{"id":60824,"date":"2021-01-03T16:20:24","date_gmt":"2021-01-03T16:20:24","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=60824"},"modified":"2021-01-03T16:20:24","modified_gmt":"2021-01-03T16:20:24","slug":"beeshayda-waxaan-leeyahay-saddex-gobol-baad-degtaane-laandheerinimadiina-muujiya-badhasaabka-sool","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2021\/01\/03\/beeshayda-waxaan-leeyahay-saddex-gobol-baad-degtaane-laandheerinimadiina-muujiya-badhasaabka-sool\/","title":{"rendered":"\u201cBeeshayda Waxaan Leeyahay, Saddex Gobol baad Degtaane Laandheerinimadiina Muujiya..\u201d Badhasaabka Sool"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa (AN) \u2013 Guddoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, ayaa tilmaamay in dadaal iyo juhdi badan oo ay sameeyeen in Shacabka Gobolka Sool wax \u00a0badan fahmeen, haddana ku qanacsan yihiin qaranimada Somaliland, waxaanu xusay in Gobolka Sool, aanu la duruuf ahayn Gobollada kale ee dalka ee loo baahan yahay in la soo gaadhsiiyo.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, oo u warramay\u00a0<strong><em>Wargeyska Geeska Afrika<\/em><\/strong>\u00a0ayaa sidoo kale ka hadlay Diiwaangelinta, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay \u201cGobolka Sool, waa Gobol ka mid ah Somaliland, laakiin la duruuf maaha Gobollada kale ee dalka, Gobolka Sool wuxuu u baahan yahay in lala shaqeeyo, oo Somalilandta kale la soo gaadhsiiyo, Shacabka reer Sool hadda Somaliland way ku qanacsan yihiin oo waa dad qaranimada jecel oo muwaadiniin ah,\u00a0 oo xitaa waa kuwaas oo waxay leeyihiin lacagta giinbaarta ah ha nagala beddelo oo lacagta Somaliland ayey rabaan, dedaal badan oo aanu sameeynay ayaana keenay inay Shacabka Gobolku wax badan fahmaan\u201d.<\/p>\n<p>Mar uu ka hadlayey Diiwaangelinta ayuu yidhi \u201cMaanta waxaa maasha Allaah ah in dadkii rabaan diiwaangelin, in la doorto, waxna doortaan, ilaa Shacabka ku dhaqan Tukaraq ayaa raba diiwaangelinta, tusaale ahaan reer Widhwidh si fiican bay isku diiwaangeliyeen, oo Xildhibaanada Beesha aan ka soo jeedo ee Gobolka Togdheer soo bixistoodu waa foodda, Magaalada Buuhoodle ee Diiwaangelinta laga diiday, raad Xamar ah ayaa ku jira, laakiin wax-garadka deegaankaas waxaan leeyahay wax idiin dhaama Somaliland heli maysaan, ee yaan la idin sirin, Beesha aan ka soo jeedo waxaan leeyahay saddex gobol baad degtaan ee\u00a0 laandheerinimadiina muujiya oo Somalilandnimada ku qanca, Somaliland cid idinka xigtaana ma jirto, ee aynu Somaliland ku wada qanacno, oo aynu wada ilaashano, Diiwaangelintana aynu wada qaadano\u2019<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p><strong>Hargeisa Office<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (AN) \u2013 Guddoomiyaha Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, ayaa tilmaamay in dadaal iyo juhdi badan oo ay sameeyeen in Shacabka Gobolka Sool wax \u00a0badan fahmeen, haddana ku qanacsan yihiin qaranimada Somaliland, waxaanu xusay in Gobolka Sool, aanu la duruuf ahayn Gobollada kale ee dalka ee loo baahan yahay in la soo gaadhsiiyo. Guddoomiyaha Gobolka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":60825,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-60824","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2021\/01\/Badhasaabka-SOOL.jpg?fit=640%2C631&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-fP2","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/60824","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=60824"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/60824\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":60826,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/60824\/revisions\/60826"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/60825"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=60824"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=60824"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=60824"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}