{"id":58821,"date":"2020-08-13T14:05:16","date_gmt":"2020-08-13T14:05:16","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=58821"},"modified":"2020-08-13T14:05:16","modified_gmt":"2020-08-13T14:05:16","slug":"golaha-wasiirrada-somaliland-oo-goaamiyey-in-maxkamadda-sare-loo-gudbiyo-goaan-ka-gaadhista-doorashooyinka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2020\/08\/13\/golaha-wasiirrada-somaliland-oo-goaamiyey-in-maxkamadda-sare-loo-gudbiyo-goaan-ka-gaadhista-doorashooyinka\/","title":{"rendered":"Golaha Wasiirrada Somaliland Oo go\u2019aamiyey In Maxkamadda Sare Loo Gudbiyo Go\u2019aan-ka-gaadhista Doorashooyinka"},"content":{"rendered":"<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Hargeysa(AN):-Fadhigii 62aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ku yeeshay habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video Conference) oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagaga dooday qabsoomidda doorashooyinka isku sidkan ee wakiillada iyo deegaanka, iyada oo sidoo kalena lagu ansixiyey siyaasado qaran.<\/div>\n<div dir=\"auto\">Warsaxaafadeedkan oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Shabakada Wararka <strong>Arabsiyonews\u00a0<\/strong> ayaa waxa udhignaa<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Ugu horrayn wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha, ayaa golaha warbixin guud ka siiyey xaaladda nabad-gelyada dalka. Sidoo kale wasiirka isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada ayaa golaha warbixin ka siiyey hirgelinta nidaamka E-government iyo halka uu marayo isagoo wasiirku tilmaamay ahmiyadda uu u leeyahay dalka.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda ayaa golaha warbixin dheer ka siiyey xaaladda dhaqaale ee dalka iyo saamaynta uu ku yeeshay safmarkii xanuunka karoona Fayris (Corona-virus), wuxuuna wasiirku golaha horkeenay siyaasadda haykalka guud ee dhaqaalaha iyo maaliyadda ee saddexda sanno ee soo socda 2021-2023, si aragti guud iyo saadaalin runa looga helo geeddi-socodka dhaqaalaha iyo maaliyadda Dalka, loona hubiyo in dakhli ururinta guduhu ku filan tahay daboolidda kharashaadka dawladda iyo mashaariicda horumarineed ee mudnaanta leh, waxayna siyaasaddani jaangoynay samaynta miisaaniyad-sanadeedka 2020 -2021.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Dhinaca kale, wuxuu goluhu ansixiyey siyaasadda shaqo abuurka qaran ee Somaliland oo ay soo diyaarisay wasaaradda shaqo gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska.<\/div>\n<div dir=\"auto\">Ugu danbayn waxa goluhu dood dheeer ka yeeshay qabsoomidda doorashooyinka isku sidkan ee wakiillada iyo deegaanka, wuxuuna goluhu go\u2019aamiyey in loo gudbiyo maxkamadda sare ee Jamahuuriyadda Somaliland.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">ALLAA MAHAD LEH<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"o9v6fnle cxmmr5t8 oygrvhab hcukyx3x c1et5uql ii04i59q\">\n<div dir=\"auto\">Maxamuud Warsame Jaamac<\/div>\n<div dir=\"auto\">Af-hayeenka Madaxweynaha JS<\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa(AN):-Fadhigii 62aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ku yeeshay habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video Conference) oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagaga dooday qabsoomidda doorashooyinka isku sidkan ee wakiillada iyo deegaanka, iyada oo sidoo kalena lagu ansixiyey siyaasado qaran. Warsaxaafadeedkan oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Shabakada Wararka Arabsiyonews\u00a0 [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":58457,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-58821","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2020\/07\/maxresdefault-40.jpg?fit=1280%2C720&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-fiJ","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/58821","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=58821"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/58821\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":58823,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/58821\/revisions\/58823"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/58457"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=58821"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=58821"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=58821"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}