{"id":57094,"date":"2020-05-10T02:32:05","date_gmt":"2020-05-10T02:32:05","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=57094"},"modified":"2020-05-10T02:32:05","modified_gmt":"2020-05-10T02:32:05","slug":"waa-ciyaaryahan-caalami-ah-laakiin-qori-ayuu-u-qaatay-inuu-dalkiisa-difaaco","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2020\/05\/10\/waa-ciyaaryahan-caalami-ah-laakiin-qori-ayuu-u-qaatay-inuu-dalkiisa-difaaco\/","title":{"rendered":"Waa ciyaaryahan caalami ah laakiin qori ayuu u qaatay inuu dalkiisa difaaco"},"content":{"rendered":"<div class=\"with-extracted-share-icons\">\n<div class=\"story-body__mini-info-list-and-share\">\n<div class=\"story-body__mini-info-list-and-share-row\">\n<div class=\"mini-info-list-wrap\">\n<div class=\"date date--v2\" data-seconds=\"1589022164\" data-datetime=\"9 Maajo 2020\" data-timestamp-inserted=\"true\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"share-tools--no-event-tag\">\n<div id=\"comp-pattern-library\" class=\"distinct-component-group container-twite\"><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"story-body__inner\">\n<figure class=\"media-landscape has-caption full-width lead\"><span class=\"image-and-copyright-container\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"js-image-replace\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/ichef.bbci.co.uk\/news\/660\/cpsprodpb\/8D2C\/production\/_112204163_son3.jpg?resize=624%2C351&#038;ssl=1\" alt=\"Son Heung-min\" width=\"624\" height=\"351\" data-highest-encountered-width=\"660\" \/><span class=\"off-screen\">Lahaanshaha sawirka<\/span><span class=\"story-image-copyright\">GETTY IMAGES<\/span><\/span><figcaption class=\"media-caption\"><span class=\"off-screen\">Image caption<\/span><span class=\"media-caption__text\">Son Heung-min oo sita abaalmarintii uu muteystay<\/span><\/figcaption><\/figure>\n<p class=\"story-body__introduction\">Weeraryahanka kooxda Tottenham Son Heung-min ayaa soo gabagabeeyey tababar saddex todobaad oo qasab ah oo qayb ka ah shaqada ciidanka Kuuriyada Koonfureed, isagoo ku guuleystey abaalmarin ah inuu si fiican uga soo baxay tababarka.<\/p>\n<p>Saraakiisha ayaa sheegay in 27 jir Son uu si heer sare ah u bartay xirfadda toogashada isagoo kaalinta koowaad ka galay 157 qof oo tababar qaadaneyey.<\/p>\n<p>Son ayaa dib ugu laabtay dalkiisa bishii Maarso isagoo ka soo kabanayey dhaawac ka soo gaaaray gacanta xillgan oo uu hakad ku jiro tartanka ciyaaraha sababta fayraska corona.<\/p>\n<p>Dhammaan ragga Kuuriyada Koonfureed ayey ku tahay waajib inay da\u2019ada 28 jir ka hor ay sameeyaan shaqada ciidanka.<\/p>\n<figure class=\"media-landscape has-caption full-width\"><span class=\"image-and-copyright-container\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"responsive-image__img js-image-replace\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/ichef.bbci.co.uk\/news\/624\/cpsprodpb\/5AC8\/production\/_112204232_son1-2.jpg?resize=624%2C351&#038;ssl=1\" alt=\"Son Heung-min\" width=\"624\" height=\"351\" data-highest-encountered-width=\"624\" \/><span class=\"off-screen\">Lahaanshaha sawirka<\/span><span class=\"story-image-copyright\">GETTY IMAGES<\/span><\/span><figcaption class=\"media-caption\"><span class=\"off-screen\">Image caption<\/span><span class=\"media-caption__text\">Son Heung-min<\/span><\/figcaption><\/figure>\n<p>Son ayaan mareyn muddada qasabka ah ee ay tahay tababarka in la qaato oo ah 21 bilood, isagoo looga qafiifiyey maadaama uu dalkiisa ka caawiyey in ay ku guuleystaan koobka Aasiya 2018.