{"id":62797,"date":"2021-03-23T17:35:51","date_gmt":"2021-03-23T17:35:51","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=62797"},"modified":"2021-03-23T17:41:30","modified_gmt":"2021-03-23T17:41:30","slug":"madaxweynaha-somaliland-oo-qaatay-tallaalka-covid-19","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2021\/03\/23\/madaxweynaha-somaliland-oo-qaatay-tallaalka-covid-19\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha Somaliland Oo Qaatay Tallaalka Covid 19"},"content":{"rendered":"<div class=\"kvgmc6g5 cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\"><strong>Hargeysa(Arabsiyonews):-<\/strong>Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta daah-furay ololaha qaran ee tallaalka xanuunka Covid-19 oo dalka ka bilaabmay, waxana uu madaxweynuhu si rasmi ah u qaatay dhibcihii ugu horreeyey ee tallaalka covid-19.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Munaasibadda Daah-furka ololaha qaran ee tallaalka xanuunka Covid-19, ayaa madaxweynaha waxa kala qayb-galay badiba xubnaha ugu sarreeya qaranka oo ay kamid yihiin guddoomiyaha golaha wakiillada, hoggaanka saddexda xisbi-qaran, xubnaha guddida doorashooyinka qaranka, qaar kamid ah golaha wasiirrada iyo agaasimeyaal guud, kuwaas oo dhammaantood qaatay dhibcaha tallaalka ee xanuunka covid-19.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Guddoomiyaha golaha wakiillada, Mudane Baashe Maxamed Faarax, wasiirka horumarinta caafimaadka, Mudane Cumar Cali Cabdilaahi, guddoomiyaha xisbiga UCID, Mudane Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali-waraabe), guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee xisbiga WADDANI, Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde oo kaddib markii ay dhibacaha tallaalka qaateen halkaas ka hadlay, ayaa bulshada kalsooni ku siiyey inay qaataan tallaalka, si ay uga badbaadaan Aafada xanuunkani leeyahay iyo halista uu noloshooda u leeyahayba, iyagoo sidoo kalena shacabka ugu baaqay inay u hoggaansamaan tallaabooyinka lagaga hortegayo xanuunkan.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna dhankiisa shaaciyey inay qaadashada tallaalku si rasmi ah u bilaabantay, laguna saleeyey qorshaha wasaaradda horumarinta caafimaadku u dejisay oo ay kaalinta koowaad leeyihiin dadka safka hore, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,\u201cMaanta waxaynu bilaabaynaa tallaalkii karoonaha oo dhawr cisho ka hor ina soo gaadhay, wasaaradda caafimaadkuna waxay u diyaariyeen dadka xagga hore u taagan la dagaallanka xanuunkan ee ay kamid yihiin bahda caafimaadka, ciidamada iyo dadka ugu nugul ee da\u2019da ah ama cudurada gaarka ah qaba.\u201d<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Madaxweynuhu waxa uu bulshada u caddeeyey inuu si rasmi ah u qaatay tallaalka ka horta xanuunka covid 19, dunida oo dhammina isku raacsan tahay waxtarka tallaalkan iyo badqabkiisaba, isaga oo meesha ka saaray shakiga dadka qaarkii ka muujinayo,\u201cTallaalkii anigu waan qaatay, wax laga baqdina malaha, marka lagu durayona dareemi maysid gacantii in lagu duray iyo in kale, wax Alle iyo wax shaki ah oo uu leeyahana ma jirto, adduunka oo dhammina wuu isku raacsan yahay, markaa dadka shakiga qaba ee leh wax baa qaldan, haddii ay Yurub tahay iyo haddii ay Maraykan tahayba waxa la isku raacay inuu yahay 100% mid aan Bani\u2019aadmka waxba yeelaynin, 80%-na waxtar u leh,\u201d ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Xubnaha Komishanka qaranka, Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane, Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere), wasiirrada wasaaradaha horumarinta caafimaadka, Mudane Cumar Cali Cabdilaahi (Bede), Qorshaynta qaranka iyo horumarinta, Mudane Xasan Maxamed Cali (Xasan Gafaadhi), Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Siciid Sulub Maxamed, agaasimaha guud ee madaxtooyada, Mudane Maxamed Cali Bile, iyo agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta Caafimaadka, Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa iyaguna dhammaantood qaatay dhibaca tallaalka xanuunka COVID-19.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Wa-bilaahi Tawfiiq<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\"><em>Arabsiyonews.com<\/em><\/div>\n<div dir=\"auto\"><em>Hargaysa Office<\/em><\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa(Arabsiyonews):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta daah-furay ololaha qaran ee tallaalka xanuunka Covid-19 oo dalka ka bilaabmay, waxana uu madaxweynuhu si rasmi ah u qaatay dhibcihii ugu horreeyey ee tallaalka covid-19. Munaasibadda Daah-furka ololaha qaran ee tallaalka xanuunka Covid-19, ayaa madaxweynaha waxa kala qayb-galay badiba xubnaha ugu sarreeya qaranka oo ay kamid [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":62798,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,7,2],"tags":[],"class_list":["post-62797","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-videos","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/164224746_3760093830771109_5116100203558731510_o.jpg?fit=590%2C403&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-gkR","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/62797","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=62797"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/62797\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":62802,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/62797\/revisions\/62802"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/62798"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=62797"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=62797"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=62797"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}