{"id":62130,"date":"2021-02-28T23:19:27","date_gmt":"2021-02-28T23:19:27","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=62130"},"modified":"2021-02-28T23:19:27","modified_gmt":"2021-02-28T23:19:27","slug":"madaxweyne-biixi-oo-ka-hadlay-geerida-madaxii-baratakoolka-ee-xukuumadddii-siilaanyo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2021\/02\/28\/madaxweyne-biixi-oo-ka-hadlay-geerida-madaxii-baratakoolka-ee-xukuumadddii-siilaanyo\/","title":{"rendered":"Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay Geerida Madaxii Baratakoolka Ee Xukuumadddii Siilaanyo"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa(AN)-Madaxii hore ee Baratakoolka Madaxtooyadda Somaliland ee xilligii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ku geeriyooday Hargeysa.<\/p>\n<p>Allah haw naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Maxamuud Ibraahim (Saqadhi), ayaa xalay ku geeriyooday Magaalada Hargeysa oo maanta lagu aasay Marxuumka.<\/p>\n<p>Madaxtooyadda Somaliland, ayaa ka hadashay geerida Madaxii hore ee Baratakoolka.<\/p>\n<p>Dahnbaal tacsi ah oo kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda, wuxuu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi,ku yidhi, sidan:-<\/p>\n<p>\u201cAnnigoo ku hadlaya magacayga, dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxaan dhammbaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland.\u201d<\/p>\n<p>Waxaan ka tacsiyaynayaa geerida ku timi\u00a0 Allah ha u naxariistee\u00a0<strong>Marxuum Cabdiraxmaan Maxamuud Ibraahim (Saqadhi)\u00a0<\/strong>oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 28\/02\/2021 Caasimada Hargeysa, laguna aasay.\u201d ayaa lagu yidhi dhanbaalka tacsida ah.<\/p>\n<p>Madaxweyne Biixi, wuxuu marxuumka ku sifeeyey\u00a0 inuu ahaa Oday ka baxay dalka iyo dadka oo door muhiimana ku lahaa dib u dhiskii iyo nabadayntii shacbiga Somaliland.<\/p>\n<p>Sidoo kale, wuxuu sheegay in Marxuumku xilal kala duwana ka soo qabtay xukuumaddihii kala danbeeyey, wakhti xaadirkana ka mid ahaa xubnaha golahla dhexe ee xisbiga Kulmiye.<\/p>\n<p>Madaxweynuhu, wuxuu Allah uga baryayay inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.<\/p>\n<p>Arabsiyoews.com<\/p>\n<p>Hargaysa Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa(AN)-Madaxii hore ee Baratakoolka Madaxtooyadda Somaliland ee xilligii Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ku geeriyooday Hargeysa. Allah haw naxariistee Marxuum Cabdiraxmaan Maxamuud Ibraahim (Saqadhi), ayaa xalay ku geeriyooday Magaalada Hargeysa oo maanta lagu aasay Marxuumka. Madaxtooyadda Somaliland, ayaa ka hadashay geerida Madaxii hore ee Baratakoolka. Dahnbaal tacsi ah oo kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":62131,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-62130","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/maxresdefault-18.jpg?fit=1280%2C720&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-ga6","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/62130","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=62130"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/62130\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":62132,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/62130\/revisions\/62132"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/62131"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=62130"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=62130"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=62130"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}