{"id":62312,"date":"2021-03-04T13:50:55","date_gmt":"2021-03-04T13:50:55","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=62312"},"modified":"2021-03-04T13:50:55","modified_gmt":"2021-03-04T13:50:55","slug":"qiimaha-shidaalka-oo-kor-u-kacay-iyo-wasaaradda-ganacsiga-oo-aamusnaan-kaga-jawaabtay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2021\/03\/04\/qiimaha-shidaalka-oo-kor-u-kacay-iyo-wasaaradda-ganacsiga-oo-aamusnaan-kaga-jawaabtay\/","title":{"rendered":"Qiimaha Shidaalka oo Kor u Kacay iyo Wasaaradda Ganacsiga oo Aamusnaan kaga Jawaabtay"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa-(AN)- Qiimaha Shidaalka ayaa kor u kac xoogan laga dareemayo todobaadkan guud ahaan gobollada Jamhuuriyadda Somaliland taasi oo keentay in shacab ka muujiyaan qaylo dhaan xoogaan.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Bulshada gadiidlayda gaar ahaan basaska oo qayb ka weyn ka isu-socodka gobollada iyo magaaloyinka gudahooda ayaa sheegay in gacansatada keena shidaalka ay ku tacadiyaan shacabweynaha jamhuuriyadda Somaliland<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>\u201d Tanaggii shidaalka ahaa ee marayey 78,000 kun oo Somaliland Shilin maanta waa 115,000 majiro doolar kacay , majirto cashuur shidaalka lagu kordhiyay , majiro shidaal dunida ka kacay, haddana maalinba maalinta ka dambeysa shidaalkii shirkaduhu way nagusii kicinayaan\u201d ayuu yidhi mid ka mid ah Is-kaashatada basaska Hargeysa oo walaac ka muujiyay qiimo korodh ku yimi shidaalkii , iyaga oo ku baaqay in danyarta intaan lagu kordhin loo tudho.<\/p>\n<p>Shacabka ayaa Dawan u sheegay in ganacsatada Shidaalka ee dalku u heshiiyeen bulshada reer Somaliland oo ay kooto u xidhan ka dhigteen qiimaha iibka ee shidaalka dalka soo gala, waxa kale oo ay sheegeen in heshiis ku yihiin inay dalka u iib keenaan shidaalka ugu tayada hooseeya, si aanay xagga qiimaha u kala duwanaan markay soo iibsanayaan, si ay qiimo isku mid ah ugu wada iibin karaan marka uu soo gaadho kaalmahooda shidaalka.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>wasaaradda ganacsiga ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa iyana aamusnaan kaga jawaabtay, isla markaana aan ka hadal in ay jiraan dedaalo iyo wax tallaabo ah oo\u00a0 gaadiidku ku heli karaan shidaal jaban.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland ayaa wasaaradda ganacsiga ku dhaliilay gaabis ku yimid gudashada waajibeedka shaqo ee helida iyo tayeynta shidaalka\u00a0 noocyadiisa kala duwan.<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Hargaysa Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa-(AN)- Qiimaha Shidaalka ayaa kor u kac xoogan laga dareemayo todobaadkan guud ahaan gobollada Jamhuuriyadda Somaliland taasi oo keentay in shacab ka muujiyaan qaylo dhaan xoogaan. &nbsp; Bulshada gadiidlayda gaar ahaan basaska oo qayb ka weyn ka isu-socodka gobollada iyo magaaloyinka gudahooda ayaa sheegay in gacansatada keena shidaalka ay ku tacadiyaan shacabweynaha jamhuuriyadda Somaliland &nbsp; [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":62313,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-62312","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2021\/03\/Haan.jpg?fit=640%2C427&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-gd2","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/62312","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=62312"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/62312\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":62314,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/62312\/revisions\/62314"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/62313"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=62312"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=62312"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=62312"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}