{"id":5946,"date":"2015-02-14T11:08:05","date_gmt":"2015-02-14T11:08:05","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=5946"},"modified":"2015-02-14T11:08:05","modified_gmt":"2015-02-14T11:08:05","slug":"muddo-afar-sano-ku-dhow-ayaa-xukuumadda-hadda-joogta-lagu-wareejiyey-dal-iyo-dad-nabad-ah-oo-mideysan-iyo-soohdimihii-dalka-oo-sugan-maanta-waa-loo-jeeda-dildilaac-dalka-ka-muuqda-cali-sany","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/02\/14\/muddo-afar-sano-ku-dhow-ayaa-xukuumadda-hadda-joogta-lagu-wareejiyey-dal-iyo-dad-nabad-ah-oo-mideysan-iyo-soohdimihii-dalka-oo-sugan-maanta-waa-loo-jeeda-dildilaac-dalka-ka-muuqda-cali-sany\/","title":{"rendered":"Muddo Afar Sano Ku Dhow, Ayaa Xukuumadda Hadda Joogta Lagu Wareejiyey Dal Iyo Dad Nabad Ah Oo Mideysan Iyo Soohdimihii Dalka Oo Sugan. Maanta Waa Loo Jeeda Dildilaac Dalka Ka Muuqda\u201d Cali-Sanyare"},"content":{"rendered":"<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/02\/d696045e57e74dc7b2ec457176ff5e1c_L.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-5947\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.net\/wp-content\/uploads\/2015\/02\/d696045e57e74dc7b2ec457176ff5e1c_L-300x290.jpg?resize=300%2C290\" alt=\"d696045e57e74dc7b2ec457176ff5e1c_L\" width=\"300\" height=\"290\" \/><\/a>Hargeysa(AN)Wasiirkii qorshaynta iyo xidhiidhka caalamiga ah ee xukuumadii Rayaale Md. Cali Ibraahim Maxamed (Cali-sanyare), ayaa Madaxweyne Siilaanyo ku dhaliilay inay xukuumadiisu kala daadisay isku xidhnaantii iyo isku duubnimadii Somaliland ee uu Madaxweynihii hore ku wareejiyay markii uu doorashada KULMIYE ku guulaystay. Waxa uu si qoto dheer uga hadlayaa Xaaladdaha Gobolka Sool iyo Awdal.<\/p>\n<p>Mudane Cali Sanyare oo Waraysi lala yeeshay ku guda jira waxa la waydiiyay Aragtidiisa Awdal waxa uu yidhi \u201cWaxaan u arkaa nasiib \u00a0darro weyn. Muddo afar sano ku dhow, ayaa xukuumadda hadda joogta lagu \u00a0wareejiyey dal iyo dad nabad ah oo mideysan iyo soohdimihii dalka oo sugan. Maanta waa loo jeeda dildilaac dalka ka muuqda dhinaca walba. Kuwaas,oo intooda badan,ay keentay siyaasad xumo ay ku dheehantahay isku-joojin la&#8217;aan iyo tixgelin la&#8217;aan tabashooyinka bulshada qaarkood. Haddii caqli fayow oo xaliya arrimaha ka taagan gobolada darafyada la helin, waxay horseedi karaan nabadgelyo darro. Waxaan qabaa, inta ay doonto Somaliland ha ku qaadatee, in khilaaf walba wada hadal lagu \u00a0dhameeyo. Wuxuu caqliga saliimka ahi Ina farayaa in aan bulshada, si sahlan , ciidan loogu adeegsan,iyadoo lagama maarmaan noqota mooyee,sida haddii weerar hubeysan lagu soo qaado cidanka .Markaas wuxuu ciidanku xaq \u00a0u yeelanaya inuu is-difaaco.<\/p>\n<p>Dadka siyaasadda qaada-dhiga waxay qirayaan in lab qodob oo ah farsamo \u00a0xumo xukuumadeed ay \u00a0murgiyeen arrimaha ka taagan labaad gobol. Waa ta Laascaanoode, waxa la sheegay,ka hor \u00a0shirkii khaatumo ee Taleex lagu qabtay 12kii Janwari,2012, in qaar ka mid ah koooxda loo yaqaano lixdii aasaasayaasha khaatumo ay kula kulmeen Madaxweynaha Somaliland \u00a0Hoteelka Sheraton ee Addis Ababa. Waxay ka dhaadhiciyeen Madaxweynaha in shirkoodu yahay mid beeleed, sidii kii ka dhacay magaalada gar-adag, danta \u00a0guud ee Somalilandna aannu ka horimaneyn. Isagoo ku qancay warka la siiyey ayuu Madaxweynuhu ku barakeeyey.<\/p>\n<p>Markii ujeedada shirku soo ifbaxday ee bulshaduna kacday, jawaabta Madaxtooyadu<\/p>\n<p>waxay mar kasta ahayd&#8221;shirka Taleex waa shir beeleed \u00a0ay xaq u leedahay beel kasta oo Somaliland ahi inay qabsato.