{"id":57288,"date":"2020-05-17T23:25:51","date_gmt":"2020-05-17T23:25:51","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=57288"},"modified":"2020-05-17T23:25:51","modified_gmt":"2020-05-17T23:25:51","slug":"taariikhda-18-may-iyo-26-june-ee-somaliland","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2020\/05\/17\/taariikhda-18-may-iyo-26-june-ee-somaliland\/","title":{"rendered":"TAARIIKHDA 18 MAY IYO 26 JUNE EE SOMALILAND"},"content":{"rendered":"<p>HAMBALYO XUSKA 18 MAY 2020<\/p>\n<p>TAARIIKHDA 18 MAY IYO 26 JUNE EE SOMALILAND:<\/p>\n<p>Taariikhda\u00a0ay leedahay ummadi waxa ay qayb weyn\u00a0ka\u00a0tahay nolosha iyo mustaqbalka umaddaas iyo wadankooda.\u00a0Taariikhda\u00a0dadkaaga iyo dalkaagu waa muraayad aad\u00a0ka\u00a0arkayso qofka aad tahay, halka aad\u00a0ka\u00a0soo jeeddo ama aad\u00a0ka\u00a0timi, marxaladihii kala duwanaa ee dadkaagu soo maray, go\u2019aannadii lagu guulaystay iyo khaladaadkii awoowayaasha iyo dadkii\u00a0kaa\u00a0horreeyay ee dalkaagu galeen ee kaaga baahan inaad ogaato oo aanad dib ugu dhicin, dhaqamada iyo caadooyinka fiican ee dadkaaga. Barashada iyo\u00a0xog\u00a0ogaal u noqoshada\u00a0taariikhda wadankaagu waxa ay saamayn togan\u00a0ku\u00a0leedahay go\u2019aan qaadashadaada mustaqbalka, inaad gaadho himidaada iyo hiigsiga\u00a0horumarkaaga.<br \/>\n18 May iyo 26 June waa laba taariikhood oo waaweyn oo dadka iyo dalka reer Somaliland leeyihiin oo sheegaya markii ay Maxmiyadii Ingiriiska ee \u201cBritish Protectorate Somaliland\u201d\u00a0ka\u00a0qaadatay xorriyadeeda Boqortooyadii Ingiriiska sidaana\u00a0ku\u00a0noqotay dal\u00a0xor\u00a0ah oo madaxbannaan 26 June 1960, iyo markii dadka reer Somaliland\u00a0ku\u00a0dhawaaqeen inay dib ugala soo noqdeen\u00a0madaxbanaanidooda dalka Somalia kadib midnimadii fashilantay ee labada dawladood wada galeen 1st July 1960. Sidaa darteed, waa laba xus qarameed oo xil iyo waajib\u00a0ka\u00a0saaranyahay umadda Somaliland in la ilaaliyo, lagu dhaqmo, la xuso oo\u00a0la xasuusto waxyaabihii dhacay muddooyinkii u dhexeeyay, taariikhdii\u00a0ka\u00a0horraysay, siday noloshu ahayd, iyo taariikhda\u00a0ka\u00a0dambaysay illaa iyo markii Somaliland dib ula soo noqotay madaxbanaanideeda, iyo wixii iska bedelay nolosha iyo siyaasadda guud\u00a0ahaan.<\/p>\n<p>Xusaska 18 May iyo 26 June waxa ay u leeyihiin qiimo weyn bulshada Somaliland ee Qurbajoogga ah dhammaan wadamada ay joogaan maadaama ay yihiin dad ka maqan dalkoodii muddo dheer, iyo\/ama ku dhashay qurbaha, aan waxba ku baran manhajkii dalkooda hooyo ee dalal kale muwaadiniin labaad u noqday.<br \/>\nFaaiidooyinka Qabashada Xus Qarameedada 18\u00a0May\u00a0iyo 26 June ee\u00a0Jaallliyadaha:<\/p>\n<p>Jaalliyadaha Somaliland iyo Wakiilada Dawladuba inay qabtaan Munaasibadaha Xusaska 18 May iyo 26 June wadamada ay joogaan, waa mid ummad ahaan iyo waddan ahaanba faaiidooyin badani innoogu jiro, waxana ka mid ah kuwan hoos ku sheegan:-<br \/>\n\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0Ugu horayn waa xus qarameed maalmo taariikh innoo