{"id":5876,"date":"2015-02-13T11:32:42","date_gmt":"2015-02-13T11:32:42","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=5876"},"modified":"2015-02-13T11:32:42","modified_gmt":"2015-02-13T11:32:42","slug":"madaxweynaha-turkiga-erdogan-ayaa-obama-ku-canbaareeyey-aamusnaantiisa-dilkii-chapel-hill","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/02\/13\/madaxweynaha-turkiga-erdogan-ayaa-obama-ku-canbaareeyey-aamusnaantiisa-dilkii-chapel-hill\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa Obama ku canbaareeyey aamusnaantiisa dilkii Chapel Hill"},"content":{"rendered":"<p><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-full wp-image-181917\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/horseedmedia.net\/wp-content\/uploads\/2015\/02\/erdogan.jpg?resize=600%2C433\" alt=\"Turkey's President Erdogan gives a speech to the media next to Mexico's President Nieto in Mexico City\" width=\"600\" height=\"433\" \/><\/p>\n<p>Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maalintiin shalay ee Khamiista ku canbaareeyey Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama aamusnaanta uu ka aamusan yahay dilkii loo geystey saddex dhalinyaro Muslimiin ah oo lagu diley todobaadkan gobolka <a title=\"Qoys Muslim ah oo lagu xasuuqay North Carolina dalka Maraykanka\" href=\"http:\/\/horseedmedia.net\/2015\/02\/11\/qoys-muslim-ah-oo-lagu-xasuuqay-north-carolina-dalka-maraykanka\/\"><strong>North Carolina<\/strong>.<\/a><\/p>\n<p>Madaxweyne Erdogan oo uu garabkiisa taagnaa Madaxweynaha dalka Mexico Enrique Pe\u00f1a Nieto oo booqasho rasmi ah ku jooga Turkiga, ayaa yiri aamusnaanta Obama, ku-xigeenkiisa Biden iyo Xoghayihiisa arrimaha dibadda Kerry waxay noo sheegaysaa booska ay ka taagan yihiin ficilada caynkan oo kale ah.<\/p>\n<p><strong>\u201cHaddii aad ka aamustaan ficilada caynkan oo kale ah, oo aydinaan wax bayaan ah ka soo saarin, adduunkuna waa idinka aamusnaan doonaa idinka\u201d ayuu yiri Erdogan isaga oo canbaareynaya dilkii laga wada argagaxay ee loo geystey<a title=\"Qoys Muslim ah oo lagu xasuuqay North Carolina dalka Maraykanka\" href=\"http:\/\/horseedmedia.net\/2015\/02\/11\/qoys-muslim-ah-oo-lagu-xasuuqay-north-carolina-dalka-maraykanka\/\"> maalintii Salaasada<\/a>, Deah Shaddy Barakat xaaskiisi Yusur Maxamed iyo walaasheed Razan Maxamed Abu-Salha.<br \/>\n<\/strong><br \/>\nBooliska gobolka North Carolina ayaa dilkan u xirey Craig Stephen Hicks oo 46 sano jir ah, waxaana uu caro badan ka abuurey dilkan dadka Muslimiinta ah gaar ahaan kuwa isticmaala shabakadaha isku xira bulshada iyaga oo muujinaya sida Maraykanka iyo warbaahintiisuba u tahay laba wajiile.<\/p>\n<p>Dalka Turkiga ayaa ka mid ah Gaashaanbruurta Nato, waxaana uu ahaa furaha xulafada Maraykanku u isticmaalayey dagaalka ISIS oo cadow u wada ah labada dalba.<\/p>\n<p>Erdogan ayaa ah hoggaamiyaha keliya ee caalamka Muslimiinta ee dilkan foosha xun canbaareeyey, waxaana uu si daah-furnaan ah uga hadlaa baqdinta iyo Islaam nacaybka ku soo badanaya dalalka reer galbeedka<\/p>\n<p><!--End--><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maalintiin shalay ee Khamiista ku canbaareeyey Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama aamusnaanta uu ka aamusan yahay dilkii loo geystey saddex dhalinyaro Muslimiin ah oo lagu diley todobaadkan gobolka North Carolina. Madaxweyne Erdogan oo uu garabkiisa taagnaa Madaxweynaha dalka Mexico Enrique Pe\u00f1a Nieto oo booqasho rasmi ah ku jooga Turkiga, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":5879,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-5876","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-1wM","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/5876","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=5876"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/5876\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=5876"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=5876"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=5876"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}