{"id":58692,"date":"2020-08-04T19:28:28","date_gmt":"2020-08-04T19:28:28","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=58692"},"modified":"2020-08-05T12:56:27","modified_gmt":"2020-08-05T12:56:27","slug":"shiinaha-oo-wefti-heerkiisu-sareeyo-u-soo-diray-hargeysa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2020\/08\/04\/shiinaha-oo-wefti-heerkiisu-sareeyo-u-soo-diray-hargeysa\/","title":{"rendered":"Shiinaha oo wefti Heerkiisu sareeyo\u00a0 u soo diray Hargeysa"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa(AN):-Dawladda Jamhuuriyadda Dadka China ee Shuuciga ah ayaa wefti heerkiisu<br \/>\naad u sareeyo Somaliland u soo dirtay Somaliland Maanta.Weftigan oo diyaarad khaas ah watay waxa hogaaminayay sarkaalka<br \/>\nsafaaradaha debada u qaabilsan dalkaasi Shiinaha, waxaanay ujeedada<br \/>\nsafarkooda ugu weyni la xidhiidhaa inay ka hortagto aqoonsi ay<br \/>\nSomaliland siiso dawladda Taiwan oo dhawaan xidhiidh diblomaasiyadeed<br \/>\ndhexmaray Jamhuuriyadda Somaliland.<\/p>\n<p>Dawladda Shiinaha Shuuciga ah ayaa ka cadhootay ka dib markii ay<br \/>\nJamhuuriyadda Somaliland xidhiidh diblomaasiyadeed la samaysatay<br \/>\nJamhuuriyadda Shiinaha ee Dimuqraadiga ah ee loo yaqaano Taiwan bishii<br \/>\nina dhaaftay ee July 2020.<br \/>\nDawladda China ayaa waqtigaasi ku tilmaantay xidhiidhka<br \/>\ndiblomaasiyadeed ee Somaliland iyo Taiwan mid aan waafaqsanayn<br \/>\nshuruucda caalamiga ah, waxaanay\u00a0 ku tilmaantay Somaliland argagixiso.<br \/>\nHase yeeshee, markii uu sii xoogaystay xidhiidhka Somaliland iyo<br \/>\nTaiwan, waxa ay dawladda China tiraba saddex jeer soo dirtay<br \/>\nsafiirkeeda u jooga Muqdisho, si uu ugu qanciyo Somaliland inay ka<br \/>\nnoqoto xidhiidhkaasi, balse uma ay suurto gelin, waxaana saddexdii<br \/>\nmaalmood ee ina dhaafayba dalka Somaliland ku sugnaa Safiirka China ee<br \/>\nSomalia Qin Jian oo wada hadalo la lahaa masuuliyiin ka tirsan<br \/>\nWasaaradda Arrimaha Debada ee Somaliland. Balse wax natiijo ahi kama<br \/>\nsoo bixin.<br \/>\nDhinaca kale, sida uu ku waramay\u00a0 Abdi Rashid oo ah falanqeeya ka<br \/>\nfaalooda arrimaha Geeska Afrika, gaar ahaana muddo dheer u soo shaqayn<br \/>\njirey hay\u2019adda caalamiga ah ee Qalaalasaha dunida Safiirka dalka China<br \/>\nee Somalia Mr. Qin Jian ayaa Somaliland u hanjabay,, \u201cWaxaanu ogayn in<br \/>\nmadaxweynaha Somaliland uu ka soo mid ahaan jirey ururkii SNM, isla<br \/>\nmarkaana aanay hanjabaadu waxba ka dhimin\u201d ayuu yidhi Abdi Rashiid oo<br \/>\nsoo dhigay Bartiisa Twitter-ka, waxaanu intaasi ku daray \u201cMadaxweynaha<br \/>\nSomaliland, waxa uu hanjabaada kaga jawaabay inuu amro in la diyaariyo<br \/>\naqoonsi caalami ah oo ay Somaliland siiso Taiwan\u201dHase yeeshee, sida ay ku warantay shabakada Somaliland Chronicals,<\/p>\n<p>madaxweynaha Somaliland waxa uu gebi ahaanba diiday inuu la kulmo<br \/>\nSafiirka China. Taasi bedelkeedana Wasaaradda Arrimaha Debada ee<br \/>\nChina, waxa ay go\u2019aansatay inay u soo dirto wefti meeqaamkiisu aad u<br \/>\nsareeyo. Oo Somaliland kala xaala waxyaabaha ay wada qabsan karaan iyo<br \/>\narrinta xiisaha badan ee Taiwan.<\/p>\n<p>Talaabada uu qaaday Madaxweynaha Somaliland, waxa soo dhaweeyey,<br \/>\nxoogaga ka soo horjeeda dawladda Shiinaha Shuuciga oo uu ugu horeeyo<br \/>\nGudoomiyaha guddida arrimaha debada ee Baarlamaanka UK\u00a0 Mr. Tom iyo<br \/>\nkooxaha u dhaqdhaqaaqa xorriyadda Honkong.<br \/>\nArrimahani iyo qaar kale oo badani waxay keeneen culays soo waajaha<br \/>\nShiinaha, taasi oo keliftay inay weftigani soo diraan<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Hargeysa Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa(AN):-Dawladda Jamhuuriyadda Dadka China ee Shuuciga ah ayaa wefti heerkiisu aad u sareeyo Somaliland u soo dirtay Somaliland Maanta.Weftigan oo diyaarad khaas ah watay waxa hogaaminayay sarkaalka safaaradaha debada u qaabilsan dalkaasi Shiinaha, waxaanay ujeedada safarkooda ugu weyni la xidhiidhaa inay ka hortagto aqoonsi ay Somaliland siiso dawladda Taiwan oo dhawaan xidhiidh diblomaasiyadeed dhexmaray Jamhuuriyadda [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":58693,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"video","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,7,2],"tags":[],"class_list":["post-58692","post","type-post","status-publish","format-video","has-post-thumbnail","category-featured","category-videos","category-wararka","post_format-post-format-video"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2020\/08\/Snapshot_2149.png?fit=640%2C360&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-fgE","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/58692","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=58692"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/58692\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":58700,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/58692\/revisions\/58700"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/58693"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=58692"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=58692"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=58692"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}