leh iyo waajibaad dastuuri ah oo aan\u00a0gudanayno;<br \/>\n\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0Dhalinyaro iyo carruur badan oo qurbaha\u00a0ku\u00a0dhashay oo aan aqoon badan u lahayn waadankooda iyo taariikhda uu leeyahay ayaa sida qaramada kaleba u dhaqmaan aan uga faaiidaysannaa fursadda munaasibadaha xusaskan inay bartaan oo aqoon u yeeshaan si aanay u lumin\u00a0xidhiidhka\u00a0dalkooda\u00a0hooyo\u00a0ee\u00a0Jamhuuriyadda\u00a0Somaliland;<br \/>\n\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0Waa\u00a0taariikh xuskeeda, shirarkeeda, isu imaatinkeeda iyo\u00a0kulankeeda\u00a0bulshadu xoojinayo isku xidhnaanshaha, wadajirka iyo midnimada Jaalliyada;<br \/>\n\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0Waa\u00a0fursadaha ugu muhiimsan ee aan uga faaiidaysan\u00a0karro\u00a0inay jaalliyaduhu si midaysan ugu muujiyaan dawladaha iyo shucuubta wadamada ay joogaan taariikhda iyo qadiyadda madaxbanaanida dalka Jamhuuriyadda Somaliland taasoo waxka taraysa\u00a0kor\u00a0u qaadida wacyiga beesha caalamka ee jiritaanka iyo xaqiiqada dalka Jamhuuriyadda Somaliland, sidaa darteedna taageeraysa geedi socodka dadaalka Ictiraaf Raadinta\u00a0Somaliland;<br \/>\n\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0Munaasibadaha xusaskan ee Jaalliyaduhu waa fursado aan\u00a0ku\u00a0kasbanno saaxibbo caalami ah oo\u00a0ku\u00a0qanca sababaha dhabta ah iyo xaqiiqooyinka qadiyadda madaxbanaanida Somaliand\u00a0ku\u00a0salaysantahay, isla markaana innagu biiriya codkooda iyo\u00a0caqligoodaba;<br \/>\n\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0Waa\u00a0fursado ay Jaalliyaduhu si fiican uga faaiidaysan karaan dhaqaale ururin ay u qaadhaamaan mashaariic horumarineed iyo baahiyo mudnaan leh oo markaas\u00a0ka\u00a0taagan dalka hadba sida looga soo codsado ama loogu soo\u00a0qorsheeyo.<br \/>\nXuska 18 May iyo 26 June ee Jaalliyaduhu waxa ay wada koobsan karaan faaiidooyinkan sare oo dhan iyo ujeedooyinka aan ka leennahay marka ay gudiyada jaalliyadaha iyo\/ama qabanqaabada laftoodu fahamsanyihiin, qorshena ka yeeshaan inay u qabtaan xafladaha, shirarka, bannaanbaxyada, iyo barnaamijyo kaleba hannaan suurtagelinaya in lagu gaadho ujeedooyinkaas sida lagu sheegay Talo Bixintan Warbixintan.<\/p>\n<p>Hawl Tilmaameedka Qabashada Munaasibadaha 18 May iyo 26 June ee\u00a0Jaalliyadaha<\/p>\n<p>Wasaaradda\u00a0Arrimaha Debadda &amp; Iskaashiga Caalamiga ah JSL waxa ay illaa sannadkii 2016 u gudbisaa Jaalliyadaha iyo Wakiilladaba\u00a0kuna\u00a0adkaysaa inay\u00a0ku\u00a0dhaqmaan qodobo Hawl Tilmaameed ama habraac ah oo sannad walba xilliyada 18\u00a0May\u00a0iyo\u00a026\u00a0June\u00a0soo\u00a0dhaw\u00a0yihiin\u00a0la\u00a0xasuusiyo\u00a0Jaalliyadaha\u00a0laguna\u00a0adkeeyo\u00a0inay u\u00a0raacaan\u00a0munaasibadaha\u00a0iyo\u00a0hawlqabadkooda\u00a0ku\u00a0aadan\u00a0xusaska\u00a0sannad\u00a0guurooyinkan taariikhiga ah. Ummad walba muwaadiniinteeda ka jooga daafaha adduunka waxa ay iska xilsaaraan inay tiro ay ahaadaanba u debbaal degaan maalmaha taariikhiga ah ee qarankooda hadba sida ugu macquulsan ee ay u awoodayaan. Haseyeeshee, ujeedooyinka laga leeyahay hab tilmaameedkan waa inay noqdaan munaasibadaha xusaska ee Jaalliyaduhu qabanayaan qaar waxka taraya ama taageeraya wacyiga beesha caalamka ee jiritaanka iyo xaqiiqada Somaliland iyo geedi socodka dadaalka ictiraaf raadinta 29-jirsaday 2020.