{"id":59836,"date":"2020-10-19T08:06:15","date_gmt":"2020-10-19T08:06:15","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=59836"},"modified":"2020-10-19T08:06:15","modified_gmt":"2020-10-19T08:06:15","slug":"israel-iyo-baxrayn-waxay-si-rasmi-ah-u-soo-celiyeen-xiriirkooda-diblomaasiyadeed","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2020\/10\/19\/israel-iyo-baxrayn-waxay-si-rasmi-ah-u-soo-celiyeen-xiriirkooda-diblomaasiyadeed\/","title":{"rendered":"Israel iyo Baxrayn waxay si rasmi ah u soo celiyeen xiriirkooda diblomaasiyadeed."},"content":{"rendered":"<div class=\"GridItemConstrainedMedium-sc-12lwanc-2 fVauYi\">\n<p class=\"Paragraph-k859h4-0 hymSIv\"><b>Heshiiska oo Mareykanka uu garwadeen ka yahay ayaa lagu saxiixay caasimadda Baxreyn, ee Manama, maalinkii Axadda.<\/b><\/p>\n<\/div>\n<div class=\"GridItemConstrainedMedium-sc-12lwanc-2 fVauYi\">\n<p class=\"Paragraph-k859h4-0 hymSIv\">Muddo tobanaan sano ah, dowladaha carabta badankood waxay qaadaceen Israel, iyagoo ku adkeysanaya inay dhisi doonaan oo kaliya xiriirkooda kadib markii la xaliyay khilaafka Falastiin<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"GridItemConstrainedMedium-sc-12lwanc-2 fVauYi\">\n<p class=\"Paragraph-k859h4-0 hymSIv\">Baxrayn hadda waa waddankii afaraad ee carbeed ee bariga dhexe kadib markii dalalka sida Imaraadka carabta, Masar iyo Urdun ay aqoonsadeen Israel tan iyo aasaaskeedii 1948.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"GridItemConstrainedMedium-sc-12lwanc-2 fVauYi\">\n<p class=\"Paragraph-k859h4-0 hymSIv\">Xiriiradaan diblomaasiyadeed ayaa waxaa cambaareeyay Falastiiniyiinta , waxayna ku tilmaamen mid dhabar jebin ah.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"GridItemConstrainedMedium-sc-12lwanc-2 fVauYi\">\n<p class=\"Paragraph-k859h4-0 hymSIv\">Munaasabad ka dhacday Manama fiidnimadii Axada, Baxrayn iyo saraakiisha Israel waxay kala saxiixdeen xiriir diblomaasiyadeed oo buuxa. Labada dalna waxaa hadda la filayaa inay dib u furaan safaaraddo.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"GridItemConstrainedMedium-sc-12lwanc-2 fVauYi\">\n<p class=\"Paragraph-k859h4-0 hymSIv\">Warbaahinta Israel ayaa tabisay in dukumiintiga aysan ku jirin wax tix-raac ah oo ku saabsan khilaafka Israa&#8217;iil iyo Falastiin.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"GridItemConstrainedMedium-sc-12lwanc-2 fVauYi\">\n<p class=\"Paragraph-k859h4-0 hymSIv\">Wasiirka Arimaha Dibada Baxrayn Abdullatif bin Rashid Al-Zayani ayaa khudbad uu jeediyay ku sheegay inuu rajaynayo &#8220;iskaashi miro dhal ah oo dhinac walba ah in uu dhexmaro labada dal.&#8221;<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"GridItemConstrainedMedium-sc-12lwanc-2 fVauYi\">\n<p class=\"Paragraph-k859h4-0 hymSIv\">Wuxuu sidoo kale ku baaqay nabadda gobolka oo ay ka mid tahay in laba dowladood ahaan loo xaliyo khilaafka Falastiin.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"GridItemConstrainedLargeNoMargin-sc-12lwanc-5 tOkbK\">\n<figure class=\"Figure-sc-6a3dhy-0 gJUCFc\">\n<div class=\"NestedGridParentLarge-sc-12lwanc-10 hfLVVX\">\n<div class=\"NestedGridParentLarge-sc-12lwanc-10 hfLVVX\">\n<div class=\"NestedGridItemChildLarge-sc-12lwanc-9 fkKpIa\">\n<div class=\"ImagePlaceholder-sc-11u25v2-0 _StyledImagePlaceholder-gu1fm2-0 dWHIXb\">\n<div class=\"lazyload-wrapper\"><img data-recalc-dims=\"1\" decoding=\"async\" class=\"StyledImg-sc-7vx2mr-0 dQLeqZ\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/ichef.bbci.co.uk\/news\/640\/cpsprodpb\/E8E0\/production\/_114961695_ce8868c8-79c9-40e3-8041-e1485492e543.jpg?w=696&#038;ssl=1\" srcset=\"https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/240\/cpsprodpb\/E8E0\/production\/_114961695_ce8868c8-79c9-40e3-8041-e1485492e543.jpg 240w, https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/320\/cpsprodpb\/E8E0\/production\/_114961695_ce8868c8-79c9-40e3-8041-e1485492e543.jpg 320w, https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/480\/cpsprodpb\/E8E0\/production\/_114961695_ce8868c8-79c9-40e3-8041-e1485492e543.jpg 480w, https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/624\/cpsprodpb\/E8E0\/production\/_114961695_ce8868c8-79c9-40e3-8041-e1485492e543.jpg 