&#8221;Hase ahaate, markii shirweynihii Khaatumo uu caddeeyey ujeedadiisii ayey xukuumaddu \u00a0ku ambabartey sidii loo marin habaabiyey oo ay ciidan u saartay. Waxaa iyana sheegis mudan in qofkii fududeeye shirka labada dhinac uu ahaa qof mansab muhim ah u hayey dalka wakhtigaas.<\/p>\n<p>Waa ta Awdale, taariikhda Somaliland wuxuu gobolku \u00a0kaga yaal baal dahab ah. Waa gobolkii martiqaaday shirkii labaad ee beelaha somaliland. Waa shirkii lagu doortay Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, Eebe janadii fardowsa ha \u00a0ka-waraabiyee . Waa Madaxweynihii \u00a0tiirarka dawladnimo u taagay Somaliland. Waa shirkii u horseeday dimoqraadiyada \u00a0somaliland. Bulshada Somaliland way kawada dheregsantahay wax ka socda gobolka . Waxa caddeysay xukuumadda, waxaana sii-Iftiimiyey dhibaatada Suldan Waber,xildhibaanada Golaha Wakiilada ee ka soo jeeda\u00a0 gobolka ,masuuliyiin kale oo fara badan oo ay ku jiraan salaadin, aqoonyahano, iyo waxgarad.\u00a0 Waxay dhamaantood isku-raaceyn in qadaris la&#8217;aani dhibaatada keentay. Tasoo ka timid dhinaca xukuumadda \u00a0markii ay ka gaabisay tixgelinta tabashooyinkooda muddo aad u dheer oo saddex sano ku dhow.<\/p>\n<p>Xukuumaddu way qiratay in aan weli tabashooyinkii gobolka laga jawaabin, Inkasta oo ay ku dartay in guddi wasiiro ahi ay arrintan faraha ku hayaan. Waxa marag ma doonta ah in gadoodka gobolka \u00a0ka jira uu sabab u noqon \u00a0karo \u00a0tixgelin la&#8217;aanta ka timid dhinaca xukuumadda ,iyadoo arrimo kale oo \u00a0hadda cadeyn \u00a0soo \u00a0if-baxaan mooyaane. Waxaan kula talin lahaa bulshada reer Awdal inay is-dejiyaan oo ay nabadgelyada ilaaliyaan. Nabadgelyadu waa inugu qaali,Waa inoo wada dan.Marka nabadgelyada la waayo ayaa nimcadeeda la gartaa, fartana dhexda laga qaniina. Madaxdhaqameedka , waayeelka ,waxgaradka iyo aqoonyahanka \u00a0reer Awdal xilkoodii taariikhiga ahaa way kasoo baxeen. Waxaanay ku caddeeyeen go&#8217;aanadii ka soo baxay shirkii dooxada \u00a0Geb lagu qabtay. Hase ahaatee, waxa loo baahanyahay in dhalinyarada la gadoodiyey loogu celceliyo qiimaha nabad lago soo toosaa leedahay. Waxay dhalinyarada somaliland,oo ay ku jiraan dhalinyarada Awdal,indhaha-ku soo-kalaqaadeen dal nabad ah, barwaaqeysan,inkasto wax badani ka dhimanyihiin, iyo jaamicado.shaqeynaya. Magaran karaan dhibaatada loo soo marey hadda halka la taagan yahay., iyagoo loo sheego mooyee.<\/p>\n<p>Waxaan kaloo jecelahay in aan xasuusiyo reer Awdal Inay dalkan xukumeen muddo todoba sano ah,loogana fadhiyo Inay markale xukumaan. Ila maalintii Somaliland xoriyadeedii la soo noqotay wuxuu gobolku ku fadhiyey kursiga labaad ee dalka ugu sareeya \u00a0.Kuwa \u00a0u hinqiltaagaya SOMALIYA, malagayaaba Inay fursadahaas oo kale ka heli karin soomaliya.\u00a0 Khibradii SOMALIYA \u00a0aynu ku \u00a0baranay waxay ahayd dal bulshadeedu, gaar ahaan ,kuwa isbidaya tiro-badni \u00a0ay \u00a0 yihiin kuwo iyana wax-isku-ogoleen, cid kalena wax u ogoleen. Waxa kaloo, iyana xasuus mudan, markii Mudane Cabdi Xasan Buuni ( alle janadii fardowsa ha ka waraabiyee) uu ka noqday ku-xigeenka rai&#8217;isal-wasaaraha SOMALIYA sanadkii 1960kii \u00a0wuxuu ku helay magaca Somaliland iyo midnimadii xisbiyadii \u00a0SNL\/USP ee Xamar lagu tegay. Ra&#8217;iisal wasaarihii somaliland, Mudane Moxamed Xaaji Ibraahim Cigaal,wuxuu xukuumadda wakhtigaas ka noqday Wasiirka Difaaca. Maanta ma ahayn cadho xukuumadda aad u qaadeen \u00a0awgeed in taariikhdii \u00a0la soo maray aad ku ilowdaan oo xubno la odhan karo \u00a0waa dhalaan dhalad ku hadaaqaan hadalo aan hore looga baran bulshada Awdal ee ka midka ah bulshooyinka ugu \u00a0taariikhda iyo xadaarada weyn geeska Afrika. Waxa jirta maahmaah \u00a0somaliyeed oo tidhaa: &#8220;Oodi ab ka dhow .