{"id":59378,"date":"2020-09-17T17:08:24","date_gmt":"2020-09-17T17:08:24","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=59378"},"modified":"2020-09-17T17:09:03","modified_gmt":"2020-09-17T17:09:03","slug":"shirkii-golaha-wasiirada-jsl-oo-laga-soo-saarayo-qorshayaal-shaqaalaha-rayidka-ah-guryo-loogu-dhisaayo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2020\/09\/17\/shirkii-golaha-wasiirada-jsl-oo-laga-soo-saarayo-qorshayaal-shaqaalaha-rayidka-ah-guryo-loogu-dhisaayo\/","title":{"rendered":"Shirkii Golaha Wasiirada JSL Oo Laga Soo Saarayo Qorshayaal Shaqaalaha Rayidka ah Guryo Loogu Dhisaayo"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa (AN)-Shirkii golaha wasiirada Somaliland oo uu shirgudoominaayay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la horkeenay qorshaha dhisida guryaha shaqaalaha, laguna ansixiyey siyaasad cusub.<\/p>\n<p>War ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, soona gaadhay wakaaladda wararka Somaliland ee Arabsiyonews, ayaa u dhignaa sidan:-<\/p>\n<p>Fadhigii 64aad\u00a0ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ku yeeshay habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video Conference) oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo maanta la horkeenay qorshaha dhisida guryaha Shaqaalaha, laguna ansixiyey siyaasad cusub.<\/p>\n<p>Ugu horrayn wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa golaha warbixin guud ka siiyey xaaladda amniga iyo nabadgelyada dalka, ka dib wasiirka wasaaradda hawlaha guud, dhulka\u00a0 iyo guryeynta ayaa golaha u soo bandhigay qorshaha dhisida guryaha shaqaalaha dawladda, isagoo wasiirku sharaxaad dheer ka bixiyey qaabka iyo nashqada\u00a0 ay noqon doonaan guryahaasi, wuxuuna xusay in wasaaraddu diyaarisay dhulkii laga dhisi lahaa guryaasi sidoo kale golaha ayaa dood iyo falaqayn ka yeeshay qorshaha dhisida guryaha shaqaalaha, hadaba iyadoo xukuumaddu ka duulaysa ahmiyada weyn ee shaqaaluhu u leeyahay qaranka xoojinaysana tayeynta iyo taageerada shaqaalaha, waxay arrintani fursad siinaysaa muhiimada shaqaaluhu u leeyahay dalka.<\/p>\n<p>Ugu danbayn waxa goluhu ansixiyey siyaasada maamulka hantida raagta (Fixed Asset Policy) oo ay soo diyaarisay wasaaradda horumarinta maaliyada goluhuna shirkii hore kaga yeeshay dood.<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Hargaysa Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (AN)-Shirkii golaha wasiirada Somaliland oo uu shirgudoominaayay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la horkeenay qorshaha dhisida guryaha shaqaalaha, laguna ansixiyey siyaasad cusub. War ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, soona gaadhay wakaaladda wararka Somaliland ee Arabsiyonews, ayaa u dhignaa sidan:- Fadhigii 64aad\u00a0ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ku yeeshay habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":40874,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"video","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,7,2],"tags":[],"class_list":["post-59378","post","type-post","status-publish","format-video","has-post-thumbnail","category-featured","category-videos","category-wararka","post_format-post-format-video"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2018\/01\/Golaha-wasiirada3.jpg?fit=500%2C219&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-frI","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/59378","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=59378"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/59378\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":59379,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/59378\/revisions\/59379"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/40874"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=59378"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=59378"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=59378"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}