{"id":56797,"date":"2020-04-19T22:58:56","date_gmt":"2020-04-19T22:58:56","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=56797"},"modified":"2020-04-19T22:58:56","modified_gmt":"2020-04-19T22:58:56","slug":"waxana-uu-caddeeyey-inaan-lagu-joojin-karin-laab-la-kac-iyo-caaddifadmadaxweynaha-jsl","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2020\/04\/19\/waxana-uu-caddeeyey-inaan-lagu-joojin-karin-laab-la-kac-iyo-caaddifadmadaxweynaha-jsl\/","title":{"rendered":"&#8220;waxana uu caddeeyey inaan lagu joojin Karin laab la-kac iyo caaddifad&#8221;Madaxweynaha JSL"},"content":{"rendered":"<p class=\"x_MsoNormal\"><b><i>Hargeysa-19-04-2020-(AN)-<\/i><\/b>Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si qoto dheer uga hadlay xaaladda colaadeed ee kasoo cusboonaatay deegaanka Fadhi-gaab ee gobolka Sanaag, isagoo bulshada la wadaagay tallaabooyin dhinaca taxadarka ah oo ay xukuumaddu qaadday, kuwaas oo loo qoondeeyey in lagaga hortago xanuunka COVID-19.<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">\n<p class=\"x_MsoNormal\">Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo maanta hadlay, ayaa ugu horrayn\u00a0\u00a0waanooyin iyo talooyin wax ku ool ah usoo jeediyey hormuudka beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya deegaanka Fadhi-gaab ee gobolka Sanaag, isaga oo tilmaamay in la joogo maalintii bulshadu midoobi lahayd, waxana isaga oo arrintaas ka hadlaya uu yidhi,\u201cWaxan leeyahay dagaalka halla joojiyo, bishii Ramadaanna way inagu soo dhaw dahay, Ilaahayna Barwaaqo badan iyo Roob iyo Nimco badan buu ina siiyey, col kale oo cudur ahina waa ina hayaa oo adduunka oo dhan haya,\u00a0\u00a0Maanta waa maalintii la wada-jiri lahaa ee la is kaashan lahaaye, ma aha maalintii xabbad la isku bilaabi lahaaye waxgaradka iyo waayeelka waxan usoo jeedinayaa in arrintaas halkaas lagu joojiyo.\u201d<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">\n<p class=\"x_MsoNormal\">Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dhammaanba bulshada Somaliland, xukuumaddeeda, aqoonyahankeeda,waxgaradkeeda iyo\u00a0\u00a0haldoorkeeduba waqti badan geliyeen xallinta colaadda deegaannada ceel-Afweyn, marar badanna xal laga gaadhay, balse ay nasiib-darro tahay dhibaatada maanta soo cusboonaatay.<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">\n<p class=\"x_MsoNormal\">Dhinaca kale,\u00a0\u00a0madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu madaxweynuhu bulshada kala hadlay xanuunka halista ah ee COVID-19 iyo sida ay bulshadu uga hortegi karto, isaga oo ku taliyey in la kala fogaado, talada dhaqaatiirtana la qaato, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,\u00a0\u00a0\u201cMa odhan karno meel walba weynu xidhaynaa waayo qof walba qol gaar ah uma helayno oo suurtogal ma aha, markaa haddii aynu xidhno waa dhibaato soo korodhaye innagu waxaynu qaadanaynaa aynnu dhibaatada yarayno, dhibaatadana waxaynu ku yarayn karnaa innaga oo qaadana talada dhakhaatiirta oo intii suurtogal ahba la kala fogaado.\u201d<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">\n<p class=\"x_MsoNormal\">Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale bulshada ugu baaqay inay guryahooda ku cibaadaystaan, kana dheeraadaan goobaha masaajiiddada si looga fogaado isu ururka bulshada, isaga oo culimada iyo dadka kaleba ugu baaqay inay raacaan talada dhakhaatiirta iyo guddida ka hortagga xanuunka COVID-19, \u201cInnagu waxaynu leenahay maadaama oo uu xanuunkii inagu jiro oo aynu hubno ururrada aynu masaajidku kamid yahaye dadku guryahooda haku tukadaan, masaajidkii marka intaas oo qof isugu timaaddo ee kii kaa horreeyey halkuu ku suguuday aad ku sujuuddo ee kii soo galay aad lasoo gasho Ilaahay baa inoo fasaxaye ma aha wax aynu diintii ku gefayno, inaynnu is fahmi weynonna ma ahee culimada iyo dadkoo dhanba waxaynnu leenahay caafimaadkeennii baa ku ege sida inoo roon ee guddidu inoogu talinayso aynnu yeelno,\u201d ayuu yidhi madaweyne Muuse Biixi Cabdi.