{"id":58188,"date":"2020-07-09T11:38:24","date_gmt":"2020-07-09T11:38:24","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=58188"},"modified":"2020-07-09T11:38:24","modified_gmt":"2020-07-09T11:38:24","slug":"shan-arrimood-oo-naxdin-leh-oo-ku-jira-buugga-lagu-kashifayo-donald-trump","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2020\/07\/09\/shan-arrimood-oo-naxdin-leh-oo-ku-jira-buugga-lagu-kashifayo-donald-trump\/","title":{"rendered":"Shan arrimood oo naxdin leh oo ku jira buugga lagu kashifayo Donald Trump"},"content":{"rendered":"<div class=\"GridItemConstrainedMedium-sc-12lwanc-2 fVauYi\">\n<p class=\"Paragraph-k859h4-0 hymSIv\"><b>Buug waxyaabo badan lagu kashifayo, oo ay qortay haweeney uu adeer u yahay Madaxweyne Donald Trump ayaa lagu sheegay in uu yahay &#8220;qof naftiisa kaliya ka fakara&#8221; oo khatar weyn galinaya dhammaan dadka Mareykanka ah.<\/b><\/p>\n<\/div>\n<div class=\"GridItemConstrainedMedium-sc-12lwanc-2 fVauYi\">\n<p class=\"Paragraph-k859h4-0 hymSIv\">Mary Trump waxay buugga ay qortay oo lagu magacaabo &#8220;Sida uu qoyskeyga uga dhashay ninka ugu halista badan adduunka&#8221; ku sheegtay in adeerkeed uu yahay qof ay noloshiisu ku dhisan tahay musuqmaasuq, dadkana dhibaateeya.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"GridItemConstrainedMedium-sc-12lwanc-2 fVauYi\">\n<p class=\"Paragraph-k859h4-0 hymSIv\">Aqalka Cad ayaa gaashaanka u daruuray dhammaan eedeymaha ku jira buuggan, oo loo dusiyay warbaahinta Mareykanka.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"GridItemConstrainedMedium-sc-12lwanc-2 fVauYi\">\n<p class=\"Paragraph-k859h4-0 hymSIv\">Qoyska Trump waxay gudbiyeen dacwad maxkamadeed oo ay ku doonayaan in lagu hor istaago daabicita buuggan oo lagu wado inuu soo baxo 14-ka bishan July.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"GridItemConstrainedMedium-sc-12lwanc-2 fVauYi\">\n<h2 id=\"Qof-nolosha-kaligiis-isla-raba\" class=\"SubHeading-sc-1kh1qhu-1 jHLqCp\" tabindex=\"-1\">&#8216;Qof nolosha kaligiis isla raba&#8217;<\/h2>\n<\/div>\n<div class=\"GridItemConstrainedMedium-sc-12lwanc-2 fVauYi\">\n<p class=\"Paragraph-k859h4-0 hymSIv\">Ms Trump, oo 55, waxay buuggeeda ku qortay in adeerkeed uu yahay qof &#8220;waligiis aysan waxba ku filnaanin&#8221; iyo in madaxweynaha Mareykanka uu leeyahay dhammaan dabeecadaha dadka calooshood u shaqeystayaasha ah.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"GridItemConstrainedMedium-sc-12lwanc-2 fVauYi\">\n<p class=\"Paragraph-k859h4-0 hymSIv\">Waxay sheegtay in madaxweynaha uu gacan ka geystay xadgudubyo uu aabihiis Fred Trump Sr u geystay iyada aabaheed Fred Trump Jr &#8211; oo dhibaatooyin kasoo gaaray isticmaalka daroogada u geeriyooday xilligii ay 16 ahayd.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"GridItemConstrainedLargeNoMargin-sc-12lwanc-5 tOkbK\">\n<figure class=\"Figure-sc-6a3dhy-0 gJUCFc\">\n<div class=\"NestedGridParentLarge-sc-12lwanc-10 hfLVVX\">\n<div class=\"NestedGridParentLarge-sc-12lwanc-10 hfLVVX\">\n<div class=\"NestedGridItemChildLarge-sc-12lwanc-9 fkKpIa\">\n<div class=\"ImagePlaceholder-sc-11u25v2-0 _StyledImagePlaceholder-gu1fm2-0 dWHIXb\"><img data-recalc-dims=\"1\" decoding=\"async\" class=\"StyledImg-sc-7vx2mr-0 dQLeqZ\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/ichef.bbci.co.uk\/news\/640\/cpsprodpb\/3D2D\/production\/_112916651_trumpfamily_trumpcampaign.jpg?w=696&#038;ssl=1\" srcset=\"https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/240\/cpsprodpb\/3D2D\/production\/_112916651_trumpfamily_trumpcampaign.jpg 240w, https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/320\/cpsprodpb\/3D2D\/production\/_112916651_trumpfamily_trumpcampaign.jpg 