624w, https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/800\/cpsprodpb\/E8E0\/production\/_114961695_ce8868c8-79c9-40e3-8041-e1485492e543.jpg 800w\" alt=\"Guddiga israel ee gaaray Bahrain\"  \/><\/div>\n<p class=\"Copyright-sc-11lgtw-0 hDvIfz\" role=\"text\"><span class=\"VisuallyHiddenText-sc-1yjwwa5-0 ldFJPH\">XIGASHADA SAWIRKA,<\/span><span lang=\"en-GB\">EPA<\/span><\/p>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"NestedGridParentLarge-sc-12lwanc-10 hfLVVX\">\n<div class=\"NestedGridItemChildLarge-sc-12lwanc-9 ichKJL\"><\/div>\n<\/div>\n<\/figure>\n<\/div>\n<div class=\"GridItemConstrainedMedium-sc-12lwanc-2 fVauYi\">\n<p class=\"Paragraph-k859h4-0 hymSIv\">Kooxda Israa&#8217;iil waxay raceen dulimaad nooca El Al 973 &#8211; iyadoo loo tix-raacayo lambarka wicitaanka caalamiga ah ee Baxrayn &#8211; waxayna sii mareen hawada Sacuudi Carabiya iyagoo ruqsad gaar ah ka haysta boqortooyada. Hogaamiyaasha Sacuudiga ayaa ilaa iyo hadda diidan baaqyada in dib u soo celiyaan xiriirka Israel.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"GridItemConstrainedMedium-sc-12lwanc-2 fVauYi\">\n<p class=\"Paragraph-k859h4-0 hymSIv\">Loolanka iyo cadaawadda gobolka ee u dhexeeya Sacuudi Carabiya iyo Iiraan ayaa door ka ciyaaray in xiriradan diblomaasiyaddadeed dib loo soo celiyo iyo colaad tobanaan sano jirsatay oo ay uga sii dartay khilaafaadka diimeed, iyada oo Iran loo arka saldhiga awoodeed ee Shiicada Muslimka isla markaana Sacuudi Carabiya waxay isu aragtaa in ay tahay hoggaanka awoodda Muslimiinta Sunniga ah .<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"GridItemConstrainedMedium-sc-12lwanc-2 fVauYi\">\n<p class=\"Paragraph-k859h4-0 hymSIv\">Heshiiska ay labada dal gaareen madaxda Falastiin layaab ayey ku noqotay. Afhayeenka madaxweynaha Falastiin Mahmoud Abbas wuxuu heshiiskaasi ku tilmaamay &#8220;Khiyaano&#8221;.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"GridItemConstrainedMedium-sc-12lwanc-2 fVauYi\">\n<p class=\"Paragraph-k859h4-0 hymSIv\">Wasaaradda arrimaha dibedda ee Falastiin ayaa dib ugu yeertay safiirkeedii u joogay Baxreyn kadib markii heshiiska lagu dhawaaqay bishii hore, bayaan ka soo baxay hoggaanka Falastiin ay waxaa lagu sheegay &#8220;dhibaatada weyn ee ay u geysaneyso xuquuqda qaran ee lama taabtaanka ah ee shacabka Falastiin &#8220;.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"GridItemConstrainedMedium-sc-12lwanc-2 fVauYi\">\n<p class=\"Paragraph-k859h4-0 hymSIv\">Israa&#8217;iil iyo waddamada carabta ee ku yalla Bariga Dhexe iyo Waqoyiga Afrika waxaa ka dhaxeeyey colaad taariikhi ah wixi ka dambeeyey marki ay Israa&#8217;iil aasaasantay 1948-kii, waxaana muddo kaddib Israa&#8217;iil heshiis la galay Masar 1979-kii iyo Urdun oo 1994-kii, iyada oo labada dhinacba ay dalka Iiraan u arkaan mid khatar ku ah gobolka<\/p>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Heshiiska oo Mareykanka uu garwadeen ka yahay ayaa lagu saxiixay caasimadda Baxreyn, ee Manama, maalinkii Axadda. Muddo tobanaan sano ah, dowladaha carabta badankood waxay qaadaceen Israel, iyagoo ku adkeysanaya inay dhisi doonaan oo kaliya xiriirkooda kadib markii la xaliyay khilaafka Falastiin Baxrayn hadda waa waddankii afaraad ee carbeed ee bariga dhexe kadib markii dalalka sida [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":59837,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-59836","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/114961695_ce8868c8-79c9-40e3-8041-e1485492e543.jpg?fit=800%2C450&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-fz6","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/59836","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=59836"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/59836\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":59838,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/59836\/revisions\/59838"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/59837"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=59836"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=59836"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=59836"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}