{"id":6147,"date":"2015-02-16T10:46:39","date_gmt":"2015-02-16T10:46:39","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=6147"},"modified":"2015-02-16T10:46:39","modified_gmt":"2015-02-16T10:46:39","slug":"warancade-oo-ku-dhawaaqay-inay-xidhayaan-wasiirka-arimaha-gudaha-puntland-hadii-madarada-somaliland-uu-soo-maro","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/02\/16\/warancade-oo-ku-dhawaaqay-inay-xidhayaan-wasiirka-arimaha-gudaha-puntland-hadii-madarada-somaliland-uu-soo-maro\/","title":{"rendered":"Warancade Oo Ku Dhawaaqay Inay Xidhayaan Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Hadii Madarada Somaliland Uu Soo Maro"},"content":{"rendered":"<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/02\/warancade-oo-ku-dhawaaqay-inay-xidhayaan-wasiirka-arimaha-gudaha-puntland-hadii-madarada-somaliland-uu-soo-maro.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-6153\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/02\/warancade-oo-ku-dhawaaqay-inay-xidhayaan-wasiirka-arimaha-gudaha-puntland-hadii-madarada-somaliland-uu-soo-maro.jpg?resize=290%2C240\" alt=\"warancade-oo-ku-dhawaaqay-inay-xidhayaan-wasiirka-arimaha-gudaha-puntland-hadii-madarada-somaliland-uu-soo-maro\" width=\"290\" height=\"240\" \/><\/a><\/p>\n<p>Hargyesa(AN)Wasiirka arimaha gudaha Cali Maxamed Warancade, ayaa ku dhawaaqay in aanu madaarada Somaliland soo mari doonin wasiirka arimaha gudaha Puntland.<\/p>\n<p>Waxa uu wasiirku sheegay in ay Somaliland xidhi doonto hadii madaaradeeda ay ku aragto wasiirkaas, isaga oo diyaaradaha uga digay soo qaaditaankiisa, waxaana uu sidan ku sheegay waraysi ay la yeelatay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da, waxaana isaga oo arimahaad ka hadlaayay uu yidhi \u201cArintaas aad iyo aad ayaanu uga xunahay ninkaas sheegnaya wasiirka oo aan u malaynaayo in uu yahay nin aan bislayn siyaasada iyo booska uu hayo, waxaanu aragnaa isaga oo dhawr jeer ku eedaynaaya Somaliland\u00a0 inay Al-shabaab xidhiidh la leeyihiin taas oo aanu u aragno inuu yahay nin shaqadiisii ka soo bixi kari wayaay, waxaanu u aragnaa nin dhibaatada dalkiisa taala iyo dhiiga ka daadanaya mid hawshiisii ka fulin kari waayay oo doonaya inuu kula galgasho umado kale, waxaanuna leenahay arintaasi waa mid aanan u dulqaadan karin.\u201d<\/p>\n<p>Wasiirka\u00a0 hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi\u201cDad la yaqaan ayaanu nahay ninkaasuna malaa dadka ajaanibka ah ayuu wax kaga doon doonayaa, laakiin ajaanibku halkan way joogaan waana la ogyahay inay halkani tahay dal nabad ah oo aan fool xumo kale shaqo ku lahayn, maalin dhawaydna waxaan maqlaayay booliska oo hadlaaya oo leh weeraradu waxay nagaga yimaadaan dalka dhexdiisa in dawlada qaarkeed ka danbeeyaan oo dalkooda dhexdiisa ay tahay.\u201d<\/p>\n<p>Ugu danbayntii wasiir Warancade waxa uu ku dhawaaqay go\u2019aankan \u201cMaamul gobaleedka Puntland waxa uu isticmaalaa madaarka Hargeysa waxaan doonayaa inaan halkan ka cadeeyo inuu ninkaasi xagayaga ka yahay mid la raadinaayo haduu soo maro madaarada Somalilandna waa la xidhayaa, diyaaradahna waxaan uga digayaa in kaas oo kale hay dalkayaga iyo hawadayada ay soo maraan.<\/p>\n<p><!--EndFragmen--><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargyesa(AN)Wasiirka arimaha gudaha Cali Maxamed Warancade, ayaa ku dhawaaqay in aanu madaarada Somaliland soo mari doonin wasiirka arimaha gudaha Puntland. Waxa uu wasiirku sheegay in ay Somaliland xidhi doonto hadii madaaradeeda ay ku aragto wasiirkaas, isaga oo diyaaradaha uga digay soo qaaditaankiisa, waxaana uu sidan ku sheegay waraysi ay la yeelatay laanta afka Soomaaliga ee [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":6153,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-6147","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-1B9","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6147","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=6147"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/6147\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=6147"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=6147"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=6147"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}