320w, https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/480\/cpsprodpb\/3D2D\/production\/_112916651_trumpfamily_trumpcampaign.jpg 480w, https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/624\/cpsprodpb\/3D2D\/production\/_112916651_trumpfamily_trumpcampaign.jpg 624w, https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/800\/cpsprodpb\/3D2D\/production\/_112916651_trumpfamily_trumpcampaign.jpg 800w\" alt=\"Sawir aan la ogeyn xilliga la qaaday oo ay ka muuqdaan Trump iyo walaalihiis\"  \/><\/p>\n<p class=\"Copyright-sc-11lgtw-0 hDvIfz\" role=\"text\"><span class=\"VisuallyHiddenText-sc-1yjwwa5-0 ldFJPH\">XIGASHADA SAWIRKA,<\/span><span lang=\"en-GB\">TRUMP CAMPAIG<\/span><\/p>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"NestedGridParentLarge-sc-12lwanc-10 hfLVVX\">\n<div class=\"NestedGridItemChildLarge-sc-12lwanc-9 ichKJL\"><\/div>\n<\/div>\n<\/figure>\n<\/div>\n<div class=\"GridItemConstrainedMedium-sc-12lwanc-2 fVauYi\">\n<p class=\"Paragraph-k859h4-0 hymSIv\">Ms Trump waxay qoraalkeeda ku sheegtay in awowgeed Trump Sr uu si qallafsan ula dhaqmi jiray wiilkiisa weyn, oo iyada aabaheed ah, kaasoo uu doonayay inuu kala wareego ganacsiga iibinta guryaha.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"GridItemConstrainedMedium-sc-12lwanc-2 fVauYi\">\n<p class=\"Paragraph-k859h4-0 hymSIv\">Laakiin maadaama uu Mary aabaheed dhibaato kala kulmay maandooriyaha, Trump Sr wuxuu ku khasbanaaday inuu usoo jeesto dhinaca wiilkiisa labaad, oo ah Donald.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"GridItemConstrainedMedium-sc-12lwanc-2 fVauYi\">\n<p class=\"Paragraph-k859h4-0 hymSIv\">&#8220;Waxaa qoyska lagu fasaxay nin bahal ah oo aan waxba ka nixin,&#8221; ayey tiri.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"GridItemConstrainedMedium-sc-12lwanc-2 fVauYi\">\n<p class=\"Paragraph-k859h4-0 hymSIv\">Madaxweyne ayaa beeniyay sheegashadaas.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"GridItemConstrainedMedium-sc-12lwanc-2 fVauYi\">\n<p class=\"Paragraph-k859h4-0 hymSIv\">Buuggan waxay Ms Trump ku sharraxday sida ay warqabo dhinaca canshuur bixinta shirkadda Trump ah si qarsoodi ah ugu gudbisay wargeyska New York Times, iyadoo markaas dooneysay inay fashiliso adeerkeed, ceebna usoo jiiddo si uu ganacsigiisa oo dhan u burburo.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"GridItemConstrainedMedium-sc-12lwanc-2 fVauYi\">\n<p class=\"Paragraph-k859h4-0 hymSIv\">New York Times ayaa xilligaas waxa uu warqadahaas u adeegsaday maqaal 14,000 oo eray ka kooban oo la daabacay 1990-meeyadii.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"GridItemConstrainedMedium-sc-12lwanc-2 fVauYi\">\n<p class=\"Paragraph-k859h4-0 hymSIv\">Warbixinnada waxaa ka mid ahaa arrimo musuqmaasuq ah oo ay shirkadda Trump ku kacday.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"GridItemConstrainedLargeNoMargin-sc-12lwanc-5 tOkbK\">\n<figure class=\"Figure-sc-6a3dhy-0 gJUCFc\">\n<div class=\"NestedGridParentLarge-sc-12lwanc-10 hfLVVX\">\n<div class=\"NestedGridParentLarge-sc-12lwanc-10 hfLVVX\">\n<div class=\"NestedGridItemChildLarge-sc-12lwanc-9 fkKpIa\">\n<div class=\"ImagePlaceholder-sc-11u25v2-0 _StyledImagePlaceholder-gu1fm2-0 dWHIXb\"><img data-recalc-dims=\"1\" decoding=\"async\" class=\"StyledImg-sc-7vx2mr-0 dQLeqZ\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/ichef.bbci.co.uk\/news\/640\/cpsprodpb\/18165\/production\/_112916689_a604c900-4f8b-4ec9-9546-c21461736770.jpg?w=696&#038;ssl=1\" srcset=\"https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/240\/cpsprodpb\/18165\/production\/_112916689_a604c900-4f8b-4ec9-9546-c21461736770.jpg 240w, https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/320\/cpsprodpb\/18165\/production\/_112916689_a604c900-4f8b-4ec9-9546-c21461736770.jpg 