{"id":60281,"date":"2020-11-17T18:39:46","date_gmt":"2020-11-17T18:39:46","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=60281"},"modified":"2020-11-17T18:39:46","modified_gmt":"2020-11-17T18:39:46","slug":"is-barbardhigga-somaliland-iyo-somaliya-vs-isbarbardhigga-qadiyadaha-taiwan-iyo-somaliland","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2020\/11\/17\/is-barbardhigga-somaliland-iyo-somaliya-vs-isbarbardhigga-qadiyadaha-taiwan-iyo-somaliland\/","title":{"rendered":"Is-barbardhigga Somaliland iyo Somaliya vs Isbarbardhigga qadiyadaha Taiwan iyo Somaliland"},"content":{"rendered":"<p>Hargaysa(<strong>Arabsiyonews)<\/strong>:-Dibloomaasi hore oo u dhashay dalka Maraykanka oo lagu magacaabo John J. Tkacik, ayaa sheegay in Somaliland uga xaq leedahay dhiggeeda Soomaaliya inay buuxinta shuruudaha dowladnimo iyo dhismaha waddan madax-bannaan oo haykalkiisa dowladnimo shaqaynayo oo beesha caalamku u aqoonsato.<\/p>\n<p>John J. Tkacik oo xilligan ah sarkaal hawl-gab ah oo ka hawl-gali jiray safaaradda Maraykanka ee Shiinaha iyo dalal kale oo Bariga qaaradda Aasiya ku yaalla, waxa uu dowladnimada Somaliland iyo dimuqraadiyadda ka hana-qaadday iyo dalka Soomaaliya ee uu isbar-bardhigay ku soo qaatay qormo uu si qoto-dheer ugu faaqiday Xidhiidhka siyaasadda Arrimaha Dibadda Maraykanka ee wejahan dalka Taiwan oo uu xusay inay Somaliland ku tallaabsatay badheedhe aanu Maraykanku ilaa xilligan ku dhiirranin oo ku wejahan inuu si rasmi u kala saaro magacyada loo aqoonsan yahay dalalka Shiinaha iyo Taiwan oo kala ah Jamhuuriyadda dalka ee Shiinaha (People\u2019s Republic of China) iyo Jamhuuriyadda Shiinaha (Republic of China) oo ah magaca loo yaqaanno dalka Taiwan.<\/p>\n<p>Dibloomaasigani waxa uu sheegay in Somaliland noqotay dalka Kaliya ee si rasmi ah u aqoonsaday magaca dhabta ah ee Taiwan marka loo eego dalalka kale ee dalkaasi xidhiidhka la leeyahay kuwaas oo Maraykanku ku jiro. \u201cDhammaan dalalka kale ee xidhiidhka diblomaasiyadeed la leh Taiwan waxay \u00a0runtii aqoonsan yihiin magaca Republic of China halkii ay ka aqoonsan lahaayeen Taiwan,\u201d sidaas ayuu yidhi dibloomasigan hore uga shaqayn jiray Siyaasadda Arrimaha Dibadda Maraykanka, waxaanu xusay in Somaliland noqotay dalka koowaad ee aqoonsaday Magaca Taiwan.<\/p>\n<p>John J. Tkacik\u00a0 oo wakhtigan ah Agaasimaha barnaamij lagu soo bandhigo horumarka iyo Mustaqbalka qaaradda Aasiya oo ay iska leedahay Xarunta Qiimeynta iyo Istiraatiijiyada Caalamiga (International Assessment and Strategy Center), waxa uu sidoo kale is-barbardhig ku sameeyey qadiyadaha dowladnimo iyo dedaallada Aqoonsi-raadinta ee Somaliland iyo Taiwan.<\/p>\n<p>\u201cSomaliland waxay aqoonsatay Taiwan dhawaan.\u00a0 Somaliland waxay ka madax-bannaan tahay Soomaaliya ilaa sannadkii 1991-kii kaddib dagaallo iyo iskahorimaadyo lagu riday dowladdii uu hoggaaminayey kaligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre. Si la mid ah Taiwan lafteeda, Somaliland waxay ku dhalatay dagaal. Waxay lahayd nidaam dowladnimo oo Gumaysigii ka tagay, sharciyo, luuqad iyo lacag ay ku kala duwan yihiin deriskeeda Soomaaliya oo ay xoog kula midoobeen 1960-kii. Dulmigii Soomaaliya ay ku haysay xaquuqda siyaasadeed ee Somaliland ayaa waxaa ka dhashay dagaalo qadhaadh oo sababay burburka Soomaaliya. Haddana, Somaliland way badbaaday oo horumar bay samaysay. Sannadkii 2000, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay wuxuu ku sifeeyey Somaliland inay tahay meel xasiloon oo dhisan marka loo eego Soomaaliya oo lagu tilmaami karo meel fowdo,\u201d sidaas ayuu yidhi Dibloomasigan oo isbar-bar dhigay Somaliland iyo Taiwan.