{"id":6247,"date":"2015-02-17T10:44:15","date_gmt":"2015-02-17T10:44:15","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=6247"},"modified":"2015-02-17T10:44:15","modified_gmt":"2015-02-17T10:44:15","slug":"caaqil-cabdillaahi-mataan-oo-difaacay-goaanka-xalka-lagaga-gaadhay-murankii-dhul-ee-masallaha-tallooyinna-u-jeediyay-madax-dhaqameed-dar-jiidhay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/02\/17\/caaqil-cabdillaahi-mataan-oo-difaacay-goaanka-xalka-lagaga-gaadhay-murankii-dhul-ee-masallaha-tallooyinna-u-jeediyay-madax-dhaqameed-dar-jiidhay\/","title":{"rendered":"Caaqil Cabdillaahi Mataan Oo Difaacay Go\u2019aanka Xalka Lagaga Gaadhay Murankii Dhul Ee MASALLAHA, Tallooyinna U Jeediyay Madax-dhaqameed Dar-jiidhay"},"content":{"rendered":"<h2><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/02\/DSC01847.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-6248\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/02\/DSC01847-300x225.jpg?resize=300%2C225\" alt=\"DSC01847\" width=\"300\" height=\"225\" \/><\/a><\/h2>\n<h2>Caaqil Cabdillaahi Mataan Aw Xasan, oo ka mid ah Madax-dhaqameedka beesha Koonfurka Hargeysa, ayaa ka hadlay Madax-dhaqameed uu sheegay inay si aan masuuliyadi ku jirin uga hadleen dhulka Masallaha ee dhawaan Madaxwaynuhu ka soo saaray amarka.<\/h2>\n<h2>Caaqil Cabdillaahi Mataan oo xalay la soo xidhiidhay Wargeyska Somalilandtoday ayaa sheegay inuu ka xun yahay in Madax-dhaqameed sheeganaya inay danta ummada ka hadlayaan cambaareeyaan ama eedeeyaan guddida horumarinta beesha Ciidagale, kuwaasi oo uu sheegay in intii la aasaasay danaha beeshu guud ahaan toostay isla-markaana horumartay.<\/h2>\n<h2>Caaqilka oo daba socday hadal Odayaal Cuqaal ahi ku diidanayeen go\u2019aanka Madaxwaynuhu ka soo saaray dhulka MASALLAHA, ayaa yidhi \u201cNinbaa Gabey yidhi \u201cNin ambaday halkuu marey way ula ekoonayde\u201d cuqaasha shirka jaraa\u2019id qabtey qaar baan kala aqoonin reeraha ay u taliyaan, sidaa daraadeed ma ahayn inay ka hadlaan waxaan dantooda ahayn,\u00a0 waayo cuqaashaasi hadday waddada Sallaxley uga taalaabaan dhanka galbeed way ku asqoobayaan, hadday Geerash aw Aaden gaadhaana way ku asqoobayaan.<\/h2>\n<h2>Nimankaa cuqaasha ahi may ahayn inay ka hadlaan dhulka (Masallaha) oo aanay waxba ka qaban kareynin, markay leeyihiin guddida Ciidagale ayaanu beddelaynaa waxaan leeyahay guddida mana beddeli kartaan, mana Magacaabi kartaan, waayo waxay u badan yihiin niman dhaqanka ku saaqiday oo aanay beelahoodu waxba waydiinin\u201d<\/h2>\n<h2>Caaqilka oo sii hadlaya ayaa sheegay \u201cMarkaa waxaan leeyahay caqliga wanaagsani kama taliyo in wax la kala kexeeyo ee wuxuu ka taliyaa in wax la isku soo jiido\u201d ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray \u201cNimanka cuqaasha ah waxaan maqlay in nin walba loo ballan-qaaday in dhulka danta guud ah ee Masallaha laga siinayo badh, markaa waxaan leeyahay waa looyaro difaacaya cid gaar ah oo dan leh\u2026\u2026\u201d<\/h2>\n<h2>Caaqilku wuxuu sheegay in cuqaasha ka hadashay dhulkaasi looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan arrimaha reeraha ay u taliyaan oo uu xusay inay xilligan u baahan yihiin taageero, maadaama oo lagu jiro jiilaal, dadka xoolo dhaqataduna u baahan yihiin in la garab istaago, halka buu ay ku mashquulsan yihiin arrimo<\/h2>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Caaqil Cabdillaahi Mataan Aw Xasan, oo ka mid ah Madax-dhaqameedka beesha Koonfurka Hargeysa, ayaa ka hadlay Madax-dhaqameed uu sheegay inay si aan masuuliyadi ku jirin uga hadleen dhulka Masallaha ee dhawaan Madaxwaynuhu ka soo saaray amarka. Caaqil Cabdillaahi Mataan oo xalay la soo xidhiidhay Wargeyska Somalilandtoday ayaa sheegay inuu ka xun yahay in Madax-dhaqameed sheeganaya [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":6248,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-6247","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-1CL","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6247","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=6247"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6247\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=6247"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=6247"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=6247"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}