{"id":58115,"date":"2020-07-06T14:44:30","date_gmt":"2020-07-06T14:44:30","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=58115"},"modified":"2020-07-06T14:50:38","modified_gmt":"2020-07-06T14:50:38","slug":"madaxweyne-ku-xigeenka-jsl-oo-xadhiga-ka-jaray-xarumaha-baadhitaanka-bad-qabka-gaadiidka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2020\/07\/06\/madaxweyne-ku-xigeenka-jsl-oo-xadhiga-ka-jaray-xarumaha-baadhitaanka-bad-qabka-gaadiidka\/","title":{"rendered":"Madaxweyne ku xigeenka JSL oo xadhiga ka jaray xarumaha baadhitaanka bad-qabka gaadiidka."},"content":{"rendered":"<p>Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somalland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa xadhiga ka jaray \u00a0\u00a0Xarumaha\u00a0Baadhitaanka Bad-qabka Gaadiidka ee dalka.<\/p>\n<p>Madaxwayne ku xigeenka ayaa xadhiga ka jaray laba \u00a0xarumood oo ay gacanta ku kala hayaan Shirkadaha Hass Petroleum iyo Al-sharaf \u00a0Vehicle Inspection oo ku kala \u00a0yaalla Bariga iyo Galbeedka\u00a0 Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.<\/p>\n<p>Guud ahaan Lixda Magaalo ee waa weyn ee dalka ayaa laga hirgeliyey\u00a0 Goobahan oo lagu baadhi doono Bad-qabka Gaadiid si loo badbaadiyo nafaha muwaadiniinta loogana hortago Shilalka Baabuurta ee sababa dhimashada, dhaawaca iyo burburka hantiyeed, waxaana\u00a0 xarumahaasi maal-gashaday dad muwaadiniinta ah.<\/p>\n<p>Wasaaradda Gaadiid iyo Horumarinta Jidadka ayaa hore guddida qandaraasyada qaranka ugu gudbisay qandaraaska qalabka lagu baadho bed-qabka gaadiidka, waxaana ku guulaystay Lix shirkadood kuwaasi ka tartamay Gobolada waa weyn ee Waddanka, xarumahan cusub ee uu maanta daahfuray Madaxweyne ku xigeenku ayaa noqon doona\u00a0 hadda laga bilaabo kuwo lagu\u00a0 hubiyo \u00a0\u00a0laguna baadho gaadiidka isagoo qalabkaasi sheegaya waxkasta oo ka xun gaadhigaasi.<\/p>\n<p>Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somalland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo gebagebadii xaflaasi \u00a0\u00a0ka hadlay ayaa si weyn u boggaadiyey Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka talaabada wanaagsan ee ay qaaday, waxaana uu dhankooda bogaadiyey Shirkada muwaadiniinta ah ee maalgashiga sameeyey, isagoo \u00a0Madaxweyne ku xigeenku\u00a0 fariin u diray Bulshada Somaliland oo uu kula dardaarmay inay hubiyaan bad-qabka gaadiidkooda si looga badbaado khasaaraha shilalka Gaadiidku ay geystaan.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somalland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa xadhiga ka jaray \u00a0\u00a0Xarumaha\u00a0Baadhitaanka Bad-qabka Gaadiidka ee dalka. Madaxwayne ku xigeenka ayaa xadhiga ka jaray laba \u00a0xarumood oo ay gacanta ku kala hayaan Shirkadaha Hass Petroleum iyo Al-sharaf \u00a0Vehicle Inspection oo ku kala \u00a0yaalla Bariga iyo Galbeedka\u00a0 Caasimadda Somaliland ee Hargeysa. Guud ahaan Lixda [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":58119,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"video","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,7,2],"tags":[],"class_list":["post-58115","post","type-post","status-publish","format-video","has-post-thumbnail","category-featured","category-videos","category-wararka","post_format-post-format-video"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2020\/07\/maxresdefault-10.jpg?fit=1280%2C720&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-f7l","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/58115","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=58115"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/58115\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":58118,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/58115\/revisions\/58118"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/58119"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=58115"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=58115"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=58115"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}