{"id":62624,"date":"2021-03-14T19:37:25","date_gmt":"2021-03-14T19:37:25","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=62624"},"modified":"2021-03-14T22:00:17","modified_gmt":"2021-03-14T22:00:17","slug":"kenya-oo-ka-baxday-dacwadda-badda-ee-ka-dhaxaysay-dawladda-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2021\/03\/14\/kenya-oo-ka-baxday-dacwadda-badda-ee-ka-dhaxaysay-dawladda-soomaaliya\/","title":{"rendered":"Kenya Oo Ka Baxday Dacwadda Badda Ee Ka Dhaxaysay Dawladda Soomaaliya"},"content":{"rendered":"<p style=\"font-weight: 400;\">Hague (Arabsiyonews) \u2013 Dawladda Kenya,\u00a0\u00a0ayaa sheegtay in ay ka baxday dacwadda badda ee ka dhaxaysa Dawladda Soomaaliya, sababo la xidhiidha faafidda Xanuunka Covid_19.<\/p>\n<p style=\"font-weight: 400;\">Kenya waxay sheegtay in Xanuunka Covid_19 oo ku sababay inay xoogayn waydo Awooddeeda u diyaar-garowga iyo difaacidda Dacwadda Badda oo saddex Maalmood ka dib ka bilaabmaysa Maxkamadda Adduunka ee ICJ oo ku taalla Magaalada The Hague ee dalka Holland.<\/p>\n<p style=\"font-weight: 400;\">Kenya\u00a0\u00a0waxay sidoo kale sheegtay in ay ka walaacsan tahay ka qayb-galka kiiska badda ee garsooraha Soomaaliga ah ee Cabdiqawi Yuusuf ee\u00a0 hore u ahaa Madaxweynihii ICJ, balse hadda ka mid ah Garsooreyaasha Maxkamadda ICJ.<\/p>\n<p style=\"font-weight: 400;\">\nXeer ilaaliyaha guud kenya Kihara Kariuki, yaa u diray Maxkamadda caddaalada Adduunka warqad ku taariikhaysan 11-kii bishan March, 2021, taasi oo ku saabsan in Kenya ay ka laabaneyso dacwadda, kadib markii loo diiday codsigeedii ahaa in dib loogu dhigo dhegaysiga Dacwadda.<\/p>\n<p style=\"font-weight: 400;\">\nDawladda Kenya ayaa ku doodaysa in aanay haysan diyaar garow ku filan, sababo la xidhiidha in masiibada Covid_19 ay ka xayuubisay ilihii dhaqaalaha si ay u maal-geliso awooddeeda kiiska badda.<\/p>\n<p style=\"font-weight: 400;\">\nIsku dayo Kenya ay ku doonaysay in kiiska dib loo dhigo ayaa fashilmay, ka dib markii maxkamadda caalamiga ay xukuntay in kiiska aan mar kale dib loo dhigidooni.<\/p>\n<h4><strong>Arabsiyonews.com<\/strong><\/h4>\n<h4><strong>Hargeysa Office<\/strong><\/h4>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hague (Arabsiyonews) \u2013 Dawladda Kenya,\u00a0\u00a0ayaa sheegtay in ay ka baxday dacwadda badda ee ka dhaxaysa Dawladda Soomaaliya, sababo la xidhiidha faafidda Xanuunka Covid_19. Kenya waxay sheegtay in Xanuunka Covid_19 oo ku sababay inay xoogayn waydo Awooddeeda u diyaar-garowga iyo difaacidda Dacwadda Badda oo saddex Maalmood ka dib ka bilaabmaysa Maxkamadda Adduunka ee ICJ oo ku [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":62625,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-62624","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/Garsooreyaasha-Maxkamadda-Sare-ee-ICJ-696x392-1.jpg?fit=696%2C392&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-gi4","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/62624","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=62624"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/62624\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":62627,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/62624\/revisions\/62627"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/62625"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=62624"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=62624"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=62624"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}