{"id":57400,"date":"2020-05-20T22:54:13","date_gmt":"2020-05-20T22:54:13","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=57400"},"modified":"2020-05-20T22:54:13","modified_gmt":"2020-05-20T22:54:13","slug":"xasan-guure-jaamac-aragti-iyo-mowqif-ba-nin-tiisa-suntaday-buu-ahaa-w-q-rashiid-sheekh-cabdillaahi","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2020\/05\/20\/xasan-guure-jaamac-aragti-iyo-mowqif-ba-nin-tiisa-suntaday-buu-ahaa-w-q-rashiid-sheekh-cabdillaahi\/","title":{"rendered":"Xasan Guure Jaamac: Aragti iyo Mowqif ba Nin tiisa Suntaday buu ahaa! W.Q. Rashiid Sheekh Cabdillaahi"},"content":{"rendered":"<p><strong>I<\/strong>braahim Xaaji Muuse Wacays oo ka mid ah saaxiibbada aanu isku jaal ku ahayn halgankii SNM iyo ka hor ba, ayaa,16kii Meey sannadkan 2020ka, goor habeennimo ah oo ay saacaddu ahayd labadii iyo toddoba iyo afartan daqiiqo, telefoonka i gu la soo hadlay. \u00a0Geeridii Xasan Guure Jaamac buu ii sheegay. Waxa uu yidhi gurigiisa ayaygeeridu ugu timid oo haddaaslaga soo hadlay.<\/p>\n<div id=\"attachment_104092\" class=\"wp-caption alignleft\"><\/div>\n<p>Waxa uu ku daray in uu Xasan u dhintay xanuunka Koroonaha(Covid-19).\u00a0 Xaalad bay ahayd aannaan intaas wax ka badan isa sii odhan karin.Naxdin baan kacaa-fadhiistay. \u00a0Haddana runta ayaan nafta u sheegay.\u00a0 Waa tii Alle oo waa lama-seegaan; hase ahaatee, magaalada Hargeysa, in Xasan Guure iyo kuwo la mid ahi ba, guryaha ku dhimanayaan, waxa ay tilmaamaysaa xaaladda dalku ku sugan yahay.\u00a0 Xasan Guure Jaamac ka allaysay adduunkan, Alle ha u dembi dhaafo oo qabriga nuur iyo neecow janno ha uga yeelo; waxaa se uu ka tegay xusuus iyo raad wax laga kororsan karo.<\/p>\n<p>Isbarashadayadu, aniga iyo Xasan Guure, waxa ay ka soo bilaabantay xagaagii 1969kii. Aniga oo Qaahira ka imid oo fasaxii Jaamacadda ku imid, baannu ku kulanay guri uu adeerkay Maxamuud Xaaji Axmed Guuleed(Alle ha u naxariisto), ka degganaa magaalada Hargeysa.\u00a0 Adeerkay Maxamuud, waxa uu ahaa nin uu Xasan Guure, si macallinnimo iyo si saaxiibnimo ah labada ba u gu xidhnaa oo uu aad u qaddarin jiray; geeridiisii debadeed na uu in badan \u00a0hadal hayn jiray.<\/p>\n<p>Waxa aannu waagaas ahayn dhallinyaro isku ayni ah oo isafgarashadoodu dhowdahay; sidaas darteed jaal baannu noqonnay.\u00a0 Intaas ka dib se, waannu kala baadnay. Kudhawaad saddex bilood ka dib, waxa aan ku noqday Qaahira. \u00a0Sannadkii 1984kii, buu iigu yimid magaalada Addis Ababa, halkaas oo aan ka ahaa xilhayaha Xafiiska ururka Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed (SNM). Maalintaas iyo ka dib baannu, Alle ha u naxariisto ee Xasan Guure, jabad, jid iyo jidiin ba wadaagnay;qof ahaantiisa na kolkan baan sii bartay.<\/p>\n<p>Ururka Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Soomaaliyeed(SNM), sida halgankiisu u hawlo badnaa ayaa gudahiisu ahaa.\u00a0 Goldoloolooyinkiisu ma yarayn.\u00a0 Qoraal ahaan, waa uu lahaa barnaamij\u00a0 ujeeddooyin qeexan leh; hayeeshee, heerka hoggaanka guud iyo inta hoos timaadda, cidina ku ma hakan jirin oo hoos loo ma deyi jirin.<\/p>\n<p>Sidaas darteed ururku ma yeelan dhaqdhaqaaq halgan siyaasadeed oo nool. Falka halganku waxa uu ku ururay dagaalka hubaysan oo keli ah.\u00a0 Ururku xeer qoran waa uu lahaa; marka se laga yimaaddo shirweyneyaasha iyo shirarka kale, dib loo ma eegi jirin waxa ku qoran.\u00a0 Dhismaha ururku qabiil iyo jibsnio qabiil buu ahaa; waxaa na lagu soo galayey dhalasho(dadka kale looma diidayn ee sawirka ayaa ciddii kale ba dib u joojinayay).\u00a0 Tiro aad u yar baa arrintan iyo dhibaatada ay halganka ku keeni karto arkaysay; Xasan Guure kuwaas tirada yar hormood buu ka ahaa.\u00a0 Ficilka siyaasadeed Siyaad Barre ayaa lahaa.\u00a0 Cunsuriyad qabyaaladeed oo qayaxan buu dadka ku dibindaabayayn jiray.<\/p>\n<p>Xabbis iyo xasuuq iyo falxumo kasta, magac dartii bay ciidammada iyo hay\u2019daha dawladdiisu kula kici jireen dadka.