320w, https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/480\/cpsprodpb\/18165\/production\/_112916689_a604c900-4f8b-4ec9-9546-c21461736770.jpg 480w, https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/624\/cpsprodpb\/18165\/production\/_112916689_a604c900-4f8b-4ec9-9546-c21461736770.jpg 624w, https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/800\/cpsprodpb\/18165\/production\/_112916689_a604c900-4f8b-4ec9-9546-c21461736770.jpg 800w\" alt=\"Donald and Fred Trump in 1988 at The Plaza Hotel in New York City\"  \/><\/p>\n<p class=\"Copyright-sc-11lgtw-0 hDvIfz\" role=\"text\">\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"NestedGridParentLarge-sc-12lwanc-10 hfLVVX\">\n<div class=\"NestedGridItemChildLarge-sc-12lwanc-9 ichKJL\"><\/div>\n<\/div>\n<\/figure>\n<\/div>\n<div class=\"GridItemConstrainedMedium-sc-12lwanc-2 fVauYi\">\n<p class=\"Paragraph-k859h4-0 hymSIv\">Waxay sheegtay in sanadkii 2017-kii ay koox wariyeyaal ah ku wareejisay warqado sharci ah oo ay kasoo qaadday meel iyada iyo qoyskeeda lagu hayay.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"GridItemConstrainedMedium-sc-12lwanc-2 fVauYi\">\n<p class=\"Paragraph-k859h4-0 hymSIv\">19 kartood oo waqadahaas ay ku jiraan ayey ku wareejiyay saxafiyiinta, iyadoo qoraalkeeda ku sheegtay in waqtigaas &#8220;ay farxad weyn dareentay&#8221;.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"GridItemConstrainedMedium-sc-12lwanc-2 fVauYi\">\n<p class=\"Paragraph-k859h4-0 hymSIv\">&#8220;Intaas iguma filneyn inaan ku caawiyo urur wax u qabanaya qaxootiga Suuriya,&#8221; ayey ku tiri qoraalkeeda. &#8220;Waxaan ku khasbanaa inaan Donald Trump meesha ka saaro.&#8221;<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"GridItemConstrainedMedium-sc-12lwanc-2 fVauYi\">\n<h2 id=\"Jaamacadda-wuxuu-uga-soo-gudbay-si-khiyaano-ah\" class=\"SubHeading-sc-1kh1qhu-1 jHLqCp\" tabindex=\"-1\">Jaamacadda wuxuu uga soo gudbay &#8220;si khiyaano ah&#8221;<\/h2>\n<\/div>\n<div class=\"GridItemConstrainedMedium-sc-12lwanc-2 fVauYi\">\n<p class=\"Paragraph-k859h4-0 hymSIv\">Ms Trump waxay sheegtay in adeerkeed uu nin saaxiibkiis ah lacag ku siiyay si uu ugu sameeyo imtixaanka SAT &#8211; oo ah tijaabo la maro marka loo gudbayo jaamacadda &#8211; sababtoo ah wuxuu ka walwalsanaa in natiijada celceliska ah ee uu keenay ay u suurtagalin weyso in laga aqbalo jaamacadda.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"GridItemConstrainedMedium-sc-12lwanc-2 fVauYi\">\n<p class=\"Paragraph-k859h4-0 hymSIv\">&#8220;Wuxuu lacag siiyay wiil fahmad badnaa oo lagu yaqaannay inuu imtixaannada ku baasom&#8221; ayey tiri, iyadoo intaasna ku dartay: &#8220;Donald oo waligiis aysan lacag la&#8217;aan ku dhicin wuxuu kharash badan siiyay saaxiibkiis.&#8221;<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"GridItemConstrainedMedium-sc-12lwanc-2 fVauYi\">\n<p class=\"Paragraph-k859h4-0 hymSIv\">Mr Trump wuxuu dhigtay jaamacadda Fordham ee ku taalla magaalada New York, basle markii dambe waxaa loo sii gudbiyay kulliyadda ganacsiga ee jaamacadda Pennsylvania.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"GridItemConstrainedMedium-sc-12lwanc-2 fVauYi\">\n<p class=\"Paragraph-k859h4-0 hymSIv\">Aqalka Cad wuxuu beeniyay in madaxweynaha inuu si khiyaano ah uga gudbay imtixaankii uu Jaamacadda ku aaday.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"GridItemConstrainedMedium-sc-12lwanc-2 fVauYi\">\n<h2 id=\"Donald-wuxuuburburiyay-noloshii-aabbeheed\" class=\"SubHeading-sc-1kh1qhu-1 jHLqCp\" tabindex=\"-1\">Donald &#8216;wuxuuburburiyay&#8217; noloshii aabbeheed<\/h2>\n<\/div>\n<div class=\"GridItemConstrainedMedium-sc-12lwanc-2 fVauYi\">\n<p class=\"Paragraph-k859h4-0 hymSIv\">Ms Trump waxay ku eedeymay qoyska Trump, oo uu ugu horreeyo Fred Trump Sr, inay sabab u ahaayeen burbur badan oo qoyska ku yimid.