{"id":61423,"date":"2021-01-20T21:24:52","date_gmt":"2021-01-20T21:24:52","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=61423"},"modified":"2021-01-20T21:24:52","modified_gmt":"2021-01-20T21:24:52","slug":"joe-biden-oo-noqday-madaxweynaha-46-aad-ee-mareykanka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2021\/01\/20\/joe-biden-oo-noqday-madaxweynaha-46-aad-ee-mareykanka\/","title":{"rendered":"Joe Biden oo noqday madaxweynaha 46-aad ee Mareykanka"},"content":{"rendered":"<p><span class=\"dateline\">WASHINGTON \u2014\u00a0<\/span>Joe Biden ayaa si rasmi ah u noqday madaxweynaha 46-aad ee Mareykanka, ayada oo Kamala Harris ay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee madaxweyne ku-xigeen ka noqota dalka Mareykanka.<\/p>\n<p>Biden ayaa waxaa daqiiqado yar un ka hor 12-kii duhurnimo lagu dhaariyey Aqalka Capitol Hill ee Congress-ka Mareykanka, ayada oo uu dhaarta ka qaatay garsooraha sare ee Maxkamadda Sare ee Mareykanka.<\/p>\n<p>Kamala Harris, oo ah haweeneydii ugu horreysay, iyo qofkii ugu horreeyey ee madow ah, iyo qofkii ugu horreeyey ee asal ahaan kasoo jeeda Koonfurta Asia ee noqday madaxweeyne ku-xigeen, ayaa waxaa dhaariyey garsoore Sonia Sotomayor oo ka tirsan Maxkamadda Sare ee Mareykanka.<\/p>\n<p>Khudbad uu jeediyey kadib dhaarintiisa, ayaa Joe Biden waxa uu ku yiri \u201cDimoqraadiyadda ayaa guuleysatay.\u201d Waxa uu maalinkan ugu yeeray \u201cmaalin taariikh iyo rajo.\u201d<\/p>\n<p>Madaxweynaha Mareykanka ayaa intaas ku daray in dalka uu \u201cmar kale bartay in dimoraadiyadda ay tahay wax qaali ah\u201d.<\/p>\n<p>\u201cRiyada cadaaladda hadda iyo kadib dib looma sii dhigi doono,\u201d ayuu yiri madaxweyne Biden.<\/p>\n<p>Biden ayaa u mahad-celiyey kuwii xilka ugu horreeyey ee labada xisbi ee ka qeyb-galay caleemo-saarka. Waxaa ka mid ah madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Mareykanka Mike Pence, halka madaxweynihii hore Donald Trump uusan ka qeyb-gelin munaasabadda.<\/p>\n<p>Madaxweyne Biden ayaa ugu baaqay dadka Mareykanka inay ka guuleystaan kala qeybsanaantooda, isaga oo shaaca ka qaaday \u201cmidnimo la\u2019aan, nabad ma jirto.\u201d<\/p>\n<p>Waxa uu ballan-qaaday inuu daacad u noqon doono dalka, isaga oo yiri \u201choggaamiyayaasha waxaa waajib ku ah inay difaacaan runta oo ay ka guuleystaan beenta.\u201d<\/p>\n<p>\u201cWaa inaan soo geba-gebeynaa dagaalkan xun ee na isaga keen horkeenaya gaduud iyo buluug,\u201d isaga oo ula jeeda Jamhuuri iyo Dimoqraadi.<\/p>\n<p><strong>AP<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>WASHINGTON \u2014\u00a0Joe Biden ayaa si rasmi ah u noqday madaxweynaha 46-aad ee Mareykanka, ayada oo Kamala Harris ay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee madaxweyne ku-xigeen ka noqota dalka Mareykanka. Biden ayaa waxaa daqiiqado yar un ka hor 12-kii duhurnimo lagu dhaariyey Aqalka Capitol Hill ee Congress-ka Mareykanka, ayada oo uu dhaarta ka qaatay garsooraha sare [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":61424,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-61423","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/30D7587A-1EC2-4BDA-921F-E0DB57278F77_w1023_r1_s.jpg?fit=1023%2C575&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-fYH","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/61423","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=61423"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/61423\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":61425,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/61423\/revisions\/61425"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/61424"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=61423"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=61423"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=61423"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}