{"id":58476,"date":"2020-07-24T18:34:58","date_gmt":"2020-07-24T18:34:58","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=58476"},"modified":"2020-07-24T18:36:57","modified_gmt":"2020-07-24T18:36:57","slug":"dad-ka-bogsaday-xanuunnada-dhimirka-oo-ka-qalin-jebiyey-xirfado-lagu-baray-xarunta-sahan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2020\/07\/24\/dad-ka-bogsaday-xanuunnada-dhimirka-oo-ka-qalin-jebiyey-xirfado-lagu-baray-xarunta-sahan\/","title":{"rendered":"Dad Ka Bogsaday Xanuunnada Dhimirka Oo Ka Qalin-Jebiyey Xirfado Lagu Baray Xarunta SAHAN"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa (AN) \u2013 Xaflad loo qabtay Dufcaddii 11-aad ee ka qalin-jebisa Cisbitaalka SAHAN ee Magaalada Hargeysa ayaa lagu qabtay isla Xaruntaasi.<\/p>\n<p>Xarunta SAHAN ayaa waxay fidisaa adeegyo Bulsho oo kala duwan, sida Daaweynta Xanuunnada dhimirka, waxbarashada aasaasiga ah iyo Culuumta Diiniga ah, Xirfadaha Dawaarka iyo Korontada.<\/p>\n<p>Dufcadda 11-aad ee Xafladda loo sameeyay ayaa waxay barteen Xirfadda Dawaarka iyo Qur\u2019aanka Kariimka iyo Culuum kale ee Diiniya.<\/p>\n<p>Dadka Qalin-jebiyey ee Xafladda loo sameeyay ayaa markii hore Xarunta Sahan loo geeyay in lagaga daweeyo Xanuunka Dhimirka oo haleelay, balse markii ay Xanuunkaasi ka bogsadeen ayaa isla Xarunta SAHAN lagu baray Qur\u2019aanka Kariimka iyo Xirfadaha Dawaarku ka mid yahay.<\/p>\n<p>Munaasibadda Qalin-jabinta ayaa waxa ka qayb-galay Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka ee Somaliland, agaasimaha guud ee Wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Agaasimaha guud ee Wasaaradda xidhiidhka Goleyaasha, Masuuliyiin ka socday Hay\u2019adda Shaqaalaha Dawladda, Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka, Maamul-wanaagga, Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sheekh Aadan-Siiro) iyo Marti-sharaf kale oo tiro badan.<\/p>\n<p>Agaasimaha Xarunta Sahan Kayse Xasan Cumar oo ugu horrayn halkaa ka hadlay ayaa yidhi\u00a0 \u201cXarunta Sahan waa Cisbitaal ka shaqeeya Xanaanaynta Dadka qaba Xanuunada dhimirka, Dufcadda qalin-jabinaysaa waa tii 11-aad.\u201d<\/p>\n<p>Agaasimuhu wuxuu sheegay \u201cSahan waxay ka kooban tahay Qaybta Caafimaadka, Qaybta Jimicsiga, Waxbarashada iyo qaybo kale oo muhiim ah\u2026\u201d ayuu yidhi.<\/p>\n<p>Madaxa Waaxda Waxbarashada ee Sahan oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi \u201cHaddaan Macluumaad ka bixiyo habka wax loo baro, waa Qayb Shareecada Islaamka iyo qayb Farsamada Gacanta ah, waxa laga dhisaa qaybaha ay Shareecadu ka kooban tahay, sida Qur\u2019aanka Kariimka oo aanu ugu talo-galay in Ardaydu bartaan Qur\u2019aanka Karriimka, si ay Xarunta uga baxaan iyagoo Qur\u2019aanka si fiican u bartay, waxa kale oo la baraa Axaadiista Nebiga CSW..\u201d<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Xarunta SAHAN, ahna aasaasaha Xaruntaasi Bashiir Maxamed Jaamac oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa u Mahad-naqay Wasaaradda Waxbarashada, gaar ahaan Xafiiska Imtixaannaadka Qaranka oo uu sheegay in markii laga soo noqday Xayiraadihii Xanuunka Karoona ay muddo 5 Maalmood gudohood ah ugu diyaarisay Shahaadooyinka Ardayda Qalin-jebisay.