<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">\n<p class=\"x_MsoNormal\">Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu bulshada ugu bushaareeyey inay xukuumad ahaan fureen Sanduuq lagu ururinayo dhaqaalaha loogu talo galay in lagula tacaalo xanuunka COVID-19, islamarkaana ay xukuumad ahaan\u00a0\u00a0ku shubeen qaddar lacag ah, waxana uu yidhi, \u201cWaxan go\u2019aaminnay in la furo Akoon lagu ururinayo wixii dhaqaale loo baahan yahay oo la isugu tago, dawlad, baayac-mushtar iyo ciddii kale ee ina caawinaysa ee adduunka ah oo halkaas lagu soo ururiyo oo loo diyaar garoobo haddii hawshu soo cusboonaato, dawlad ahaanna $3,000,000 (Saddex milyan) oo doollar baannu ku shubaynaa Akoonkaas oo aannu ka goynay mashaariicdii horumarka, gunnooyinkii iyo wixii kale ee la hakin karo ee dawladdu ay leedahay, uu dhaqaalaheeda saamaynayo dhaqaalaha istaagay.\u201d<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">\n<p class=\"x_MsoNormal\">Ganacsatada iyo baayac-mushtarka ayuu sidoo kale madaxweynuhu ugu baaqay inay maalkooda iyo maskaxdoodaba kaga qayb-qaataan halganka lagula jiro xanuunka covid-19, una damqadaan bulshadooda, \u201cTujaarta iyo baayac-mushtarka waxa la farayaa haddii ay sekedoodii tahay iyo sadaqo iyo waxtarba inay maanta dadka\u00a0\u00a0la gurmad galaan oo xoolahooda kula hawl-galaan dawlad iyo shicibba in xanuunkaas laga hortago, qaar kasoo jawaabayna way jiraan,\u201d ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\">\n<p class=\"x_MsoNormal\">Ugu dambayntii madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu si qoto dheer oo cilmiyeysan uga hadlay arrinta qaadka oo bulshada dhibaato ku haya iyo joojintiisa, waxana uu caddeeyey inaan lagu joojin Karin laab la-kac iyo caaddifad, balse loo baahan yahay go\u2019aamo lagu midaysan yahay oo si hufan loo lafo-guray, si dhibaato la\u2019aan loo joojiyo qaadka.<\/p>\n<p class=\"x_MsoNormal\"><b>Wa Bilaahi Tawfiiq<\/b><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa-19-04-2020-(AN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta si qoto dheer uga hadlay xaaladda colaadeed ee kasoo cusboonaatay deegaanka Fadhi-gaab ee gobolka Sanaag, isagoo bulshada la wadaagay tallaabooyin dhinaca taxadarka ah oo ay xukuumaddu qaadday, kuwaas oo loo qoondeeyey in lagaga hortago xanuunka COVID-19. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo maanta hadlay, ayaa ugu horrayn\u00a0\u00a0waanooyin [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":56799,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"video","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,7,2],"tags":[],"class_list":["post-56797","post","type-post","status-publish","format-video","has-post-thumbnail","category-featured","category-videos","category-wararka","post_format-post-format-video"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2020\/04\/maxresdefault-14.jpg?fit=1280%2C720&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-eM5","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/56797","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=56797"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/56797\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":56798,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/56797\/revisions\/56798"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/56799"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=56797"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=56797"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=56797"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}