\u00a0Ciidammadiisa iyo madaxda maamulka uu adeejinayo na qabiil soocan buu ka dhigi jiray. Ujeeddo siyaasadeed bay ka ahayd oo waa in halganka ururka SNM qalloocdo oo uu colaad qabaa\u2019il ku isu rogo; sidaas darteedna uu dulucdiisa waddaniga ah seego.\u00a0 Dabcan falcelinta degdegga ee badanka xubnaha SNM iyo dadkeeda taageersani tollaaydii qabiil bay noqotay.\u00a0 Xaqiiqdan waa loo wada jeeday, hayeeshee, dad tiro yar baa isweydiinayey waxa ka dhalan kara. Xasan Guure Jaamac(Alle ha u naxariisto), waxa uu ka mid ahaa oo uu u ku hadal caddaa kuwii ka digayey tubta uu Siyaad Barre la rabo SNM iyo halgankeeda.<\/p>\n<p>Xaaladda burburka dhaqan-bulsheed iyo qalalaasaha jira dartood dadka Soomaalidu guud ahaa, maanta waa saddex.\u00a0 Tirada ugu badani waa gurdanraac.\u00a0 Sida ugaadha iyo xoolaha, hadba dhinaca loo didiyo, ayey u didaan; ama haddii kale, geesta loo ga qaysho ee loo qamaamiyo ayey u jeestaan. Wax ba ma sii faaqidaan; isma na weydiiyaan wax la sheegay iyo wax ka run ah ama ka been ah.\u00a0 Kuwo kale waa hiinraac oo waxii ay hebello ka maqlaan baa ku filan.<\/p>\n<p>Waxaa ayagu na jira kooxo hunguri raaca ah oo maal iyo mansab tu walba u mara.\u00a0 Sabaankan maanta ah tiro aad u yar baa jirta oo mabd\u2019a iyo mowqif sugan ku adkaystay.Kuwaas na Xasan Guure Jaamac, waxa aan ka marag ahay, in uu hormoodahooda ka mid ahaa.Soomaalida wuu ku yaryahay qof ta Alle dabadeed, garashada caqligiisa iyo sariigashada qalbigiisa ku go\u2019aan qaataa oo ku dhiirran in uu si cad u cabbiro.\u00a0 Intii astaantaas leh, aniga agtayda, Xasan Guur kow buu ka ahaa.<\/p>\n<p>Xasan Guure wax uu dad ba kaga duwaanaa, asaga oo aan qofka uu la hadlayo nabarraynin, dhaleeco na dusha ka saarin, ayuu aragtidiisa u dhiibi jiray.\u00a0 Erey cad oo aan gardarro iyo munaafaqo labada mid na lahayn buu yaqaannay; waa nalaba sifo oo dadka maanta siyaasadda ku jira ku \u00a0yar. Xasan Guure waxa kale uu lahaa fool xaalad kasta farxadi ka muuqato iyo weji qosolku saaran yahay. Ma aha wax yar. Bal waqtiyada adageewerwerku badan yahay, yididdiiladu na kugu yaraato, muunsada wejiga waayeelku dhiirri bay ku gelisaa oo guul bay horseeddaa. Xasan Guure waxa uu lahaa samo-filasho aanan qof kale ku arag.\u00a0 Xasan Guure Jaamac, asaga oo kale waayadan, waa macdan aad u dhif.<\/p>\n<p>Haddii uu tii Alle uga hoyday, kaalintiisii, dib wax ay ka noqoto ba, maanta waa bannaan tahay. Alle ha u naxariisto Xasan Guure Jaamac.<\/p>\n<p><strong>Rashiid Sheekh Cabdillaahi (Gadhweyne).<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ibraahim Xaaji Muuse Wacays oo ka mid ah saaxiibbada aanu isku jaal ku ahayn halgankii SNM iyo ka hor ba, ayaa,16kii Meey sannadkan 2020ka, goor habeennimo ah oo ay saacaddu ahayd labadii iyo toddoba iyo afartan daqiiqo, telefoonka i gu la soo hadlay. \u00a0Geeridii Xasan Guure Jaamac buu ii sheegay. Waxa uu yidhi gurigiisa ayaygeeridu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":57401,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[5,3,10],"tags":[],"class_list":["post-57400","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-aragtidda-dadweynaha","category-arimaha-bulshada","category-featured"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2020\/05\/RASHIID-SHEEKH-ABDILLAAHI-GADHWEYNE-IYO-MARXUUM-XASAN-GUURE.jpg?fit=600%2C398&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-eVO","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/57400","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=57400"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/57400\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":57402,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/57400\/revisions\/57402"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/57401"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=57400"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=57400"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=57400"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}