{"id":57375,"date":"2020-05-20T21:04:53","date_gmt":"2020-05-20T21:04:53","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=57375"},"modified":"2020-05-20T21:06:56","modified_gmt":"2020-05-20T21:06:56","slug":"warbaahinta-uganda-sidee-ayey-wax-uga-qoreen-29-guurada-dib-ula-soo-noqoshada-madaxbannaanida-somaliland","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2020\/05\/20\/warbaahinta-uganda-sidee-ayey-wax-uga-qoreen-29-guurada-dib-ula-soo-noqoshada-madaxbannaanida-somaliland\/","title":{"rendered":"Warbaahinta Uganda: Sidee Ayey Wax Uga Qoreen 29 Guurada dib ula soo Noqoshada Madaxbannaanida Somaliland"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa(AN)-Warbaahinta dalka Uganda ayaa wax ka qoray Sannad guurada 29aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ee sannadkii 1991kii lagaga dhawaaqay Magaalada Burco, taasi oo\u00a0\u00a0\u00a0shalay looga dabaal-degay dalka.<\/p>\n<p>Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixin uu qoray Warsidaha East Africa Business Week, kaasi oo ciwaan looga dhigay \u201cSomaliland waxa ay u dabaal-degtay 29 guuradii ka soo wareegtay madaxbannaanideeda.\u201d Waxaanu East Africa Business Week\u00a0\u00a0sheegay in xannuunka Covid 19 ee caalamka faraha baas ku hayaa uu saameeyey xusaskii waaweynaa ee Jamhuuriyadda Somaliland ku muuneyn laheyd Munaasibadda 18ka May.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in 18ka May ay Somaliland u tahay maalin ay qiimeyso waxyaabaha u taabogalay, isbeddelka caqabadaha dalkan curdinka ahi\u00a0\u00a0uu waajahayo, isla markaana\u00a0\u00a0laga hadlo qorsheyaasha mustaqbalka si uu horumar iyo barwaaqo ugu naaloodo muwaadin kasta oo Somaliland u dhashay.<\/p>\n<p>Madaxweyne Muuse Biixi waxa\u00a0\u00a0uu intaas ku daray in Xuska 18ka May uu\u00a0\u00a0yahay maalin la muujiyo midnimada Somaliland iyo\u00a0\u00a0Hadafyada guud ee dalka.<\/p>\n<p>Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire ayaa u sheegay Wargeyska East Africa Business Week, in Somaliland ay si aan kala go\u2019 laheyn caalamka uga dalbanayso in loo aqoonsado dal madaxbannaan.<\/p>\n<p>Waxa kaloo Wasiir Sacad tilmaamay inkastoo aanay Somaliland deyn ka helin baanka Adduunka, haddana ay wax ka qabato baahiyaha dadkeeda.<\/p>\n<p>East Africa Business Week waxa uu xusay in Somaliland laga furay sannadkii 2012kii Wershada Coca Cola oo noqotay maalgashiga ugu ballaadhan ee ganacsiga gaarka loo leeyahay tan iyo markii Somaliland ay madaxbannaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya sannadkii 1991kii, waxaanu xusay in wershada sharaabka SBI lagu maalgeliyey 17 Milyan oo Doolar.<\/p>\n<p>Waxa kaloo uu ka hadlay Shirkadda Dahabshiil ee Somaliland oo uu ku sifeeyey\u00a0\u00a0horyaalka\u00a0\u00a0xawaaladaha lacagta ee\u00a0\u00a0Afrika, taasi oo ka shaqeysa 150 dal oo caalamka ku yaalla.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Shabakadda Eagle Online ee dalka Uganda\u00a0\u00a0ayaa daabacay qormo dheer oo lagu faahfaahiyey sooyaalkii siyaasadeed ee marxladihii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay gaar ahaan\u00a0\u00a0xiligii ay ahayd mustacmaradii Ingiriiska, dhaqdhaqaaqyadii xornimo doonka iyo khasaarihii Somaliland kala kulantay midowgii lagu hungoobay ee ay la gashay Soomaaliya. Waxana qormadaas\u00a0\u00a0qoray Ismaaciil Yuusuf Aadan oo ka qalin jabinaya Jaamacadda Nairobi ee dalka Kenya, waxaanu ku iftiimiyey\u00a0\u00a0inay Somaliland tahay qaran istaahila in la aqoonsado isla markaana ay\u00a0\u00a0dhammaan buuxisay shuruudihii looga baahnaa qaran madax-bannaan.<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Hargaysa Office<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa(AN)-Warbaahinta dalka Uganda ayaa wax ka qoray Sannad guurada 29aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ee sannadkii 1991kii lagaga dhawaaqay Magaalada Burco, taasi oo\u00a0\u00a0\u00a0shalay looga dabaal-degay dalka. Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixin uu qoray Warsidaha East Africa Business Week, kaasi oo ciwaan looga dhigay \u201cSomaliland [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":57378,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"video","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,7,2],"tags":[],"class_list":["post-57375","post","type-post","status-publish","format-video","has-post-thumbnail","category-featured","category-videos","category-wararka","post_format-post-format-video"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2020\/05\/Snapshot_784.png?fit=640%2C360&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-eVp","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/57375","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=57375"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/57375\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":57377,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/57375\/revisions\/57377"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/57378"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=57375"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=57375"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=57375"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}