{"id":60590,"date":"2020-12-12T13:27:30","date_gmt":"2020-12-12T13:27:30","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=60590"},"modified":"2020-12-12T13:27:30","modified_gmt":"2020-12-12T13:27:30","slug":"iiraan-oo-daldashay-weriye-lagu-eedeeyay-inuu-deganaansho-laaan-abuurayay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2020\/12\/12\/iiraan-oo-daldashay-weriye-lagu-eedeeyay-inuu-deganaansho-laaan-abuurayay\/","title":{"rendered":"Iiraan oo daldashay weriye lagu eedeeyay inuu deganaansho la\u2019aan abuurayay"},"content":{"rendered":"<div class=\"css-hl9dz2-GridComponent e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-qg6qrj-Paragraph e1cc2ql70\" dir=\"ltr\"><b>Dowladda Iiraan ayaa waxa ay daldashay weriye lagu eedeeyay in barnaamij dadku ay farriimaha isugu diraan uu u isticmaalay in mucaaradad uu ku kiciyo.<\/b><\/p>\n<\/div>\n<div class=\"css-hl9dz2-GridComponent e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-qg6qrj-Paragraph e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Ruuxullah Zaam ayaa la marjiyay Sabtidii kaddib markii Maxkamadda ugu sarraysa ee dalka ay meelmarisay xukun dil ah oo ninkaas lagu xukumay, waxaa sidaas ku warramay taleefishinka dowladda.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"css-hl9dz2-GridComponent e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-qg6qrj-Paragraph e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Ma ay cadda sida lagu xiray Zaam oo musaafuris ugu noolaa waddanka Faransiiska. Waxaa lagu soo warramay in la qabtay kaddib mar uu sanadkii la soo dhaafay u safray waddanka Ciraaq.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"css-hl9dz2-GridComponent e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-qg6qrj-Paragraph e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Waxa uu maamulayay barta internetka ee Amadnews, halkaas oo ah bar caan ah oo wararka ka doontaan dadka ka soo horjeeda dowladda.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"css-hl9dz2-GridComponent e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-qg6qrj-Paragraph e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Dowladda Iiraan ayaa waxa ay Amadnews ku eedaysay inay kicinaysay dibadbaxyadii dalka oo dhan ka dhacayay 2017-18.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"css-hl9dz2-GridComponent e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-qg6qrj-Paragraph e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Shabakaddaas oo ay raacaan in ka badan hal milyan oo qof oo ku xiran bartooda barnaamijka Telegram, ayaa waxa ay dadka la wadaagaysay muuqaallada dibadbaxyada iyo xog waxyeelo gaysan karta oo ku saabsan saraakiisha Iiraan.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"css-hl9dz2-GridComponent e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-qg6qrj-Paragraph e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Waxaa bartaas xitay dowladda Iiraan, hasayeeshee markii dambe ayaa dib loogu furay magac kale.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"css-hl9dz2-GridComponent e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<div class=\"css-1fobf8d e1gggypo0\">\n<p>&nbsp;<\/p>\n<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"css-hl9dz2-GridComponent e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-qg6qrj-Paragraph e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Zam oo ah wiil uu dhalay wadaadka isbadal doonka ah ee Maxamed Cali Zam, ayaa horaantii sanadkan waxaa lagu helay &#8220;musuqmaasuq baahsan&#8221; kaasi oo ah mid ka mid ah dambiyada ugu culus ee dalka soo mara.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"css-hl9dz2-GridComponent e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-qg6qrj-Paragraph e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Si kastaba xaalku ha ahaadee, hay&#8217;adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Amnesty International ayaa sheegtay inuu dhibbane u ahaa &#8220;maxkamad aan caddaalad ahayn oo ku tiirsaneyd marag kac khasab ku yimid&#8221;.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"css-hl9dz2-GridComponent e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-qg6qrj-Paragraph e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Horraantii toddobaadkan, wasaaradda arrimaha dibedda ee Faransiiska ayaa go&#8217;aanka ay Iran ku taageertay xukunka dilka Zam ku tilmaamtay inuu ahaa &#8220;weerar halis ah oo lagu qaaday xorriyadda hadalka iyo xorriyadda saxaafadda ee Iran&#8221;, sida ay ku warantay wakaaladda wararka ee Reuters.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"css-hl9dz2-GridComponent e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-qg6qrj-Paragraph e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Waxaa magangalyo siyaasadeed laga siiyay Faransiiska, isagoo ku xirnaa Iran kaddib doorashadii madaxtinimada ee lagu murmay ee Iiraan ee 2009.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"css-hl9dz2-GridComponent e57qer20\" dir=\"ltr\">\n<p class=\"css-qg6qrj-Paragraph e1cc2ql70\" dir=\"ltr\">Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) waxay hore u sheegeen inay adeegsadeen &#8220;hab sirdoon oo casri ah iyo xeelado horumarsan&#8221;, taas oo u suurtagalisay inay &#8220;khiyaanaan&#8221; adeegyada shisheeye ayna gacanta u dhigaan Zam.<\/p>\n<\/div>\n<p dir=\"ltr\">Arabsiyonews.com<\/p>\n<p dir=\"ltr\">Hargaysa Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowladda Iiraan ayaa waxa ay daldashay weriye lagu eedeeyay in barnaamij dadku ay farriimaha isugu diraan uu u isticmaalay in mucaaradad uu ku kiciyo. Ruuxullah Zaam ayaa la marjiyay Sabtidii kaddib markii Maxkamadda ugu sarraysa ee dalka ay meelmarisay xukun dil ah oo ninkaas lagu xukumay, waxaa sidaas ku warramay taleefishinka dowladda. Ma ay cadda [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":60591,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,1,2],"tags":[],"class_list":["post-60590","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-uncategorized","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2020\/12\/116039126_tv064705903.jpg?fit=800%2C450&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-fLg","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/60590","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=60590"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/60590\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":60592,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/60590\/revisions\/60592"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/60591"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=60590"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=60590"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=60590"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}