{"id":59639,"date":"2020-10-06T14:45:56","date_gmt":"2020-10-06T14:45:56","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=59639"},"modified":"2020-10-06T14:45:56","modified_gmt":"2020-10-06T14:45:56","slug":"shirweynaha-4aad-ee-xisbiga-kulmiye-oo-la-soo-gebo-gabeeyey","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2020\/10\/06\/shirweynaha-4aad-ee-xisbiga-kulmiye-oo-la-soo-gebo-gabeeyey\/","title":{"rendered":"Shirweynaha 4aad ee Xisbiga Kulmiye oo la soo gebo-gabeeyey"},"content":{"rendered":"<p>Hargaysa(AN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo xidhay shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE oo 4-tii bishan ka furmay magaalada Hargeysa.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/shirka-golaha-dhexe-3.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-full wp-image-81645 jetpack-lazy-image jetpack-lazy-image--handled\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/shirka-golaha-dhexe-3.jpg?resize=696%2C464\" sizes=\"auto, (max-width: 696px) 100vw, 696px\" srcset=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/shirka-golaha-dhexe-3.jpg?w=800 800w, https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/shirka-golaha-dhexe-3.jpg?resize=400%2C267 400w, https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/shirka-golaha-dhexe-3.jpg?resize=563%2C375 563w, https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/shirka-golaha-dhexe-3.jpg?resize=768%2C512 768w, https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/shirka-golaha-dhexe-3.jpg?resize=696%2C464 696w\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"464\" data-recalc-dims=\"1\" data-lazy-loaded=\"1\" \/><\/a>Shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE oo maalintiisii saddexaad galay, ayaa ka hor intii aanu madaxweynuhu soo xidhin waxa ay ergooyinku duuduub ku ansixiyeen tirada xubnaha golaha dhexe oo ah 241 (laba boqol iyo Afartan iyo kow) xubnood, iyada oo ay madasha ku sugnaayeen 234 xubnood, halka ay maqane ahaayeen 7-xubnood oo kale.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><\/div>\n<p>Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo xidhitaanka shirka hadal ka jeediyey, ayaa hambalyeeyey ergeda ka qaybgashay shirweynaha iyo bahweynta KULMIYE sida ay ugu dhabar-adaygeen muddadii shirku socday.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/i1.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/shirka-golaha-dhexe-4.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-full wp-image-81646 jetpack-lazy-image jetpack-lazy-image--handled\" src=\"https:\/\/i1.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/shirka-golaha-dhexe-4.jpg?resize=696%2C425\" sizes=\"auto, (max-width: 696px) 100vw, 696px\" srcset=\"https:\/\/i1.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/shirka-golaha-dhexe-4.jpg?w=800 800w, https:\/\/i1.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/shirka-golaha-dhexe-4.jpg?resize=400%2C245 400w, https:\/\/i1.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/shirka-golaha-dhexe-4.jpg?resize=613%2C375 613w, https:\/\/i1.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/shirka-golaha-dhexe-4.jpg?resize=768%2C469 768w, https:\/\/i1.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/shirka-golaha-dhexe-4.jpg?resize=696%2C425 696w\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"425\" data-recalc-dims=\"1\" data-lazy-loaded=\"1\" \/><\/a>Mudane Cabdiraxmaan Saylici, waxa uu baaq odoytinimo ah u diray bahweynta KULMIYE, waxana uu kula dardaarmay inay isu tanaasulaan, xisbinimadana wax kasta ka horraysiiyaan oo ay muhiimadda koowaad siiyaan, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,\u201cWaxan leeyahay dhammaanteen waxa aynu haynaa wax ina wada gaadha ma ahee waxa ina wada gaadhaya magaca iyo karamaada xisbiga uu magaciisu inaga dhexeeyo, markaa dadka intii calafku ku qoraa way ku qornaanaysaa, intii aan ku qornaynina waa inay u aragtaa in walaalkii, walaashii iyo saaxiibkii lagu qoray, waana inaynu isu tanaasulnaa oo isku calool wanaagsanaanaa. Arrinta ugu muhiimsani waa xisbinimadu inay qiimo yeelato.\u201d<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><\/div>\n<p><a href=\"https:\/\/i2.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/shirka-golaha-dhexe-5.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-full wp-image-81647 jetpack-lazy-image jetpack-lazy-image--handled\" src=\"https:\/\/i2.