<\/p>\n<p>Waxa\u00a0ka mid ah ama ugu muhiimsan nuxurka Hawl\u00a0 Tilmaameedkan loogu talo galay Jaalliyadaha Xusaska 18\u00a0May\u00a0iyo 26 June qodobadan\u00a0 hoos ku\u00a0sheegan:-<\/p>\n<p>\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0Inay abaabulaan bannanbaxyo (Demonstrations and rallies) ay u maraan waddo sharci ah\u00a0kuna\u00a0muujiyaan taageeradooda rabitaanka shacbkiga Somaliland oo tusaale\u00a0ku\u00a0hortagaan xarumaha baarlamaanada iyo goleyaasha\u00a0muhiimka\u00a0ah\u00a0ee\u00a0wadamada\u00a0ay\u00a0joogaan;<br \/>\n\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0Inay Gudiyada hoggaamiyaha Jaalliyaduhu iyo\u00a0Wakiilladu\u00a0meelaha\u00a0ay<br \/>\njoogaan qabtaan shirar qaabilis ah (Receptions) oo ay ku soo casuumaan ugu yaraan 30 xubnood oo saaxibada Somaliland iyo dhinacyo muhiim ah ka socda sida xildhibaanno, siyaasiyiin, suxufiyiin iwm, una soo bandhigaan taariikhda iyo qadiyadda madaxbanaanida Somaliland, nabadgelyada, horumarka iyo fursadaha maalgashi ee ka jira Somaliland, iyo sidoo kale baahiyaha mudnaanta leh iyo qorshayaasha qaranka ee xilliga dhaw iyo wakhtiga dheerba;\u2019<br \/>\n\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0Inay\u00a0dhiirrigeliyaan\u00a0ka\u00a0soo\u00a0qaybgalka\u00a0dhalinyarada\u00a0iyo\u00a0carruurta\u00a0qurbaha\u00a0ku<br \/>\ndhalatay munaasibadaha xafladaha iyo kulamada bulshada ay qabanayaan oo marka ay suurtagal tahay kala saaraan xaflada dhaqanka (Music Event) ee dhalinyaradu ku badantahay iyo kulanka bulshada ee Xuska (Main Community Event);<br \/>\n\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0Inay u qoraan waraaq codsi ah hoggaamiyaha wadanka, baarlamaanka,\u00a0iyo<br \/>\ngoleyaasha muhiimka ah taasoo ay kaga codsanayaan inay aqoonsadaan madaxbanaanida JSL, isla markaana ka caawiyaan dhinacyada horumarka iyo maalgashiga;<br \/>\n\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0Inay\u00a0u\u00a0qoraan\u00a0waraaqo\u00a0si\u00a0qof\u00a0qof\u00a0iyo\u00a0koox\u00a0koox\u00a0ahba\u00a0xildhibaannada<br \/>\nbaarlamaanka ay soo doortaan ee degmooyinkooda\u00a0ka\u00a0soo baxay\u00a0kana\u00a0codsadaan inay taageeraan rabitaanka shacbiga\u00a0Somaliland;<br \/>\n\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0Inay suaal waydiiyaan goleyaasha baarlamaannada ama dood\u00a0ku\u00a0saabsan<br \/>\nSomaliland;<br \/>\n\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0Inay aad u isticmaalaan laamaha warbaahinta dalalka ay joogaan iyo\u00a0kuwa\u00a0caalamiga ah oo\u00a0ku\u00a0qoraan maqaallo, siiyaan waraysiyo,\u00a0ka\u00a0hadlaan idaacadaha la iska\u00a0arko\u00a0iwm;<br \/>\n\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0Inay\u00a0ku\u00a0soo\u00a0casuumaan\u00a0xubno\u00a0ka\u00a0mid\u00a0ah\u00a0saaxiibada\u00a0Somaliland\u00a0ama\u00a0xubno kaleba sida xildhibanno, siyaasiyiin, suxufiyiin, qorayaal iwm inay\u00a0ka\u00a0soo qaybgalaan munaasibada heer qaran Xuska dalka\u00a0gudihiisa;<br \/>\n\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0Inay\u00a0si\u00a0weyn\u00a0u\u00a0isticmaalaan\u00a0warbaahinta\u00a0baraha\u00a0bulshada\u00a0ee\u00a0internet-ka\u00a0oo<br \/>\nqof waliba ka dhigo sawirkiisa calanka iyo astaamaha Somaliland;<br \/>\n\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0Inay uga faaiidaystaan fursadaha munaasibadaha xusaska inay dhaqaale ugu ururiyaan baahiyaha mudnaanta leh ee\u00a0ka\u00a0jira dalka iyo mashaariic waxqabad\u00a0hadba\u00a0sida\u00a0loogu\u00a0soo\u00a0gudbiyo\u00a0qorshaha.<\/p>\n<p>XUSKA 18 MAY 2020 &amp; DOORKA JAALLIYADAHA SOMALILAND<\/p>\n<p>Xaaladda jirta ee xanuunka Covid-19 iyo xayiraadaha ujeedooyinka caafimaadka bulshada dawladaha caalamku soo rogeen oo weliba uu xanuunkani saamayn taban ku leeyahay wadamada ay ku badan yihiin Qurbajoogga Somaliland ee Europe, North America iyo dalalka Eeshiyaba, suurtagal maaha sannadkan inay Qurbajoogga Somaliland ku oogaan sannadkan xuska qodobo badan oo Hawl Tilmaameedka sare ku sheegan gaar ahaan xafladihii dhaqanka, iyo dhammaan wixii ku saabsan isu soo baxyo iyo kulamado la isugu yimaado. Inkasta oo sannadahan ay ku soo beegantay 18 May xuska 2020, ay Gudiyada Jaalliyaduhu waxka bedeli jireen munaasibadaha, hadana xaaladda xanuunkan ayaa sannadkan kallifaysa inaan la qaban kulamadii la qaban jiray oo qurbaha oo kaliya maahee aan xataa gudaha dalka lagu qaban doonin sida uu sheegay Madaxweynaha JSL, Mudane Muuse Biixi Cabdi.<\/p>\n<p>Haseyeeshee, hadana Qurbajoogga Somaliland siyaabo badan ayay u waynayn karaan qiimaha ay maalintani ku leedahay taariikhda dalka iyagoo fulinaya qodobo doora oo ku sheegan Hawl Tilmaameedka Xusas Qarameedyada kuwaasoo ay ka mid yihiin:-<br \/>\n\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0Isticmaalka xooggan ee warbaahinta kala duwan;<br \/>\n\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0Waraaqaha baaqa iyo codsiyadaha ah (Petitions) ee loo qorayo Xildhibaannada Goleyaasha degmooyinka iyo magaalooyinka ay xuquuqo doorasho ku leeyihiin Qurbajooggu;<br \/>\n\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0Calanka iyo astaamaha qaranka oo ay sawirro ka wada dhigtaan baraha bulshada ee internet-ka;<br \/>\n\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0Dhaqaale ururinta iyo tabarucaadka ay kaga qaybgalayaan la dagaalanka Xanuunka Covid-19 ee Dalkooda JSL;<br \/>\n\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0Calanka Somaliland oo ay ka wada taagaan guryahooda oo dhan maalinta 18 May ka horraysa illaa todobaadka lagu jiro; iyo<br \/>\n\u00b7\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0Qaabkasta oo kale oo ay ugu debbaal degi karaan xuska maalinta qaran ee dalkooda iyagoo jooga guryahooda haddii Alle Idmo.