&#8221; Marka haddii aad is-hirdideen qolooyin aydaan isku ood ahayn, aqoonta \u00a0xadaaradiina iyo macaamilkii soo jireenka ahaana wax uga dhimanyihiin, xaal weyn ayaannu \u00a0idinka siinay. Bulshada somaliland waa idiinka graabeysa tabashooyinkiina.Hadaba,idinkuna ka saara hadalka intii aan laaqika ahayn.<\/p>\n<p>Waxaan jecelahay in aan waxooga \u00a0tusaaloyin iyo talloooyin ah u soo jeediyo Suldaan Waber. Suldaan ima taqaanide aan isku ka sheegee waxaan ah nin aan da&#8217;yarta biqleysa ku jirin,waayo aragna ah . Ilaa wakhtigii aynu Somaaliya is-raacneyna jiray oo shaqeyneyey. Inaan kaa weynahay ayaan \u00a0filaya. Aan kuu faanee ,waxaan ahay \u00a0nin tol iyo xigtaba ku leh gobolka Awdal. Bulshada Awdalna jecel. Markaan \u00a0ku soo wareystay, waxay dadkii isku-raaceen inaad tahay Suldaan haybad leh,milgaha saldanadana dhowra oo urursan. Jifadaaduna kugu\u00a0 kalsoontahay. Suldaan waa la arki jiray Suldaan fiicnaa oo markuu xanaaqo ama dhibaatadii kabadato mar keliya \u00a0isbedela oo falaagooba. Horeyna, somaliland way uga dhacday, cahdigi xukunka Madaxweyne Moxamed xaaji Ibraahim Cigaal .<\/p>\n<p>Markuu Suldaan falaagoobo waxa , inta badan durbaanka u tuma,dad dano gaar ah ka leh Isku dhaca Suldaanka iyo kolba xukuumadaas joogta,aworkooda siyaasideedna ku kacsada ,iyagoo u balanqaadaya Suldaanka kharashka ku baxaya dhaqdhaqaaqyada . Laakiin markii la heshiiyo, waxay dhibaatooyinka dhacay oo dhan dhabarka u saaraan Suldaanka, bacdama uu \u00a0yahay masuulka kowaad ee bulshada la kiciyey. Sidii hore looga bartey, haddii bulshada kacsani \u00a0dagaal loo horseedo waxay kusoo laabtaan magaalooyin burbursan iyo \u00a0iyagoo dhinac walba dib-uga- dhacsan, noloshana \u00a0alif ka soo .bilaabaya.\u00a0 Waxaan markaas kugula talin lahaa KOW la tasho salaadiintii hore tutaha u gashatay si aad u ogaatid xumaan iyo samaaanba waxay ka dhaxleen amase ka faai&#8217;ideen.<\/p>\n<p>LABA, naftaada iyo noloshaada cidhiidhi, silic iyo buura gal ha gelin uma qalantidey.SADDEX, taariikh xumo ha ku gelin arrin laga wadahadli karo,miiska dushiisana lagu dhameyn karo. AFAR, mar haddii bulsho la xasuuqey ama la barakiciyey ama dhibaato kale \u00a0loo geystay aanay jirin oo waxaad ka hadashey uu ahaa siyaasad la xidhiidhta sami qeybsi,fadlan Suldaan arrinta \u00a0deji oo miiska wadahadalka soo fadhiiso. Haddii aad nabada , colaad ka doorbidid, adiga iyo nasiibka. Hore ayaa loo yidhi,&#8221;dagaal wiil kuma dhashee ,wiilba ku dhinta.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa(AN)Wasiirkii qorshaynta iyo xidhiidhka caalamiga ah ee xukuumadii Rayaale Md. Cali Ibraahim Maxamed (Cali-sanyare), ayaa Madaxweyne Siilaanyo ku dhaliilay inay xukuumadiisu kala daadisay isku xidhnaantii iyo isku duubnimadii Somaliland ee uu Madaxweynihii hore ku wareejiyay markii uu doorashada KULMIYE ku guulaystay. Waxa uu si qoto dheer uga hadlayaa Xaaladdaha Gobolka Sool iyo Awdal. Mudane Cali [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":5947,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-5946","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-1xU","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/5946","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=5946"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/5946\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=5946"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=5946"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=5946"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}