{"id":59253,"date":"2020-09-08T17:36:16","date_gmt":"2020-09-08T17:36:16","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=59253"},"modified":"2020-09-08T17:36:16","modified_gmt":"2020-09-08T17:36:16","slug":"wasiirka-arrimaha-dibadda-taiwan-oo-qaabilay-wakiilka-somaliland-iyo-safaaradda-oo-berri-la-furayo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2020\/09\/08\/wasiirka-arrimaha-dibadda-taiwan-oo-qaabilay-wakiilka-somaliland-iyo-safaaradda-oo-berri-la-furayo\/","title":{"rendered":"Wasiirka Arrimaha Dibadda TAIWAN oo Qaabilay Wakiilka Somaliland iyo Safaaradda oo Berri la furayo"},"content":{"rendered":"<p><strong>Taipa(AN)<\/strong>:-Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Taiwan, Joseph Wu, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Somaliland ee dalkaas Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud oo dhawaan madaxweyne Muuse Biixi u magacaabay xilkaas.<\/p>\n<p>Faahfaahin dheeraad ah lagama bixin nuxurka kulanka dhexmaray labada masuul, haseyeeshee waxa la filayaa in kulankani hordhac u yahay xadhig-ka-jarista Xafiis dibloomaasiyadeed oo Somaliland ka furanayso caasimadda dalkaas ee Taipei maalinta Arbacada ah ee Berri.<\/p>\n<p>Barta Twitter-ka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan, ayaa la soo bandhigay sawirro laga qaaday Kulanka dhexmaray Labada masuul iyo iyo qoraal uu kaga hadlay muhiimadda kulanku leeyahay.<\/p>\n<p>\u201cAnnaga oo ah laba dhinac oo Isku feker ah, si isku mid ahna wax u doonayna, waxaanu dhiirrigelin doonnaa nabadda iyo barwaaqada, waxaananu ilaalin doonnaa nidaamkayaga dimuqraadiga,\u201d waxa sidaas bartiisa Twitter ku qoray wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan Salaasada maanta.<\/p>\n<p>Wakiilka Somaliland ee Taiwan, Amb. Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud, ayaa dhankiisa ka hadlay kulanka dhexmaray wasiirka Arrimaha Dibadda Taiwan.<br \/>\n\u201cWaxaan saaka xafiiskiisa kula kulmay Wasiirka Arimaha Dibada ee Taiwan H.E. Dr Joseph Wu. Kulanku wuxuu ahaa mid midho-dhal iyo muhiimadba leh,\u201d sidaas waxa uu Maxamed ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.<\/p>\n<p>Bishii August 17-keedii ayaa dalka Taiwan, ayaa dibloomasiyadeed ka furtay magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, waxaana munaasibaddaas goob-joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Wakiilka Dowladda Taiwan.<\/p>\n<p>In kasta oo aanay labada waddan wax heshiis ah ku gaadhin daah-furka xidhiidh dibloomasiyadeed dhammaystiran oo ay yeeshaan, haddana xidhiidhka ugubka ah ee Somaliland iyo Taiwan, ayaa si xooggan u soo jiitay indhaha caalamka.<\/p>\n<p>Xidhiidhka dibloomasiyadeed ee Taiwan iyo Somaliland ayaa kiciyay weerar diblomaasiyadeed oo kaga yimi dhinaca dalka Shiinaha oo aaminsan in Taiwan ka mid tahay dhul-weynaha Jamhuuriyadda Shiinaha, iyadoo dhawaan ay magaalada Muqdisho shir-jaraa\u2019id ku cambaareeyeen Safiirka Shiinaha ee dalkaas iyo madaxweynaha Somaliya. Waxaana lagu soo waramayaa inay arrintani ku riixday Shiinaha inuu sare u qaaddo rejada ah wada-shaqayn ay ilaalada maraakiibta Shiinaha iyo Soomaaliya ka sameeyaan biyaha ku xeeran mandaqadda Geeska Afrika ee Istaraatajiyadda u ah Isu-socodka adduunka.<br \/>\nToddobaadkii hore, warbixin la xidhiidha milatariga Shiinaha oo uu soo saaray Aqalka Gaashaan-dhigga Maraykanka ee Pentagon-ka , waxa lagu sheegay in Beijing ay sidoo kale qorshaynayso saldhigyo cusub oo laga yaabo inay ka furtaan dalallka Kenya, Tanzania, Angola iyo Namibia.<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Arabsiyonews2020@gmail.com<\/p>\n<p>Hargaysa Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Taipa(AN):-Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Taiwan, Joseph Wu, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Somaliland ee dalkaas Maxamed Cumar Xaaji Maxamuud oo dhawaan madaxweyne Muuse Biixi u magacaabay xilkaas. Faahfaahin dheeraad ah lagama bixin nuxurka kulanka dhexmaray labada masuul, haseyeeshee waxa la filayaa in kulankani hordhac u yahay xadhig-ka-jarista Xafiis dibloomaasiyadeed oo Somaliland ka furanayso caasimadda [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":59254,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"video","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,7,2],"tags":[],"class_list":["post-59253","post","type-post","status-publish","format-video","has-post-thumbnail","category-featured","category-videos","category-wararka","post_format-post-format-video"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2020\/09\/Snapshot_2608.png?fit=640%2C360&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-fpH","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/59253","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=59253"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/59253\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":59255,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/59253\/revisions\/59255"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/59254"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=59253"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=59253"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=59253"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}