<\/p>\n<p>DEBBAAL DEGGA MAY UGU DEEQ DALKAAGA DOLLAR:<\/p>\n<p>Xafiiska Qurbajoogga Somaliland waxa uu dhiirrigelinayaa qaab kasta iyo hab kasta oo ay Jaalliyadaha Somaliland ugu soo ururin karaan taageero dhaqaale iyo gargaar kaleba ololaha qaran ee la dagaalanka Caabuqa Safmarka ah ee Covid-19 kaasoo uu Madaxweynaha JSL ku dhawaaqay Sanduuq Dhaqaale lagula tacaalayo xanuunkan iyo saamaynta caafimaad iyo ta dhaqaaleba ee uu dalka gaadhsiinayo.\u00a0 Waxa qayb ka ah dadaalkan dhaqaale ururineed qorshaha ah in Qurbajoogga Somaliland sannadkan ku xusaan 18 May iyadoo qof waliba uu ugu bixiyo hal dollar uu ugu deeqayo gurmadka la dagaalanka Covid-19, dhaqaale ururintaas oo socon doontaa illaa xus qarameedka labaad ee 26 June 2020 haddii Alle Idmo.<\/p>\n<p>Xafiiska Qurbajoogga ee Wasaaradda Arrimaha Debaddu waxa uu ku soo wargelin doonaa dhammaan Qurbajoogga oo warbaahinta loo soo marin doonaa akoonnada kala duwan ee lagu dirayo tabarucaadka oo noqon doonaa hannaan elaktroonik ah oo u sahlaya qofkasta oo Qurbajoog ah in isagoo gurigiisa jooga uu soo bixin karo halka dollar iyo hadba xaddiga lacageed ee awoodayo inuu ugu deeqo dalkiisa.<\/p>\n<p>Faahfaahin dheeraada waxad kala xidhiidhi kartaa:-<br \/>\nAgaasimaha Waaxda Qurbajoogga<br \/>\nSacad Maxamed Cabdi<br \/>\nTell: +252 64 4403392\u00a0 Email:\u00a0\u00a0sacad2231@gmail.com<br \/>\nwww.sldiaspora.org<\/p>\n<p>HAMBALYO XUSKA 18 MAY 2020<\/p>\n<p>Xafiiska Qurbajoogga Somaliland<br \/>\nWasaaradda Arrimaha Debadda &amp; Iskaashiga Caalamiga ah JSL<br \/>\nHargeisa, Jamhuuriyadda Somaliland<br \/>\n18 May 2020<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>HAMBALYO XUSKA 18 MAY 2020 TAARIIKHDA 18 MAY IYO 26 JUNE EE SOMALILAND: Taariikhda\u00a0ay leedahay ummadi waxa ay qayb weyn\u00a0ka\u00a0tahay nolosha iyo mustaqbalka umaddaas iyo wadankooda.\u00a0Taariikhda\u00a0dadkaaga iyo dalkaagu waa muraayad aad\u00a0ka\u00a0arkayso qofka aad tahay, halka aad\u00a0ka\u00a0soo jeeddo ama aad\u00a0ka\u00a0timi, marxaladihii kala duwanaa ee dadkaagu soo maray, go\u2019aannadii lagu guulaystay iyo khaladaadkii awoowayaasha iyo dadkii\u00a0kaa\u00a0horreeyay ee [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":57289,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-57288","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2020\/05\/Snapshot_717.png?fit=640%2C360&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-eU0","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/57288","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=57288"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/57288\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":57290,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/57288\/revisions\/57290"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/57289"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=57288"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=57288"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=57288"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}