{"id":56669,"date":"2020-04-08T16:35:33","date_gmt":"2020-04-08T16:35:33","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=56669"},"modified":"2020-04-08T16:35:33","modified_gmt":"2020-04-08T16:35:33","slug":"wasaaradda-caafimaadka-oo-daah-furtay-nidaam-casri-ah-oo-lagu-diiwaangelinayo-mihnadleyaasha-caafimaadka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2020\/04\/08\/wasaaradda-caafimaadka-oo-daah-furtay-nidaam-casri-ah-oo-lagu-diiwaangelinayo-mihnadleyaasha-caafimaadka\/","title":{"rendered":"Wasaaradda Caafimaadka Oo Daah-Furtay Nidaam Casri Ah Oo Lagu Diiwaangelinayo Mihnadleyaasha Caafimaadka"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa (AN)- Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta daah-furtay nidaam casri ah oo si fudud loogu diiwaangelinayo mihnadleyaasha caafimaadka ee ku sugan gobollada iyo degmooyinka dalka, kuwaas oo si mutadawacnimo ah uga qayb-qaadan doona ka hor-tagga iyo u diyaargarowga xanuunka COVID-19-ka.<\/p>\n<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2020\/04\/wasaarada-caafimaadka-GTS-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-full wp-image-79705 jetpack-lazy-image jetpack-lazy-image--handled\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2020\/04\/wasaarada-caafimaadka-GTS-2.jpg?resize=696%2C464\" sizes=\"auto, (max-width: 696px) 100vw, 696px\" srcset=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2020\/04\/wasaarada-caafimaadka-GTS-2.jpg?w=800 800w, https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2020\/04\/wasaarada-caafimaadka-GTS-2.jpg?resize=300%2C200 300w, https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2020\/04\/wasaarada-caafimaadka-GTS-2.jpg?resize=563%2C375 563w, https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2020\/04\/wasaarada-caafimaadka-GTS-2.jpg?resize=768%2C512 768w, https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2020\/04\/wasaarada-caafimaadka-GTS-2.jpg?resize=696%2C464 696w\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"464\" data-recalc-dims=\"1\" data-lazy-loaded=\"1\" \/><\/a>Munaasibad ballaadhan oo lagu shaacinayey bilowga habkan casriga ah oo qof kasta oo mihnad caafimaad lihi uu si fudud isu diiwaangelinayo isaga oo gurigiisa ama goobtiisa shaqada joogo, ayaa lagu qabtay xarunta wasaaraada Horumarinta caafimaadka, waxana goob-joog ka ahaa madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha guddida ka hortagga iyo u diyaar-garowga xanuunka COVID-19, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka, mudane Cumar Cali Cabdilaahi,\u00a0 wasiir-ku-xigeenkiisa, agaasimaha guud, xubno kale oo kamid ah golaha wasiirrada iyo marti-sharaf kale, waxana madasha lagu faah-faahiyey muhiimadda uu nidaamkani u leeyahay guud ahaanba qaranka iyo badqabka bulshada reer Somaliland ka hadlay masuuliyiinta Shirkada waddaniga ah ee GTS oo si muwaadinimo ah, dareen leh isugu xilqaantay inay agabkan ugu deeqdo una sameeyso wasaaraddu inay kaga hawlgasho arrinta xanuunka coronavirus ee khatarta ku ah bulshada caalamkana saameeyey, oo ay sheegeen inay u arkeen inay tahay meesha kaga haboon dedaalka loogu jiro in qarankani helo muwaadiniin isxilqaantay oo barbar istaagta qaranka.<\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\">\n<p><a href=\"https:\/\/i1.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2020\/04\/wasaarada-caafimaadka-GTS-1.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-full wp-image-79706 jetpack-lazy-image jetpack-lazy-image--handled\" src=\"https:\/\/i1.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2020\/04\/wasaarada-caafimaadka-GTS-1.jpg?resize=696%2C464\" sizes=\"auto, (max-width: 696px) 100vw, 696px\" srcset=\"https:\/\/i1.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2020\/04\/wasaarada-caafimaadka-GTS-1.jpg?w=800 800w, https:\/\/i1.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2020\/04\/wasaarada-caafimaadka-GTS-1.jpg?resize=300%2C200 300w, https:\/\/i1.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2020\/04\/wasaarada-caafimaadka-GTS-1.jpg?resize=563%2C375 563w, https:\/\/i1.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2020\/04\/wasaarada-caafimaadka-GTS-1.jpg?resize=768%2C512 768w, https:\/\/i1.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2020\/04\/wasaarada-caafimaadka-GTS-1.jpg?resize=696%2C464 696w\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"464\" data-recalc-dims=\"1\" data-lazy-loaded=\"1\" \/><\/a>Wasiirka wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, Mudane, Cumar Cabdilaahi Cali oo ugu horrayn madasha ka hadlay, ayaa ku dheeraaday muhiimadda uu nimaadkani leeyahay iyo sida uu uga qayb qaadanayo yaraynta isu imaanshiyaha bulshada, isaga oo intaas ku daray\u00a0 mihnadle kasta oo isa soo diiwaangeliya ay wasaaraddu si fudud u arkayso macluumaadkiisa iyo heerka aqoontiisa, islamarkaana uu noqon doono adeego bulsho waqti kasta loo baahdo inta xanuunkani jiro.<\/p>\n<p>Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Saylici, ayaa isaguna bogaadiyey nidaamkan casriga ah ee sida fudud loogu diiwaangelinayo xirfadleyaasha caafimaadka, waxanu ugu baaqay cid kasta oo aqoon caafimaad leh inay\u00a0 is diiwaangeliso, si ka hortagga Aafada COVID-19 loogu helo xirfadleyaal aqoon buuxda u leh arrimaha caafimaadka.<\/p>\n<p>http:\/\/www.medsomaliland.com<\/p>\n<p>Arabsiyonews.com<\/p>\n<p>Hargaysa Office<\/p>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (AN)- Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta daah-furtay nidaam casri ah oo si fudud loogu diiwaangelinayo mihnadleyaasha caafimaadka ee ku sugan gobollada iyo degmooyinka dalka, kuwaas oo si mutadawacnimo ah uga qayb-qaadan doona ka hor-tagga iyo u diyaargarowga xanuunka COVID-19-ka. Munaasibad ballaadhan oo lagu shaacinayey bilowga habkan casriga ah oo qof kasta oo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":56670,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-56669","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2020\/04\/wasaarada-caafimaadka-GTS-2.jpg?fit=800%2C533&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-eK1","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/56669","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=56669"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/56669\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":56672,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/56669\/revisions\/56672"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/56670"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=56669"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=56669"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=56669"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}