{"id":61928,"date":"2021-02-08T20:18:55","date_gmt":"2021-02-08T20:18:55","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=61928"},"modified":"2021-02-08T20:18:55","modified_gmt":"2021-02-08T20:18:55","slug":"maraykanka-oo-ka-digay-xiisadda-siyaasadeed-ee-soomaaliya-farriina-u-diray-dhinacyada-ku-muransan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2021\/02\/08\/maraykanka-oo-ka-digay-xiisadda-siyaasadeed-ee-soomaaliya-farriina-u-diray-dhinacyada-ku-muransan\/","title":{"rendered":"Maraykanka Oo Ka Digay Xiisadda Siyaasadeed Ee Soomaaliya Farriina U Diray Dhinacyada Ku Muransan"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(AN)-Dawladda Maraykanka, ayaa si adag uga hadashay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, taas oo sii xoogaysatay kaddib markii ay dhammaatay muddada xilka Madaxweyne Farmaajo, iyadoo aannu jirin wax heshiis ah oo ay hoggaamiyayaasha Siyaasadu isla gaadheen.<\/p>\n<p>Maraykanka ayaa ugu baaqday Madaxweyne Farmaajo iyo hoggaanka qaranka Soomaaliya inay deg deg u xaliyaan is-mari waaga siyaasadeed ee ka taagan doorashada Soomaaliya, oo ay sheegtay inuu halis gelinayo mustaqbalka Soomaaliya.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>\u201cIs-mari waaga siyaasadeed ee sannadkii tegay wuxuu dhaliyey horumar la\u2019aan niyad jab leh oo ku aadan dagaalka Al-Shabaab, horumarinta amniga, sare u qaadidda horumarinta dhaqaalaha kaddib markii lagu guuleystay wejiga koowaad ee deyn cafinta, iyo in si wax ku ool ah wax looga qabto amni-darrada cunnada iyo musiibooyinka halis gelinaya Soomaali badan,\u201d ayaa lagu yidhi, qoraalka safaaradda Maraykanka.<\/p>\n<p>Dowladda Maraykanku, waxay ugu baaqday dhinacyada siyaasada Soomaaliya in si deg deg ah oo loo xaliyo is-mari waaga siyaasadeed oo ay muhiim u tahay mustaqbalka Soomaaliya in la eego.<\/p>\n<p>\u201cWaa mas\u2019uuliyadda iyo waajibaadka qaran ee hoggaamiyayaasha qaranka iyo kuwa gobollada inay dhinac iska dhigaan raadinta faa\u2019iido siyaasadeed, ayna taa beddelkeeda ka shaqeeyaan danta shacabka Soomaaliyeed, oo u qalma inay waxa ugu wanaagsan ka helaan hoggaamiyayaashooda,\u201d ayaa lagu yidhi, qoraalka.danjiraha dawladda Maraykanka u jooga Soomaaliya kasoo saaray xiisadda khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya, \u201cHadda waa waqtigii la xalin lahaa arrimaha taagan lana dhameyn lahaa shaqada qabashada doorashooyinka.\u201d, ayaa lagu yidhi, qoraalka.<\/p>\n<p>Baaqan ayaa imanaya iyadoo maanta ay ku egtahay muddo-xileedka Afarta sannadood ahayd\u00a0 ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyadoo koxoda la baxay Midowga Murrashaxiinta ay sheegeen in aannay hadda wixii ka dambeeya madaxweyne u aqoonsanayn Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(AN)-Dawladda Maraykanka, ayaa si adag uga hadashay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, taas oo sii xoogaysatay kaddib markii ay dhammaatay muddada xilka Madaxweyne Farmaajo, iyadoo aannu jirin wax heshiis ah oo ay hoggaamiyayaasha Siyaasadu isla gaadheen. Maraykanka ayaa ugu baaqday Madaxweyne Farmaajo iyo hoggaanka qaranka Soomaaliya inay deg deg u xaliyaan is-mari waaga siyaasadeed [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":61929,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-61928","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2021\/02\/Somalia-iyo-Maraykanka-ok.png?fit=597%2C299&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-g6Q","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/61928","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=61928"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/61928\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":61930,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/61928\/revisions\/61930"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/61929"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=61928"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=61928"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=61928"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}