{"id":59879,"date":"2020-10-21T21:44:52","date_gmt":"2020-10-21T21:44:52","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=59879"},"modified":"2020-10-21T21:44:52","modified_gmt":"2020-10-21T21:44:52","slug":"wasiiro-furay-dugsiga-agoomaha-burco-oo-ay-hirgelisay-hayadda-african-relief-committeeommittee","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2020\/10\/21\/wasiiro-furay-dugsiga-agoomaha-burco-oo-ay-hirgelisay-hayadda-african-relief-committeeommittee\/","title":{"rendered":"Wasiiro Furay Dugsiga Agoomaha Burco oo ay hirgelisay Hay\u2019adda African Relief Committeeommittee"},"content":{"rendered":"<p>Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland oo ay weheliyaan masuuliyiin kale, ayaa xadhigga ka jaray Dugsiga Agoomaha ee gobolka Togdheer, kaas oo ay Burco ka dhistay Hay\u2019adda African Relief Committee.<\/p>\n<p>Hay\u2019adda African relief committee, oo ah Hay\u2019ad ka shaqaysa waxbarashada, taakulaynta iyo daryeelidda Carruurta Agoomaha ah, ayaa Dugsigan ka hirgelisay magaalada Burco, waxaanu isugu jiraa Dugsigaasi oo Boodhan ahi jiif, cunto iyo waxbarasho.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><\/div>\n<p>Waxaana ka qaybgalay Munaasibadda lagu furay Dugsigaas Madaxda Hay\u2019adda, Madax-dhaqameed iyo Masuuliyiin dowladda Somaliland ka tirsan oo Wasiirro ka mid yihiin, waxaanay dhammaan xubnaha halkaas ka hadlay u mahad-naqeen Hay\u2019adda African Relief Committee oo ay maalgeliso dowladda Kuwaite.<\/p>\n<p>Ugu horreyn Cabdiraxmaan al-Macallimu oo ah Madaxa Xafiiska Hay\u2019adda African Relief Committee ee Somaliland, ayaa ka warbixiyey Dugsigaas oo uu sheegay inay u diyaariyeen qaab dhammaystiran, isla markaana ku habboon deegaan waxbarasho. Waxaanu tilmaamay inay Hay\u2019ad ahaan Somaliland ka hirgeliyeen xarumo kala duwan oo waxbarasho oo ay ka faa\u2019iidaystaan ubad badan oo Agoon ah, isla markaana ay sii wadi doonaan adeegyadooda waxbarasho iyo taakulaynta kala duwan ee ay Somaliland ka fuliyaan.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><\/div>\n<p>Suldaan Axmed Maxamed Colhaye (Abu-Salmaan), oo ka mid ahaa xubnaha xafladdaas Dugsiga lagu furay ka qaybgalay, ayaa ammaanay Hay\u2019adda Kuwaydiga, waxaanu yidhi; \u201cHay\u2019addan African Relief Committee ee Kuwait, waa hay\u2019ad qiimo weyn ku leh Somaliland, waxay ka soo aasaasantay caasimadda, waxay u soo fidday gobollada, waxaynu joognaa gobolka Togdheer oo ay Dugsigan qiimaha leh oo aynu filayno inay ka sii ballaadhiso.\u201d<\/p>\n<p>La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee arrimaha Bulshada Cabdiwaaxid Cabdiqaadir, oo isna xafladdaas ka hadlay, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin oo soo dhawaynayaan adeegyada Hay\u2019addani ka fuliso Somaliland. \u201cWaa wax aad iyo aad loogu baahnaa, Hay\u2019addu hawsha ballaadhan ee ay dalka ka waddo Bari iyo Galbeed-ba waan uga mahad-naqaynaa. Xarunta ay Hargeysa ka dhistay Hay\u2019addu ee quruxda badan ee waxbarashada, beerta iyo qalabaynta tahayba, runtii door weyn bay ka qaadatay farsamada iyo bilicda-ba,\u201d ayuu yidhi La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha Bulshadu.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha iyo Dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan, ayaa halkaas ka hadlay, waxaanu yidhi; \u201cHindisaha iyo hannaanka dowladda ayey tahay in la horumariyo waxbarashada, caafimaadka, farsamada gacanta iyo dhammaan waxyaabaha mustaqbalka ubadkeennu ku hagaagayo.\u201d<\/p>\n<p>Waxa uu Wasiirka Dastuurka oo hadalkiisa sii watay intaas ku daray; \u201cWaxa Hay\u2019addu wax ka tartay Boorama, Hargeysa iyo gobollo kale. Markii la xaqiijiyey waxtarka ay leedahay Hay\u2019addu, waxa la go\u2019aansaday oo Madaxweynuhu uu Masuuliyiinta heer Qaran ee Kuwayd iyo kuwa halkan innala jooga intaba isugu yeedhay in Hay\u2019adda dalka oo dhan lagu ballaadhiyo.\u201d Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Dastuurku.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><\/div>\n<p>Gebo-gabadii Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo Dugsigaas furay, ayaa halkaas ka hadlay, waxaanu u mahad-celiyey Hay\u2019adda Kuwait foundation oo uu tilmaamay inay barnaamijyo muhiim ah oo waxbarasho u badan Somaliland ka fulisay.<\/p>\n<p>\u201cArdayda waxaan ugu bushaaraynayaa waad aragtaan dhulka la idiin dhisaye, waa inaynu marka koowaad Allaah ugu mahad-naqnaa. Marka labaad waxaan Ardayda iyo Waalidkaba u sheegayaa, inaynu ka faa\u2019iidaysanno oo aynu dhawrno hantida Badda ka soo gudubtay ee halkan la innoogu keenay oo aynu ilaashanno.\u201d Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Waxbarashada Somaliland.<\/p>\n<p>Hay\u2019adda African Relief Committee, oo ah Hay\u2019ad ka shaqaysa waxbarashada, taakulaynta iyo daryeelidda Carruurta Agoomaha ah, ayaa Dugsigan ka hirgelisay magaalada Burco, ayaa sidoo kale, goobo waxbarasho oo kan la mid ah ka hirgelisay magaalooyinka Boorama iyo Hargeysa, sidoo kalena adeegyo taakulo ah ka fulisay guud ahaan gobollada Somaliland sannadihii u dambeeyey.<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Hargaysa Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland oo ay weheliyaan masuuliyiin kale, ayaa xadhigga ka jaray Dugsiga Agoomaha ee gobolka Togdheer, kaas oo ay Burco ka dhistay Hay\u2019adda African Relief Committee. Hay\u2019adda African relief committee, oo ah Hay\u2019ad ka shaqaysa waxbarashada, taakulaynta iyo daryeelidda Carruurta Agoomaha ah, ayaa Dugsigan ka hirgelisay magaalada Burco, waxaanu isugu jiraa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":59880,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"video","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-59879","post","type-post","status-publish","format-video","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka","post_format-post-format-video"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/Snapshot_3263.png?fit=640%2C360&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-fzN","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/59879","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=59879"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/59879\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":59881,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/59879\/revisions\/59881"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/59880"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=59879"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=59879"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=59879"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}