{"id":62504,"date":"2021-03-10T15:51:39","date_gmt":"2021-03-10T15:51:39","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=62504"},"modified":"2021-03-10T15:51:39","modified_gmt":"2021-03-10T15:51:39","slug":"wariye-shaqadiisi-ku-waayay-faalo-uu-ka-bixiyey-xaaska-amiir-harry","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2021\/03\/10\/wariye-shaqadiisi-ku-waayay-faalo-uu-ka-bixiyey-xaaska-amiir-harry\/","title":{"rendered":"Wariye Shaqadiisi Ku Waayay Faalo Uu Ka Bixiyey Xaaska Amiir Harry"},"content":{"rendered":"<p>London (AN)- Piers Morgan oo kamid ah weriyayaasha ugu caansan Ingiriiska ayaa ka tegay shaqadii u hayay barnaamijka Good Morning Britain ee telefishinka ITV, kadib muran ka dhashay faallo uu ka bixiyay xaaska amiir Harry, Meghan Markle.<span id=\"more-59254\"><\/span><\/p>\n<p>Weriyaha ayaa barnaamijkaas daadihinayay muddo 6 sano ah.<\/p>\n<p>Telefishinka ITV ayaa shaaciyay go\u2019aanka uu shaqada uga tagayo Piers Morgan, kadib markii in ka badan 41,000 dacwadood laga gudbiyay faalladiisa ku aaddan Meghan.<\/p>\n<p>Barnaamij uu tebinayay Isniintii ayuu Morgan ku sheegay in \u201cuusan hal kalmad ka rumaysan\u201d waraysigii ay Meghan siisay Oprah Winfrey ee ay uga hadashay dhibaatada maskaxeed ee soo wajahday.<\/p>\n<p>Maamulka ITV ayaa u sheegay BBC in bixitaanka Morgan uu saameyn ku yeelan doono barnaamijkaas subixii la sii daayo, balse waxa ay ka gaabsadeen inay sheegaan cidda la wareegaysa kaalinta uu baneeyay.<\/p>\n<p>Piers Morgan iyo Alex Beresford oo saadaasha hawada u tebiya ITV ayaa isku qabtay faallada ka dhanka ah Meghan, waxaana Beresford uu ku dhaliilay Morgan inuu \u201csii wado magac-dilka\u201d ka dhanka ah xaaska amiir Harry.<\/p>\n<p>Dood kulul kadib, Morgan ayaa isaga baxay barnaamijka uu waday, inkastoo uu dib hawada ugu soo laabtay 10 daqiiqo kadib.<\/p>\n<p>Madaxa ITV, Dame Carolyn McCall, ayaa sheegtay inay \u201crumaysan tahay waxa ay sheegtay Meghan,\u201d iyadoo intaa raacisay in telefishinka uu garawsan yahay dhibaatada xanuunnada dhimirka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>London (AN)- Piers Morgan oo kamid ah weriyayaasha ugu caansan Ingiriiska ayaa ka tegay shaqadii u hayay barnaamijka Good Morning Britain ee telefishinka ITV, kadib muran ka dhashay faallo uu ka bixiyay xaaska amiir Harry, Meghan Markle. Weriyaha ayaa barnaamijkaas daadihinayay muddo 6 sano ah. Telefishinka ITV ayaa shaaciyay go\u2019aanka uu shaqada uga tagayo Piers [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":62505,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,7,2],"tags":[],"class_list":["post-62504","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-videos","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/117512551_70097309-e983-4d91-9b0c-f0b4ae2b6643.jpg?fit=696%2C392&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-gg8","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/62504","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=62504"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/62504\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":62507,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/62504\/revisions\/62507"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/62505"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=62504"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=62504"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=62504"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}