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"GridItemConstrainedMedium-sc-12lwanc-2 fVauYi\">\n<p class=\"Paragraph-k859h4-0 hymSIv\">Waxay sheegtay in Trump Sr, oo ahaa maalqabeen guryaha ku iibiya New York, &#8220;uu Donald Trump ka tirtiray naxariista bani&#8217;aadannimada&#8221;.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"GridItemConstrainedMedium-sc-12lwanc-2 fVauYi\">\n<p class=\"Paragraph-k859h4-0 hymSIv\">Odayga ayey ku eedeysay inuu si xun ula dhaqmi jiray wiilkiisa weyn, uuna doonayay inuu noqdo &#8220;dilaa&#8221;.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"GridItemConstrainedMedium-sc-12lwanc-2 fVauYi\">\n<p class=\"Paragraph-k859h4-0 hymSIv\">Sidoo kale Donald Trump oo daawan jiray markii uu aabihiis sidaas ugu xadgudbayay walaalkiis ayey sheegtay inuu raadkii raacay, oo isaguna uu waxyeellada Fred Jr halkaas kasii waday.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"GridItemConstrainedMedium-sc-12lwanc-2 fVauYi\">\n<p class=\"Paragraph-k859h4-0 hymSIv\">Donald ayaa 7 sano ka yaraa walaalkiisii geeriyooday.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"GridItemConstrainedMedium-sc-12lwanc-2 fVauYi\">\n<h2 id=\"Wuxuu-dhibaato-ku-qabaa-dumarka\" class=\"SubHeading-sc-1kh1qhu-1 jHLqCp\" tabindex=\"-1\">Wuxuu dhibaato ku qabaa dumarka<\/h2>\n<\/div>\n<div class=\"GridItemConstrainedMedium-sc-12lwanc-2 fVauYi\">\n<p class=\"Paragraph-k859h4-0 hymSIv\">Ms Trump waxay buuggeeda ku qortay in adeerkeed uu hadda ka hor ka dalbaday inay ka qorto buug ku saabsan isaga, oo looga sheekeynayo &#8220;horumarkiisii iyo sheekooyin ku saabsan haween ka diiday inay xiriir la sameeyaan, kuwaasoo uu sheegay inay foolxumaayeen aadna u liiteen&#8221;.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"GridItemConstrainedMedium-sc-12lwanc-2 fVauYi\">\n<p class=\"Paragraph-k859h4-0 hymSIv\">Markii dambena wuxuu ka eryaya shaqadii qoritaanka buugga, wax lacag ahna kuma uusan siinin, sida ay sheegatay.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"GridItemConstrainedMedium-sc-12lwanc-2 fVauYi\">\n<p class=\"Paragraph-k859h4-0 hymSIv\">Waxay intaas ku dartay in markii ay 29 jir ahayd uu Trump jirkeeda wax ka sheegay, inkastoo ay tahay gabar uu adeer u yahay, isagana uu lahaa xaaskiisa labadaad ee lagu magacaabo Marla Maples.<\/p>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Buug waxyaabo badan lagu kashifayo, oo ay qortay haweeney uu adeer u yahay Madaxweyne Donald Trump ayaa lagu sheegay in uu yahay &#8220;qof naftiisa kaliya ka fakara&#8221; oo khatar weyn galinaya dhammaan dadka Mareykanka ah. Mary Trump waxay buugga ay qortay oo lagu magacaabo &#8220;Sida uu qoyskeyga uga dhashay ninka ugu halista badan adduunka&#8221; ku [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":42251,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-58188","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2018\/03\/trump.jpg?fit=660%2C371&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-f8w","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/58188","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=58188"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/58188\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":58190,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/58188\/revisions\/58190"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/42251"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=58188"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=58188"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=58188"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}