{"id":58140,"date":"2020-07-07T11:37:01","date_gmt":"2020-07-07T11:37:01","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=58140"},"modified":"2020-07-07T11:37:01","modified_gmt":"2020-07-07T11:37:01","slug":"ganacsatada-jaadka-kenya-oo-war-kasoo-saaray-diyaarad-laga-celiyey-hawda-somaliland","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2020\/07\/07\/ganacsatada-jaadka-kenya-oo-war-kasoo-saaray-diyaarad-laga-celiyey-hawda-somaliland\/","title":{"rendered":"Ganacsatada Jaadka Kenya Oo War Kasoo Saaray Diyaarad Laga Celiyey Hawda Somaliland"},"content":{"rendered":"<div class=\"GridItemConstrainedMedium-sc-12lwanc-2 fVauYi\">\n<p class=\"Paragraph-k859h4-0 hymSIv\"><b>Ganacsatada khaadka ama jaadka ee dalka kenya ayaa sheegay inay khasaareen kumanaan doollar kadib markii sida ay sheegeen diyaarad siday khaad dhan 13.6 tan oo u socotay magaalada Hargeysa ee Somaliland hawada laga soo celiyay.<\/b><\/p>\n<\/div>\n<div class=\"GridItemConstrainedMedium-sc-12lwanc-2 fVauYi\">\n<p class=\"Paragraph-k859h4-0 hymSIv\">Nyambene oo ah guddoomiyaha urur ay ku mideysan yihiin ganacsatada jaadka ee Kenya oo la hadlayay warbaahinta maxalliga ee Kenya ayaa sheegay in diyaaradaas siday jaadka hawada laga soo celiyay maalintii sabtida, inkastoo oo uu sheegay in markii hore loo oggolaaday in ay jaad halkaas geyso.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"GridItemConstrainedMedium-sc-12lwanc-2 fVauYi\">\n<p class=\"Paragraph-k859h4-0 hymSIv\">Falkan ayay ganacsatada sheegeen in ay ka caroodeen, wuxuuna intaa raaciyay in lacag dhan 80 kun oo doollar ay khasaarayan haddii aanan jaadka lagu geynin xilliga loogu tala-galay.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"GridItemConstrainedMedium-sc-12lwanc-2 fVauYi\">\n<p class=\"Paragraph-k859h4-0 hymSIv\">&#8220;Jaadkaas qiimihiisu wuxuu ahaa 30 kun oo doollar, 25 kun oo doollar waxay noqoneysaa gaadiidka lagu qaadayo oo aan dib loo soo celin karin, waxaanu oggolaansho ka helnay hey&#8217;adda duulista rayidka ee Somaliland, waxwalbana sidii la rabay ayay ku socdeen ilaa markii dambe diyaaradda ay gashay hawada Soomaaliya, duuliyihii diyaaraddana lagu yiri waxaad siddaa shixnad sharci darro ah ee dib u laabo,&#8221;ayuu yiri Munjuri oo la hadlayay wargeydka Standard ee dalka Kenya.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"GridItemConstrainedMedium-sc-12lwanc-2 fVauYi\">\n<p class=\"Paragraph-k859h4-0 hymSIv\">Jaadkii saarnaa diyaaradda lasoo celiyay ayay sheegeen in haatan uu dhooban yahay garoonka diyaaradaha ee Jommo Kenyatta ee magaalada Nairobi, waxayna dalbadeen inay ogaadaan sababta loo soo celiyay diyaaradda.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"GridItemConstrainedMedium-sc-12lwanc-2 fVauYi\">\n<p class=\"Paragraph-k859h4-0 hymSIv\">Ganacsatada ayaa sidoo kale sheegay in helitaanka suuqa jaadka ee Somaliland ay ahayd arrin ay ku farxeen markii hore, culeys weynna ka qaaday, maadaama ay suuq la&#8217;aan ku dhacday jaadka tan iyo markii uu dunida ka dilaacay feyraska corona.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"GridItemConstrainedMedium-sc-12lwanc-2 fVauYi\">\n<p class=\"Paragraph-k859h4-0 hymSIv\">&#8220;Waxaan isku dayeynay in dib loo furo xadka aynu la wadaagno Soomaaliya, si loo fududeeyo ganacsiga, balse waxay u muuqataa in aysan waxba kala soconin&#8221;, ayuu sii raaciyay hadalkiisa.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"GridItemConstrainedMedium-sc-12lwanc-2 fVauYi\">\n<p class=\"Paragraph-k859h4-0 hymSIv\">Hargeysa oo inta badan jaadka uu uga iman jiray dalka Itoobiya ayaa lagu soo warramayaa in khaad la&#8217;aan ay ka jirto, kadib markii ay rabshado ka dhaceen deegaanka Oromada oo ah halka laga keeni jiray.