka qaar kale oo muusika kamid ahna aadba ka qaadi karto culays, caro, gocasho\/xasuus walaacba kugu keenta ama xiisad kugu dhalisa mararka qaar. Hadba akhristoow heesteed ku toostaa\/ fax kaa dhigta, heesteedse ku hurdoodaa ama dhowr sano xasuus ah ku galiya?\u2026..<\/h2>\n<h2>Muusiga markaad dhagaysanaysid waa inuusan noqon mid saaxiibkaa ama qofka kula jooga aanan qarbudin dareenkisa, ku dhagayso earphone, sameecadda iska kontrool<\/h2>\n<ol start=\"2\">\n<li>\n<h2><strong>Xalka mudduda dheer waara<\/strong><\/h2>\n<\/li>\n<\/ol>\n<h2>Waxaa sidoo kale jira habab kale oo aad feejignaantaada iyo tamartaada aad kor ugu qaadi karto taasoo ah mid wakhti dheer jirayso<\/h2>\n<ol start=\"2\">\n<li>\n<h2><strong>A.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Cun cunto isku dheelli-tiran<\/strong><\/h2>\n<\/li>\n<\/ol>\n<h2>Cuntada aad cunayso saamayn balaaran ayay ku leedahay sida aad dareemayso, marka aad cunto cundata ay ka badantahay xayrta, sokorta, cusbada iyo walxaha kale ee la halmaala, waxay ka\u00a0 dhigantahay inaadan cunin cunto nafaqaysan taasoo kugu awood siinayso inaad howshaada ugudato sida ugu haboon.<\/h2>\n<h2>Hadaba joogtee cunista cunto isku dheeli tiran iyo wakhtiyo u go\u2019an cuntada cunista cuntada qaar, cuntada ka qaybqaadata firfircoonida iyo faxsanaanta xiskaaga waxaa kamid ah cuntada fudud, cuntada xayrta(baruurta) ku yartahay, khudaarta noocyadeeda kala duwan, cabitaanada miraha ka samaysan iyo galaaskaaga biyaha ah oo mar waliba ku hoos yaala.<\/h2>\n<ol start=\"2\">\n<li>\n<h2><strong>B.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Jimicsi joogta ah samee<\/strong><\/h2>\n<\/li>\n<\/ol>\n<h2>Sidoo kale habka ugu wanaagsan ee aad ku hanan karta heerka sare ee enerjiga waxay ku xirantahay inta jeer aad jimicsi samaysid. Daraasaadyo tiradoodu aad u badantahay ayaa so jeedinaya in jimicsigu muhiim u yahay hab nololeed caafimaad san<\/h2>\n<h2>Jimicsiga joogtada ayaa la xaqiijiyay inuu sidoo kale kor u qaado awoodaada xasuus iyo dareen\/ogaal<\/h2>\n<h2>Si kaste oo aad mashquul u tahay isku day inaad samaysid jadwal jimicsi maalin waliba.<\/h2>\n<ol start=\"2\">\n<li>\n<h2><strong>C.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Ku shaqee Jadwal ama shax maalinle<\/strong><\/h2>\n<\/li>\n<\/ol>\n<h2>Sida aad hadba u qorshaysid jadwalkaaga ayaa sidoo kale qayb laxaad leh ku leh enerjigaaga, waxaaba la sheegaa in jadwalku yahay kan ugu muhiimsan ee qofka kastaa u ah dhiirigaiye iyo dhaqaajiye kaasoo u ah tilmaame farta ugu fiiqa shaqada looga baahan yahay inuu qabto saacadda iyo minitka aad joogto. Hadab ha ilaawin inaad minid walibaa aad qorshe u samaysato. Culimada cilmu nafsiga qaarkood waxayba yiraahdaan hadaad leedahay jadwal, aad ayay u yartahay inuu qofku dareemo caajis iyo wareer<\/h2>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Bal qiyaas, waa 2:30 pm galabnimo, ilaa iyo saaka si aad ah oo aan kala joogsi lahayn ayaad u shaqaynaysay, maxaad is leedahay jawigaaga sida uu ahaan lahaa? Dabcan, indhahaaga wali waa ay soo cadyihiin, waxaad isku dayaysaa inaad howshaada ku sii wadato feejignaan iyo dhiiranaan. Wakhtiyadaan oo kale, go\u2019aamo liita ayaad qaadan kartaa ama [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":6291,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-6290","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-1Ds","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6290","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=6290"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6290\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=6290"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=6290"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=6290"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}