{"id":62123,"date":"2021-02-28T23:12:31","date_gmt":"2021-02-28T23:12:31","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=62123"},"modified":"2021-02-28T23:12:31","modified_gmt":"2021-02-28T23:12:31","slug":"maraykanka-oo-warbixin-murrugo-ah-kasoo-saaray-dagaalka-gobolka-tigray-ee-ethiopia","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2021\/02\/28\/maraykanka-oo-warbixin-murrugo-ah-kasoo-saaray-dagaalka-gobolka-tigray-ee-ethiopia\/","title":{"rendered":"Maraykanka Oo Warbixin Murrugo Ah Kasoo Saaray Dagaalka Gobolka Tigray Ee Ethiopia"},"content":{"rendered":"<p>Washington(AN)-Xukuumadda Maraykanka, ayaa dawladda Ethiopia ku eedaysay in sababta ay duulaanka iyo gulfka dagaalka ugu qaaday gobolka Tigray November ay ahayd si dadka qowmiyada Tigray looga qixiyo guryahooda.<\/p>\n<p>Warbixin ay soo saartay dowladda Maraykanka ayay ku sheegtay in\u00a0 lagu ogaaday in dadka ku nool Tigray laga kaxeynayo guryahooda dagaalkii ay billowday Ethiopia.<\/p>\n<p>Maraykanka oo xulufo la ah dawladda Ethiopia, waxay warbnixintan noqoanysaa tijaabadii ugu horreysay ee Madaxweyne Biden ee Afrika. sida ay daabacday New York Times.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>\u201cSaraakiisha Ethiopia iiyo dagaalyahanada maleeshiyada xulafada la ah ayaa hoggaaminaya olole istiraatiiji ah oo isir sifayn ah oo ka socda Tigray, gobolka ay dagaalada ka socdaan ee waqooyiga Ethiopia.\u201d<\/p>\n<p>Sidaa waxa lagu sheegay warbixin ay soo saartay dowladda Maraykanka gudaha oo ay heshay\u00a0<em>The New York Times.<\/em><\/p>\n<p>Warbixinta, oo la qoray horaantii bishaan, dukumiintiyo si adag u qeexan ayaa ah dhukal guryaha la bililiqaystay iyo tuulooyin cidlo ah oo tobbanaan kun oo qof oo ku noollaa aan la hayn meel ay ku dambeeyaan oo jaan iyo cidhib dhigeen.<\/p>\n<p>\u201cDhammaan tuulooyinka ayaa si xun u burburay ama gebi ahaanba la baabiiyay,\u201d ayaa lagu yidhi warbixinta.<\/p>\n<p>\u201cDagaalyahannada iyo saraakiisha ka socda gobolka deriska la ah ee Amxaarada ee Ethiopia oo galay Tigray, iyagoo taageeraya ra\u2019iisal wasaare Abiy Ahmed, ayaa si ula kac ah oo hufan uga dhigaya Galbeedka Tigray isir ahaan midab ahaan iyada oo loo marayo abaabul xoog iyo cabsi gelin ah,\u201d ayaa lagu yidhi, warbixinta ay daabaacday New York Times<\/p>\n<p>Warbixinta, ayaa kusoo beegantay Iyadoo\u00a0 Jimcihii, Amnesty International warbixin ay daacabday ku sheegtay in askarta ka socota Eritrea ay si habsami leh u dileen boqolaal rayid ah oo Tigray ah magaalada qadiimiga ah ee Axum muddo 10 maalmood ah bishii Nonmember, qaarna ku toogteen waddooyinka.<\/p>\n<p>Tani waxay noqonay warbixintii labaad ee dawladda Maraykanka iyo Hay\u2019adda Xuquuqda Aadamaha ee Amnesty International midba dhankiisa kasoo saaro xaaladda dalka Ethiopia ee gobolka Tigray laba maalmood oo isku xigga.<\/p>\n<p>Waxay labaduba ka dayriyeen Xaaladda sii xumaaneysa ee Tigray, halkaas oo Mr. Abiy, oo ku guuleystay abaalmarinta Nobel Peace Prize ee 2019.<\/p>\n<p>Balse uu bilaabay weerar milatari oo lama filaan ah bishii Nonmember 2020,, waxayna warbixinta Maraykanku noqonaysaa mi qaabeynaysa inuu noqdo tijaabadii ugu horreysay ee maamulka Biden ee Afrika.<\/p>\n<p>Madaxweynihii hore Donald J. Trump wax yar ayuu fiiro gaar ah siiyay qaaradda madaw oo waligiis ma booqan, laakiin madaxweyne Joseph R. Biden wuxuu balan qaaday hanaan dheeri ah inuu kula dhaqmayo siyaasada Maraykanka ee ku waajahan Afrika.<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Washington(AN)-Xukuumadda Maraykanka, ayaa dawladda Ethiopia ku eedaysay in sababta ay duulaanka iyo gulfka dagaalka ugu qaaday gobolka Tigray November ay ahayd si dadka qowmiyada Tigray looga qixiyo guryahooda. Warbixin ay soo saartay dowladda Maraykanka ayay ku sheegtay in\u00a0 lagu ogaaday in dadka ku nool Tigray laga kaxeynayo guryahooda dagaalkii ay billowday Ethiopia. Maraykanka oo xulufo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":62125,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-62123","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/Arabsiyo-News-photo-file.png?fit=640%2C360&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-g9Z","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/62123","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=62123"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/62123\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":62126,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/62123\/revisions\/62126"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/62125"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=62123"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=62123"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=62123"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}