{"id":62869,"date":"2021-03-27T20:01:19","date_gmt":"2021-03-27T20:01:19","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=62869"},"modified":"2021-03-27T20:01:19","modified_gmt":"2021-03-27T20:01:19","slug":"maxay-dowladda-soomaaliya-kaga-jawaabtay-goaanka-kenya-ku-xidhayso-xeryaha-qaxoontiga-dhadhaab-iyo-kakuma","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2021\/03\/27\/maxay-dowladda-soomaaliya-kaga-jawaabtay-goaanka-kenya-ku-xidhayso-xeryaha-qaxoontiga-dhadhaab-iyo-kakuma\/","title":{"rendered":"Maxay Dowladda Soomaaliya kaga jawaabtay Go\u2019aanka Kenya ku xidhayso Xeryaha Qaxoontiga Dhadhaab iyo Kakuma?"},"content":{"rendered":"<p><em><strong>Muqdisho (Arabsiyonews)<\/strong><\/em>&#8211; Dowladda Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay go\u2019aan dowladda Kenya toddobaadkii hore ku sheegtay inay albaabada u laabayso xeryaha Qaxoontiga Soomaalida ee yaalla dalkeeda kaddib markii ay Qaramada Midoobay u gudbisay amar lagu xidhayo xeryahaas.<\/p>\n<p>Dowladda Soomaaliya waxa ay sheegtay inay fejaciso ku noqotay go\u2019aanka ka soo baxay dowladda Kenya oo wakhtiga kooban loogu qabtay hay\u2019adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR oo gacanta ku haysa xeryaha Qaxoontiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma oo ay ku nool yihiin todonaan kun oo Soomaali ah.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><\/div>\n<p>Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya Cismaan Abokor Dubbe ayaa sheegay in dowladda Kenya ay isku khaldayso arrimaha siyaasadda iyo kuwa bini\u2019aadanimada, waxaanu ku dooday in in dadka qaxootiga ah ay gudaha Kenya ku joogaan sharci caalami ah oo ay ku qasban tahay inay ilaaliso.<\/p>\n<p>\u201cArrimaha siyaasadda waxay ka dhaxeeyaan labada dal, kiis baa maxkamadda yaalla oo weli go\u2019aan lagama gaadhin, arrimihii Jabhadaha ayaan hadda xalkoodii helnay, markaa haddii lagaaga adkaaday siyaasadda maaha inaad ka aar-goosato dadka qaxoontiga ah,\u201d Sidaas waxa yidhi Wasiirka warfaafinta ee Soomaaliya oo u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da.<\/p>\n<p>Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, \u201cQaxoontigu waxa uu ku fadhiyaa xeerka caalimaga ah ee qaxootiga ee loo yaqaan Geneva Convention, sidaasi darteed Kenya xaq uma laha inay si khasab ah ku celiso qaxoontiga\u201d.<\/p>\n<p>Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, waxa kale oo uu yidhi, \u201cKenya iyada ayaa faa\u2019iidada ugu badan ka hesha qaxootiga, sannadkiiba waxaa ka soo gala qiyaas ahaan nus bilyan doolar iyadaaba dhaqaale ku qabta marka u maleyn maayo inay dan badan ugu jirto dib u celinta qaxootiga.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><\/div>\n<p>Kenya ayaa 14 maalmood u qabatay ha\u2019yadda Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha qaxoontiga ee UNHCR si ay ula timaaddo qorshe lagu xidhayo xeryaha qaxoontiga ee Dhadhaab iyo Kaakuma, sida lagu shaaciyay qoraal lasoo dhigay barta Facebook ee wasaaradda arrimaha gudaha Kenya.<\/p>\n<p>Dowladda Kenya waxa ay sheegtay in qorshaha xidhitaanka xeryahan Qaxoontiga aan wax wada-hadal laga yeelan doonin.<\/p>\n<p>War ka soo baxay Ha\u2019yadda Qaramada Midoobey u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR, aya alagu sheegay in Kenya ay u soo gudbisay qorshaha ay ku dooneyso inay ku xidho xeryaha Dhadhaab iyo Kaakuma. Waxa ay UNHCR sheegtay in go\u2019aankaasi uu saameyn ku yeelan doono dadka qaxootiga ah ee ku nool Kenya xilli uu dunida saameeyay safmarka Covid-19.<\/p>\n<p>Soomaaliya ayaa hore u xayirtay ganacsigii Qaadka ee ay Kenya u dhoofin jirtay Soomaaliya, kaas oo dhaqaale badani uga xeroon jiray Kenya.<\/p>\n<p>Dowladda Soomaaliya ayaa 15-kii bishii December ee sanadkii tagay xidhiidhka diblomaasiyadeed u jartay Kenya kaddib markii ay sheegtay in ay ku xad gudubtay madaxbannaanideeda oo ay ciidamo kasoo abaabushay xadka u dhexeeya labada waddan<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Muqdisho Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (Arabsiyonews)&#8211; Dowladda Soomaaliya ayaa jawaab ka bixisay go\u2019aan dowladda Kenya toddobaadkii hore ku sheegtay inay albaabada u laabayso xeryaha Qaxoontiga Soomaalida ee yaalla dalkeeda kaddib markii ay Qaramada Midoobay u gudbisay amar lagu xidhayo xeryahaas. Dowladda Soomaaliya waxa ay sheegtay inay fejaciso ku noqotay go\u2019aanka ka soo baxay dowladda Kenya oo wakhtiga kooban loogu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":62870,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-62869","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/60226_SomaliaKenya_1564582020577.jpg?fit=960%2C540&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-gm1","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/62869","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=62869"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/62869\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":62872,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/62869\/revisions\/62872"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/62870"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=62869"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=62869"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=62869"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}