{"id":58395,"date":"2020-07-20T18:28:10","date_gmt":"2020-07-20T18:28:10","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=58395"},"modified":"2020-07-20T18:28:10","modified_gmt":"2020-07-20T18:28:10","slug":"dawladda-ethiopia-oo-xafiiskeeda-hargeysa-gaadhsiinaysa-heer-safaaradeed","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2020\/07\/20\/dawladda-ethiopia-oo-xafiiskeeda-hargeysa-gaadhsiinaysa-heer-safaaradeed\/","title":{"rendered":"Dawladda Ethiopia oo Xafiiskeeda Hargeysa gaadhsiinaysa Heer Safaaradeed"},"content":{"rendered":"<p>Addis Ababa(AN):- Dawladda dalka Ethiopia ayaa xafiiska Arrima Ilaaliyaha\u00a0 (Mission) ee ay ku leedahay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa gaadhsiinaysa heer Safaaradeed (Embassy), Sidaana Waxa <strong>Arabsiyo News<\/strong> u sheegay Saraakiil sarsare oo ka tirsan Wasaaradaha Arrimaha Debadda ee Ethiopia iyo Somaliland, kuwaasi oo codsaday in aan la magacaabin.<\/p>\n<p>Sida ay Saraakiishani sheegeen, talaabadani ay dawladda Ethiopia qaadayso, waxay ka dambaysay ka dib markii ay todobaadkani dhexdiisa wada hadalo dhinaca Telefoonka ahi dhexmareen masuuliyiinta Somaliland iyo kuwa Ethiopia.<\/p>\n<p>Wada hadaladani ayaa la sheegay inay salka ku hayeen, ka dib markii ay dawladda Ethiopia ka shakiday ujeedada Wefti\u00a0 heer sare ah oo booqasho dhawr maalmood qaadatay ku yimid Somaliland.<\/p>\n<p>Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Debada ee Jamhuuriyadda Somaliland\u00a0 Liibaan Yuusuf Cismaan oo waraysi arrintani la xidhiidha siiyay Wargeyska Daily\u00a0 News Egypt oo ah maalinle madax banaan oo ka soo baxa dalka Masar, waxa uu sheegay inay Somaliland \u00a0iyo Masar\u00a0 isla soo qaadeen sidii ay iskaga kaashan lahaayeen is-dhexgalka\u00a0 dhinaca ganacsiga, gaar ahaana xoolaha iyo\u00a0 Beeraaha.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/dailynewsegypt.com\/2020\/07\/18\/somaliland-says-keen-on-stronger-ties-with-egypt\/\">https:\/\/dailynewsegypt.com\/2020\/07\/18\/somaliland-says-keen-on-stronger-ties-with-egypt\/<\/a><\/p>\n<p>Hase yeeshee, Mr. Liibaan Yuusuf Cismaan, Wasiir KU xigeenka Arrimaha Debada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Wasaaradda Arrimaha D ebada ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxa kale oo uu ka jawaabaay su\u2019aalo la\u00a0 xidhiidha in imaatinka\u00a0 weftiga Masar ee Hargeysa\u00a0 ay cabasho ka muujisay dawladda Ethiopia, waxaanu isaga oo arrintaasi ka hadlaya yidhi. \u201cwaxaanu wada xaajood la geli\u00a0 karnaa dal kasta oo aanu danahayaga kala hadli karnaa, taasi waa shaqadayada\u2019\u201d ayuu y idhi, Wasiir ku x ixgeenku. Waxaanu intaasi ku daray oo uu yidhi. \u201cXidhiidhkayaga Masar wax dhaawac ah u geysn maayo, xidhiidhka aanu la leenahay Ethiopia, waxaananu ugu baaqaynaa labada dhinac ee Ethiopia iyo Masar in\u00a0 khilaafkooda dhinaca Biyo\u00a0 XIdheenka Ethiopia inay wada hadal ku dhamaystaan, haddii loo baahdana annaga laf ahaantayadu\u00a0 waanu dhex-dhexaadin karnaa, maadaama oo aanu khibrad u leenahay xalinta khilaafaadka\u201d .<\/p>\n<p>Hase yeeshee, dawladda Ethiopia\u00a0 ayaa sida ay wararku sheegeen waxa\u00a0 ay bilawday sidii ay kor ugu qaadi lahayd xidhiidhka saaxiibtinimo\u00a0 ee ay la l eedahay Somaliland, tan\u00a0 iyo markii ay\u00a0 Jamhuuriyadda\u00a0 SOmalilanad\u00a0 Madax Banaanideeda kala soo noqotay dalka sannadkii 1991-kii oo\u00a0 ay ahayd d awladda\u00a0 keli ah ee iyadu goob joogga ka ahayd goobtii lagaga dhawaaqay madax\u00a0 banaanida Somaliland ee magaalada\u00a0 Burco, halka ay\u00a0 dawladda Masar oo waqtigaasi doonaysay inay\u00a0 wefti u soo d irtana\u00a0 la sheegayy in loo diidday\u00a0 saababo la xidhiidha taageero military oo ay siin\u00a0 jireen d awladdii hore ee Maxamed SIyaad Barre oo xasuuq\u00a0 baahsan ku\u00a0 haysay dadweynaha Somaliland sannadihii\u00a0 sideetamadii..<\/p>\n<p>Maamulkii\u00a0 xilligaasi ee dalka Massar waxa uu talaabadaasi kaga jawaabay inuu u ololeeyo go\u2019aamo go\u2019doomin ah\u00a0 oo ka dhan ah madax banaanida Somaliland oo\u00a0 uu ka ansixiyay ururkii midnimada\u00a0 Afrika iyo Jaamacadda Carabtaba, aakhirkiina Qaramada Midoobay.<\/p>\n<p>Isku soo duuboo, khubarada caalamiga ah ee ka faaloodda arrimaha GObolku waxa ay ku sheegeen xidhiiddhka Cusub ee SOSmalilanad diyo Masar, mid ay ku doonayso inay noqoto dal samaysanaya saaxiibo cusub, isla markaana aan luminaayn saaxiibadiisii\u00a0 hore.<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><strong>\u00a0<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Addis Ababa(AN):- Dawladda dalka Ethiopia ayaa xafiiska Arrima Ilaaliyaha\u00a0 (Mission) ee ay ku leedahay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa gaadhsiinaysa heer Safaaradeed (Embassy), Sidaana Waxa Arabsiyo News u sheegay Saraakiil sarsare oo ka tirsan Wasaaradaha Arrimaha Debadda ee Ethiopia iyo Somaliland, kuwaasi oo codsaday in aan la magacaabin. Sida ay Saraakiishani sheegeen, talaabadani ay dawladda Ethiopia [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":58396,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"video","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,7,2],"tags":[],"class_list":["post-58395","post","type-post","status-publish","format-video","has-post-thumbnail","category-featured","category-videos","category-wararka","post_format-post-format-video"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2020\/07\/Snapshot_1885.png?fit=640%2C360&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-fbR","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/58395","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=58395"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/58395\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":58397,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/58395\/revisions\/58397"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/58396"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=58395"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=58395"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=58395"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}