{"id":57011,"date":"2020-05-05T22:19:48","date_gmt":"2020-05-05T22:19:48","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=57011"},"modified":"2020-05-05T22:24:04","modified_gmt":"2020-05-05T22:24:04","slug":"dhallinyarada-reer-hargeysa-ee-xamar-jooga","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2020\/05\/05\/dhallinyarada-reer-hargeysa-ee-xamar-jooga\/","title":{"rendered":"Dhallinyarada reer Hargeysa ee Xamar Joogta"},"content":{"rendered":"<p>Dhallinyarada reer Hargeysa ee Xamar hore u joogi jiray waxay u badnaayeen niman ganacsiyo leh, iyo qaar habab kale oo aqoonaysan u nool, oo marka ay arrimaha siyaasadda ee koofurta ka hadlaayaan warka ku billaaba &#8220;annagu haddii aan nahay reer Somaliland&#8230;&#8221;.<\/p>\n<p>Hadda, waxaa Xamar tegay koox reer Hargeysa ah, oo magacooda la yiraa &#8220;Ar Farmaajo ii geeya.&#8221; Dhowr astaamood ayay leeyihiin:<\/p>\n<p>1. Waa niman aan xildhibaan Nacnac xataa weligood arkin, haddana ku leh &#8220;waxaan isa soo dagaal<span class=\"text_exposed_show\">nay oo i soo masaafuriyay Muuse Biixi.&#8221;<\/span><\/p>\n<div class=\"text_exposed_show\">\n<p>2. Marka ay doodaha siyaasadda Somaliland ka hadlayaan waxay leeyihiin &#8220;Muuse waddankii wuu ku dheelay, oo waa in xabbad xilka looga qaadaa.&#8221; Marka ay siyaasadda Xamar ka hadlayaanna waxay leeyihiin &#8220;reer Muqdisho dowlad ma rabaan, oo waxay doonayaan inay madaxweyne Farmaajo kursiga xoog uga qaataan.&#8221;<\/p>\n<p>3. Farmaajo ka dib ayay Xamar yimaadeen, haddana waxay ku leeyihiin &#8220;Illaah baan kugu dhaarshaye Farmaajo ka hor ma Xamar ayaa saan ahayd?!&#8221;<\/p>\n<p>4. Sheekh Cabdulle Cariif hadduu idaacadda ka yiraa &#8220;dowladdu shacabka jidadka ha u furto&#8221;, waxay ku leeyihiin &#8220;asaga markuu xilka haayay muxuu u furi waayay?!&#8221; &#8220;Intow ka haayay&#8221; haddaad tiraana, waxay ku leeyihiin &#8220;sow dowladdii Xasan Sheekh ka ma tirsanayn?!&#8221;<\/p>\n<p>5. Suuqbacaad meel ay ku taal ma yaqaannaan, haddana waxay ku leeyihiin &#8220;Xamar wax dhib ah ka ma jiro, meel kastana horumarka dowladda ayaa gaaray.&#8221;<\/p>\n<p>6. Intii aysan Hargeysa ka imaan, xaafadda Masallaha inta ka baxaan marka ay Sheekh Madar tagaan; waxay dhihi jireen &#8220;Naw! Waar maanta waan fogaaday oo daantii kalaan u tallaabay&#8221;. Haddana, waxay ku leeyihiin &#8220;waxaan Xamar u joognaa midnimada ummadda Soomaaliyeed&#8221;.<\/p>\n<p>Meeshii aad qof astaamahaas leh ku aragto, siyaasad ha kala doodin, ee waxaad tiraa &#8220;Faysal Cali Waraabe ayaa ku raadinaayay.&#8221;<\/p>\n<p><a class=\"profileLink\" title=\"Maxamed Cabdullaahi Dhaaley\" href=\"https:\/\/www.facebook.com\/profile.php?id=100014954612285&amp;__tn__=%2CdK-R-R&amp;eid=ARCl5vY_I8omFJTcBtIQCZqnHk4omc_P3T_7ZrI8kt-8SOK69YiZF_9kHWo1HYugu6BVWxqazfCeh318&amp;fref=mentions\" data-hovercard=\"\/ajax\/hovercard\/user.php?id=100014954612285&amp;extragetparams=%7B%22__tn__%22%3A%22%2CdK-R-R%22%2C%22eid%22%3A%22ARCl5vY_I8omFJTcBtIQCZqnHk4omc_P3T_7ZrI8kt-8SOK69YiZF_9kHWo1HYugu6BVWxqazfCeh318%22%2C%22fref%22%3A%22mentions%22%7D\" data-hovercard-prefer-more-content-show=\"1\">Maxamed Cabdullaahi Dhaaley<\/a><\/p>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dhallinyarada reer Hargeysa ee Xamar hore u joogi jiray waxay u badnaayeen niman ganacsiyo leh, iyo qaar habab kale oo aqoonaysan u nool, oo marka ay arrimaha siyaasadda ee koofurta ka hadlaayaan warka ku billaaba &#8220;annagu haddii aan nahay reer Somaliland&#8230;&#8221;. Hadda, waxaa Xamar tegay koox reer Hargeysa ah, oo magacooda la yiraa &#8220;Ar Farmaajo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":55781,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[5,3,10,2],"tags":[],"class_list":["post-57011","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-aragtidda-dadweynaha","category-arimaha-bulshada","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2020\/03\/sddefault-15.jpg?fit=640%2C480&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-ePx","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/57011","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=57011"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/57011\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":57013,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/57011\/revisions\/57013"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/55781"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=57011"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=57011"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=57011"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}