<\/p>\n<p>Wuxuu ku qalin jabiyey xaflad ka dhacday xarunta ciidamadda Baddda ee jasiiradda ee ku taal Koonfurta dalka.<\/p>\n<p>Xirfadaha uu bartay ayaa waxaa ka mid ah toogashada iyo habka loogu dagaalamo beynada, tababarka kiimikada, bayoolajiga iyo shucaaca, xirfadaha dagaalka shaqsiyeed iyo tababarka gargaarka koowaad.<\/p>\n<p>&#8220;Wuxuu helay abaalmarinta &#8216;Pilsung&#8217; oo ah mid ka mid ah shanta abaalmarin ee ay helaan dadka aadka u qaatay tababarka\u201d sidaasi waxaa u sheegay wakaalada wararka ee Yonhap News Agency .<\/p>\n<p>&#8220;Dhamaan casharada waxaa lagu xukmiyey hab caddaalad ah oo adag, saraakiisha siinaysay tababarka ciidan waxay sheegeen in uu tababarka u maray si daacad ah\u201d ayuu yiri sarkaalku.<\/p>\n<p>Tottenham ayaa ciyaaryahankooda ugu hambalyeysay baraha bulshada iyagoo sheegay in uu London ku soo laaban doono todobaadka soo socda.<\/p>\n<figure class=\"media-landscape has-caption full-width\"><span class=\"image-and-copyright-container\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"responsive-image__img js-image-replace\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/ichef.bbci.co.uk\/news\/624\/cpsprodpb\/F708\/production\/_112204236_son4.jpg?resize=624%2C351&#038;ssl=1\" alt=\"Son Heung-min\" width=\"624\" height=\"351\" data-highest-encountered-width=\"624\" \/><span class=\"off-screen\">Lahaanshaha sawirka<\/span><span class=\"story-image-copyright\">GETTY IMAGES<\/span><\/span><figcaption class=\"media-caption\"><span class=\"off-screen\">Image caption<\/span><span class=\"media-caption__text\">Son ayaa London ku soo noqon doono todobaadka soo socda<\/span><\/figcaption><\/figure>\n<p>Son ayaa bishii Febraayo wuxuu maray qalliin lagaga sameeyey dhaawac tarar oo ka soo gaaray ciyaar koxodiisa Tottenham 3-2 uga guuleystay Aston Villa.<\/p>\n<p>Tababaraha Tottenham Jose Mourinho ayaa sheegay in uu filayo in Son uu mar kale ku soo laabato garoomada xilli ciyaareedkan, wallow taasi ay aheyd ka hor intii aan la hakin Premier League-ga.<\/p>\n<p>Inkastoo hadda uu dhameystey tababarka ciidan, Son waxaa kale oo u dhiman in uu dhameystiro 544 saacadood oo ah adeeg bulsh 34-ta bilood ee soo socda.<\/p>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGESImage captionSon Heung-min oo sita abaalmarintii uu muteystay Weeraryahanka kooxda Tottenham Son Heung-min ayaa soo gabagabeeyey tababar saddex todobaad oo qasab ah oo qayb ka ah shaqada ciidanka Kuuriyada Koonfureed, isagoo ku guuleystey abaalmarin ah inuu si fiican uga soo baxay tababarka. Saraakiisha ayaa sheegay in 27 jir Son uu si heer sare [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":57095,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[8,10],"tags":[],"class_list":["post-57094","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-ciyaaraha","category-featured"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2020\/05\/112204163_son3.jpg?fit=660%2C371&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-eQS","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/57094","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=57094"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/57094\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":57096,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/57094\/revisions\/57096"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/57095"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=57094"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=57094"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=57094"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}