<\/p>\n<p>Waxa kale oo uu u Mahad-celiyey Cid kasta oo kala qayb-qaata Dedaalkooda la xidhiidha daryeelka Dadka Dhimirka ka xanuunsanaya ee ku jira Xarunta SAHAN, isagoo si gaar ah u xusay Wasiirka Shaqo-gelinta oo uu sheegay inay dufcaddii 10-aad ee tan ka horraysay ay siisay Dawaarka \u201cSanadkii hore Wasiirka Shaqadu 13-kii Arday ee xilligaa qalin-jabiyey Qof kasta Dawaarbay siisay, way ku shaqaysteen oo shaqo abuur ayay u noqotay\u2026\u201d ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu bogaadiyey Guddoomiye ku-xigeenka Maamul-wanaagga \u201cGuddoomiyaha Maamul-wanaaggu isagu meeshuu ka tirsan yahay, waa dhallinyarada firfircoon ee aadka noola dedaasha. Bani-aadamka Ilaahay Qof\u00a0 kastaaba wuxuu qabtay ayuun buu leeyahay, waxaanu ilaahay ka baryaynaa Qof kasta oo halkan hawl ka geysta in Miisaanka Xasanaadka Ilaahay ugu daro..\u201d ayuu yidhi.<\/p>\n<p>Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi \u201cAdeegga aad qabanaysaan ee aanu Midho-dhalkiisa arkayna waa mid muhiim ah, Dawladduna inay gacan siisaa waa muhiim, annaguna karaankayaga diyaar baanu idiin nahay..\u201d<\/p>\n<p>Agaasimaha Wasaaradda Ciyaaraha oo isaguna Munaasibadda halkaa ka hadlay ayaa Guddoomiyaha SAHAN iyo Hawl-wadeennada kale ee Xaruntaasi ku amaanay dedaalka ay galiyeen Xaruntaasi, taasi oo aan Caafimaadka dhimirka oo keliya lagaga Daweyn Dadka, balse lagu dhiso Mustaqbalkooda nololeedna.<\/p>\n<p>Waxa isaguna halkaasi ka hadlay Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sheekh Aadan-Siiro) oo ka qayb-qaata hawlaha Samo-falka \u201cAad iyo aad baanu ugu Mahad-naqaynaa Guddoomiye Bashiir iyo Hawl-wadeennadiisa. Waxaanu ka soo horjeednaa in Qof Carruurteena ka mid ah (oo Xanuunsaday) oo markiiba Silsilad lagu xidhay, isagoo u baahnaa in dib u dejin lagu sameeyo, Maskaxdiisa la daweeyo, taasina waxay ka mid tahay waxyaabaha aanu Sahan ku taageersanahay..\u201d<\/p>\n<p>Munaasibaddan oo uu sidoo kale ka hadlay Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaannaadka Qaranka Somaliland Daa\u2019uud Axmed Faarax, ayaa waxa Gebogabadii ka hadlay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Mahdi Cismaan Buuri, waxaanu yidhi \u201cIsmaan odhan Meel caynkan ah ayaa Hargeysa ka furan, Huteelladeena waaweyn ayaan caynkan oo kale ahayn..\u201d<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Hargaysa Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (AN) \u2013 Xaflad loo qabtay Dufcaddii 11-aad ee ka qalin-jebisa Cisbitaalka SAHAN ee Magaalada Hargeysa ayaa lagu qabtay isla Xaruntaasi. Xarunta SAHAN ayaa waxay fidisaa adeegyo Bulsho oo kala duwan, sida Daaweynta Xanuunnada dhimirka, waxbarashada aasaasiga ah iyo Culuumta Diiniga ah, Xirfadaha Dawaarka iyo Korontada. Dufcadda 11-aad ee Xafladda loo sameeyay ayaa waxay barteen [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":58478,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"video","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,7,2],"tags":[],"class_list":["post-58476","post","type-post","status-publish","format-video","has-post-thumbnail","category-featured","category-videos","category-wararka","post_format-post-format-video"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2020\/07\/maxresdefault-44.jpg?fit=1280%2C720&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-fda","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/58476","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=58476"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/58476\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":58480,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/58476\/revisions\/58480"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/58478"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=58476"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=58476"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=58476"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}