{"id":58344,"date":"2020-07-19T17:44:46","date_gmt":"2020-07-19T17:44:46","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=58344"},"modified":"2020-07-19T19:35:42","modified_gmt":"2020-07-19T19:35:42","slug":"madaxweyne-ku-xigeenka-oo-daah-furay-manhajka-maddarasadaha-quraanka-oo-ay-hema-books-soo-daabacday","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2020\/07\/19\/madaxweyne-ku-xigeenka-oo-daah-furay-manhajka-maddarasadaha-quraanka-oo-ay-hema-books-soo-daabacday\/","title":{"rendered":"Madaxweyne Ku-xigeenka oo Daah-furay Manhajka Maddarasadaha Qur\u2019aanka oo ay HEMA BOOKS Soo Daabacday"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa(AN):-Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa Axadda Maanta si rasmi ah u Daah-furay Manhajka Malcaamadaha Qur\u2019aanka oo ay hirgelisay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, isla markaana ay soo daabacday Shirkadda Buugaagta ee HEMA Books, waxaanu sidoo kale furay Machadka Tabobbarka Macallimiinta Maddarasadaha iyo Imaamyada Masaajiddada.<\/p>\n<div id=\"gallery-1\" class=\"gallery galleryid-105810 gallery-columns-4 gallery-size-thumbnail\"><\/div>\n<p>Daah-furka ka dib, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdalla, ayaa ka warbixiyey sida ay Wasaaraddu ugu guulaysatay samaynta Manhajka iyo hirgelinta Machadka Tabobbarka Macallimiinta Maddarasadaha iyo Imaamyada Masaajiddada oo uu sheegay in isla toddobaadkan si rasmi ah Machadka uga bilaabmi doonaan Tabobbarradu. Waxaanu u mahad-naqay Wasiirka Maaliyadda iyo Shirkadda HEMA BOOKS.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><\/div>\n<p>Agaasimaha Waaxda Maddaarasadaha iyo Masaajiddada ee Wasaaradda Diinta Sheekh Maxamed Macallin Aadan, Sheekh Axmed Macallin Ibraahim oo ku hadlayey Afka Guddiga Manhajka samaysay, Sheekh Maxamed Yuusuf oo ku hadlayey Afka Jimciyadaha Maddarasadaha Qur\u2019aanka iyo Sheekh Maxamed Aadan, ayaa iyaguna halkaas ka hadlay, isla markaana soo dhaweeyeey samaynta Manhajka iyo Machadka Tabobbarka oo ay sheegeen in baahi badan loo qabay, isla markaana wasaaradda ku bogaadiyey hirgelintooda.<\/p>\n<p>Agaasimaha Shirkadda HEHMA BOOKS Xasan Cali, ayaa ka warramay dedaalka ay u galeen wanaajinta Manhajkan oo markii ay Qandaraaskiisa ku guulaysteen shirkad ahaan 2019-kii ka dib, isla markaana ay farsamo ahaan waafajiyeen nidaamka Manaahijta loo daabaco, iyaga oo ka duulaya fahamka Bulshada iyo habka ay u doonaysay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland.<\/p>\n<p>Wasiirrada Wasaaradaha Horumarinta Maaliyadda Sacad Cali Shire, Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi Suufi, Maalgashiga Maxamed Axmed Cawad, ayaa iyaguna halkaas ka hadlay. Waxaanay sheegeen inay tahay guul Qaranka u soo korodhay, maaddaama oo uu Qur\u2019aanku yahay Tiir-dhexaadka nolosha Muslimiinta, isla markaana ay waajibna tahay in la weyneeyo Qawlka Eebbe.<\/p>\n<p>Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa gebogabadii Munaasibaddaas ka jeediyey Khudbad uu kaga warramay marxaladaha ay Wasaaraddu soo martay, qodobbada ugu waawayn waxyaabaha u qabsoomay tobankii sano ee uu Wasiirka ka ahaa, isagoo xusay inay qoddobadaas ka mid yihiin hirgelinta Idaacadaha Qur\u2019aanka ah ee Radio Hargeysa, helista Dhisme ku habboon shaqada Wasaaradda, samaynta Diiwaangelinta Maddarasadaha Qur\u2019aanka iyo Macallimiintooda, Tabobbarista iyo taakulaynta Macallimiinta, Mu\u2019addimiinta Masaajidda iyo Iimaamyada oo aqoontooda la kaabay, furista Machadka, Samaynta Manhajka Maddaarista iyo qodobbo kale. Waxaanu Maamulka iyo Macallimiinta Maddarasadaha u soo jeediyey inay dhaqangeliyaan Manhajka ay Wasaaraddu u diyaarisay oo aanay jirin cid dhaqaale ahaan Somaliland ka caawisay.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><\/div>\n<p>Ugu Dambayn Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu waxa uu Shahaado-sharaf iyo Abaal-marin ay Masuuliyiinta Wasaaraddu ku maamuuseen guddoonsiiyey Wasiirka Horumarinta Maaliyadda iyo Shirkadda Manhajka soo daabacday ee Hemo Books oo si hagar la\u2019aan ah ula shaqeeyey Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, waxaana Munaasibaddaa lagu qaybiyey Buugaagta Manhajka.<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Hargaysa Office<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa(AN):-Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa Axadda Maanta si rasmi ah u Daah-furay Manhajka Malcaamadaha Qur\u2019aanka oo ay hirgelisay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, isla markaana ay soo daabacday Shirkadda Buugaagta ee HEMA Books, waxaanu sidoo kale furay Machadka Tabobbarka Macallimiinta Maddarasadaha iyo Imaamyada Masaajiddada. Daah-furka ka dib, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":58359,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"video","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,7,2],"tags":[],"class_list":["post-58344","post","type-post","status-publish","format-video","has-post-thumbnail","category-featured","category-videos","category-wararka","post_format-post-format-video"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2020\/07\/madaxweyne-ku-xigeenka-oo-daah-f-768x432-1.jpg?fit=768%2C432&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-fb2","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/58344","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=58344"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/58344\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":58360,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/58344\/revisions\/58360"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/58359"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=58344"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=58344"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=58344"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}