{"id":62366,"date":"2021-03-06T17:18:51","date_gmt":"2021-03-06T17:18:51","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=62366"},"modified":"2021-03-06T17:18:51","modified_gmt":"2021-03-06T17:18:51","slug":"faratoon-oo-sheegay-inuu-ku-guulaysanayo-doorashada-wakiillada-iyo-guddoomiye-nimada-golahaasba","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2021\/03\/06\/faratoon-oo-sheegay-inuu-ku-guulaysanayo-doorashada-wakiillada-iyo-guddoomiye-nimada-golahaasba\/","title":{"rendered":"Faratoon Oo Sheegay Inuu Ku Guulaysanayo Doorashada Wakiillada Iyo Guddoomiye-nimada Golahaasba"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa (AN) \u2013 Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo xilka Wasiirka Arrimaha Dibedda iska casilay si uu ugu tartamo Golaha Wakiilada Somaliland, gaar ahaan Guddoomiyaha Golahan, ayaa ka hadlay dareenkiisa iyo siduu u arko xilalkii kala duwanaa ee uu qaranka ka soo qabtay.<\/p>\n<p>Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo u warramay\u00a0<strong>Wargeyska Geeska Afrika<\/strong>\u00a0ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay \u201cHadda waan is casilay, waxaana iskaga casilay xilkii aan qaranka u hayey oo ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, in aan isku soo sharaxo xilka Golaha Wakiilada, gaar ahaan xilka Guddoomiyaha Golaha Wakiilada oo aan u sharaxan nahay, Madaxweynaha Jahmuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxaan uga mahadnaqayaa inuu iga gudoomo is casilaada\u201d.<\/p>\n<p>Mar aanu wax ka weydiinay xilka Guddoomiyenimo ee Golaha Wakiilada ee uu u sharaxan yahay ayuu yidhi \u201cHaa\u2026waan u sharaxan nahay xilkaas Guddoomiyenimo ee Golaha Wakiillada, oo hore ayaan u sheegay, insha allaahna waan ku guulaysan doonaa Doorashada Wakiillada iyo Shir-guddoonka Golahanba\u201d.<\/p>\n<p>Mar uu ka hadlaayey xilkii kala duwanaa ee uu qaranka ka soo qabtay ayuu yidhi \u201cXilalka kala duwan ayaan soo qabtay, Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxaan uga mahadnaqayaa xilalkii kala duwanaa ee uu ii soo dhiibay, ee kala ah Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda, waxaan kale oo aan Madaxweynihii hore Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), waan uga mahadnaqayaa xilkii Wasiirka Wasaaradda Arrimaha\u00a0 Gudaha ee uu ii dhiibay, mar kastana dalkayaga iyo dadkayaba si daacadnimo iyo dadaal ku jiro ayaan ugu soo shaqeeyey, haddii noqoto Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibedda iyo Waxbarashadaba, insha allaah\u00a0 waan ugu shaqeeyn doonaa,\u201d.<\/p>\n<p>Dhanka kale,\u00a0\u00a0 Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu ku bogaadiyey, ugana Mahad-naqay\u00a0 go\u2019aanka uu lacagta kaga bixiyey Musharixiinta ka soo jeeda Beelaha laga tirada badan yahay iyo Haweenka u sharaxan Golayaasha Wakiilada iyo Deegaanka, waxaanu tilmaamay inuu Madaxweynuhu qaatay go\u2019aan aad u fiican.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (AN) \u2013 Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo xilka Wasiirka Arrimaha Dibedda iska casilay si uu ugu tartamo Golaha Wakiilada Somaliland, gaar ahaan Guddoomiyaha Golahan, ayaa ka hadlay dareenkiisa iyo siduu u arko xilalkii kala duwanaa ee uu qaranka ka soo qabtay. Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo u warramay\u00a0Wargeyska Geeska Afrika\u00a0ayaa ugu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":62367,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-62366","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/faratoon2.gif?fit=696%2C350&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-gdU","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/62366","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=62366"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/62366\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":62368,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/62366\/revisions\/62368"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/62367"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=62366"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=62366"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=62366"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}