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"GridItemConstrainedLargeNoMargin-sc-12lwanc-5 tOkbK\">\n<figure class=\"Figure-sc-6a3dhy-0 gJUCFc\">\n<div class=\"NestedGridParentLarge-sc-12lwanc-10 hfLVVX\">\n<div class=\"NestedGridParentLarge-sc-12lwanc-10 hfLVVX\">\n<div class=\"NestedGridItemChildLarge-sc-12lwanc-9 fkKpIa\">\n<div class=\"ImagePlaceholder-sc-11u25v2-0 _StyledImagePlaceholder-gu1fm2-0 dWHIXb\"><img data-recalc-dims=\"1\" decoding=\"async\" class=\"StyledImg-sc-7vx2mr-0 dQLeqZ\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/ichef.bbci.co.uk\/news\/640\/cpsprodpb\/26BB\/production\/_113251990_63ae415f-4d6d-4d23-8f7b-58a08e8279a3.jpg?w=696&#038;ssl=1\" srcset=\"https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/240\/cpsprodpb\/26BB\/production\/_113251990_63ae415f-4d6d-4d23-8f7b-58a08e8279a3.jpg 240w, https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/320\/cpsprodpb\/26BB\/production\/_113251990_63ae415f-4d6d-4d23-8f7b-58a08e8279a3.jpg 320w, https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/480\/cpsprodpb\/26BB\/production\/_113251990_63ae415f-4d6d-4d23-8f7b-58a08e8279a3.jpg 480w, https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/624\/cpsprodpb\/26BB\/production\/_113251990_63ae415f-4d6d-4d23-8f7b-58a08e8279a3.jpg 624w, https:\/\/ichef.bbci.co.uk\/news\/800\/cpsprodpb\/26BB\/production\/_113251990_63ae415f-4d6d-4d23-8f7b-58a08e8279a3.jpg 800w\" alt=\".\"  \/><\/p>\n<p class=\"Copyright-sc-11lgtw-0 hDvIfz\" role=\"text\"><span class=\"VisuallyHiddenText-sc-1yjwwa5-0 ldFJPH\">XIGASHADA SAWIRKA,<\/span><span lang=\"en-GB\">NATION<\/span><\/p>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/figure>\n<\/div>\n<div class=\"GridItemConstrainedMedium-sc-12lwanc-2 fVauYi\">\n<p class=\"Paragraph-k859h4-0 hymSIv\">Ganacsatada uu saameyay arrintan ayaa ah kuwa deegaanada Karama, Athiru, iyo Kanjoo ee dalka Kenya, kuwaas oo jaad tayadiisu sareyso u dhoofin jiray Soomaaliya.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"GridItemConstrainedMedium-sc-12lwanc-2 fVauYi\">\n<p class=\"Paragraph-k859h4-0 hymSIv\">&#8220;Kahor xanuunka corona, waxaan iibinta jaadka bil walba ka heli jiray soddon kun oo dollar, waxaana mushaar siin jiray shaqaale dhan 50 qof, balse qaar badan oo kamid hadda waa shaqo la&#8217;aan, kuwaas oo qaar kamid ah hadda ay anniga igu tiirsan yihiin, noolasha way nagu adag tahay hadda,&#8221;ayuu yiri Lichoro oo kamid ah ganacsatada khaadka oo la hadlayay wargeyska Nation.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"GridItemConstrainedMedium-sc-12lwanc-2 fVauYi\">\n<p class=\"Paragraph-k859h4-0 hymSIv\">Warbaahinta kenya ayaa kusoo warrantay in dowladda federaalka ee Soomaaliya ay hawada ka celisay diyaaradda siday khaadka, si loo yareeyo faafidda feyraska Corona, haseyeeshee BBC-da si madaxbanaan uma xaqiijin karto sax ahaanshaha warkaas.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"GridItemConstrainedMedium-sc-12lwanc-2 fVauYi\">\n<p class=\"Paragraph-k859h4-0 hymSIv\">Maamulka hawada ayaa kamid ahaa waxyaabihii dhawaan Jabuuti ay uga wada hadleen dowladda federaalka iyo Somaliland, inkastoo aanan la garaneynin waxyaabaha lagu heshiiyay.<\/p>\n<\/div>\n<div class=\"GridItemConstrainedMedium-sc-12lwanc-2 fVauYi\">\n<p class=\"Paragraph-k859h4-0 hymSIv\">Cabashada ganacsatada jaadka ee dalka Kenya ayaa kusoo aaday xilli dhawaan magaalaad Hargeysa ay tageen wafdi ka socday dowladda Kenya iyo ganacsato uu hogaaminayay xildhibaan Junet Maxamed.<\/p>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ganacsatada khaadka ama jaadka ee dalka kenya ayaa sheegay inay khasaareen kumanaan doollar kadib markii sida ay sheegeen diyaarad siday khaad dhan 13.6 tan oo u socotay magaalada Hargeysa ee Somaliland hawada laga soo celiyay. Nyambene oo ah guddoomiyaha urur ay ku mideysan yihiin ganacsatada jaadka ee Kenya oo la hadlayay warbaahinta maxalliga ee Kenya [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":58141,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-58140","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2020\/07\/113264550_03fbad32-29c0-4160-80f7-feea0d305649.jpg?fit=800%2C450&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-f7K","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/58140","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=58140"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/58140\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":58143,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/58140\/revisions\/58143"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/58141"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=58140"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=58140"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=58140"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}