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/shirka-golaha-dhexe-5.jpg?resize=696%2C413\" sizes=\"auto, (max-width: 696px) 100vw, 696px\" srcset=\"https:\/\/i2.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/shirka-golaha-dhexe-5.jpg?w=800 800w, https:\/\/i2.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/shirka-golaha-dhexe-5.jpg?resize=400%2C238 400w, https:\/\/i2.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/shirka-golaha-dhexe-5.jpg?resize=620%2C368 620w, https:\/\/i2.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/shirka-golaha-dhexe-5.jpg?resize=768%2C456 768w, https:\/\/i2.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/shirka-golaha-dhexe-5.jpg?resize=696%2C413 696w\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"413\" data-recalc-dims=\"1\" data-lazy-loaded=\"1\" \/><\/a>Guddoomiyaha golaha wakiillada, Mudane Baashe Maxamed Faarax, ayaa bogaadiyey hoggaanka cusub ee ergadu dooratay, waxana uu taageerayaasha xisbiga ku dhiirrigeliyey inay gacmaha isu qabsadaan sidii uu xisbigu guul uga soo hoyn lahaa doorashooyinka dalka kusoo foolka leh ee goleyaasha wakiillada iyo deegaanka, siina laban laabaan xamaasaddii iyo isku-duubnidii lagu yaqaannay.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><\/div>\n<p>Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu horrayn waxa uu bogaadiyey guddidii qaban-qaabada shirweynaha KULMIYE, Ergada shirka isugu timi, shir-guddoonka shirweynaha, marti-sharaftii shirka kasoo qayb-gashay iyo guud ahaanba bahweynta xisbiga KULMIYE ee kala jooga dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/shirka-golaha-dhexe-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-full wp-image-81648 jetpack-lazy-image jetpack-lazy-image--handled\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/shirka-golaha-dhexe-1.jpg?resize=696%2C422\" sizes=\"auto, (max-width: 696px) 100vw, 696px\" srcset=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/shirka-golaha-dhexe-1.jpg?w=800 800w, https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/shirka-golaha-dhexe-1.jpg?resize=400%2C243 400w, https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/shirka-golaha-dhexe-1.jpg?resize=620%2C375 620w, https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/shirka-golaha-dhexe-1.jpg?resize=768%2C466 768w, https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/shirka-golaha-dhexe-1.jpg?resize=696%2C422 696w\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"422\" data-recalc-dims=\"1\" data-lazy-loaded=\"1\" \/><\/a>Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale hambalyeeyey, taageerana u muujiyey shirarka nabadeed ee kasoo bilaabmay deegaanka Shidan oo katirsan gobolka Sanaag iyo Adhi-caddeeye oo katirsan gobolka Sool, waxana uu odayaasha, waxgaradka, waayeelka iyo cidkasta nabadda dedaal gelisayba ku adkeeyey inay sii wadaan dedaalkooda midhaha manfaca leh soo saaray, isaga oo caddeeyey inay xukuumad ahaan taageero dhinac kasta leh la garab taagan yihiin shirarkaas nabadda lagu xoojinayo.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargaysa(AN):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo xidhay shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE oo 4-tii bishan ka furmay magaalada Hargeysa. Shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE oo maalintiisii saddexaad galay, ayaa ka hor intii aanu madaxweynuhu soo xidhin waxa ay ergooyinku duuduub ku ansixiyeen tirada xubnaha golaha dhexe oo ah [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":59640,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-59639","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2020\/10\/shirka-golaha-dhexe-3.jpg?fit=800%2C533&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-fvV","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/59639","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=59639"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/59639\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":59641,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/59639\/revisions\/59641"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/59640"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=59639"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=59639"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=59639"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}