<\/p>\n<p>Sidoo kale, waxa uu dibloomaasigani soo bandhigay kala-duwanaanshiyaha u dhexeeya nidaamka dowladnimo ee Somaliland iyo Somaliya, isagoo xusay in Somaliland ka mudan tahay dhiggeeda Somalia sheegashada halkal dowladnimo oo garowshiinyo ka haysta beesha caalamka.<\/p>\n<p>\u201cSomaliland waxay xaq u leedahay inay isku magacawdo dal jira oo dowladnimado ka jirto marka loo eego Soomaaliya. Sannadkan 2020, Somaliland waxay tusaale u tahay xasiloonida Afrika iyo dimuqraadiyad hanaqaaday oo ka duwan Soomaaliya oo ay argaggixisadu halakeysay. Iyadoo Taasi jirto, hadda waxa ah wax lala yaabo in waddankii fashilmay ee Soomaaliya loo aqoonsaday dal madax-bannaan oo ka tirsan Qaramada Midoobay oo laga horeysiiyey madax-bannaanida Somaliland!<\/p>\n<p>Marka la eego shuruucda caalamiga ah, waxaad moodaa, inaanay jirin dowlad wanaagsan oo aan laga ciqaabin kuwa arxan laawayaasha ah. Markaa, waxa waajib ah in la qaddariyo sababta ay Jamhuuriyadda Somaliland ugu damqanayso ee ay u siisay maqaamka gaarka ah ee ay Taiwan ka mudan tahay beesha Caalamka.\u201d Sidaas ayuu Dibloomasigan ruug-caddaaga ah ku sheegay qoraalka uu kaga faallooday Meelaha ay iska shabbahaan Qaddiyadaha Somaliland iyo Taiwan, \u00a0Sida ay Somaliland uga duwan tahay Soomaaliya iyo sida uu dowladda Maraykanka ugu boorriyey inay Aqoonsiga Taiwan u maraan nidaam la mid ah sida uu ku bilaabmay xidhiidhka dibloomasiyadeed ee u furmay Somaliland iyo Taiwan<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Hargaysa Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargaysa(Arabsiyonews):-Dibloomaasi hore oo u dhashay dalka Maraykanka oo lagu magacaabo John J. Tkacik, ayaa sheegay in Somaliland uga xaq leedahay dhiggeeda Soomaaliya inay buuxinta shuruudaha dowladnimo iyo dhismaha waddan madax-bannaan oo haykalkiisa dowladnimo shaqaynayo oo beesha caalamku u aqoonsato. John J. Tkacik oo xilligan ah sarkaal hawl-gab ah oo ka hawl-gali jiray safaaradda Maraykanka ee [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":60282,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"video","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,7,2],"tags":[],"class_list":["post-60281","post","type-post","status-publish","format-video","has-post-thumbnail","category-featured","category-videos","category-wararka","post_format-post-format-video"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2020\/11\/Snapshot_3669.png?fit=640%2C360&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-fGh","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/60281","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=60281"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/60281\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":60283,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/60281\/revisions\/60283"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/60282"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=60281"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=60281"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=60281"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}