{"id":56548,"date":"2020-03-26T10:35:29","date_gmt":"2020-03-26T10:35:29","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=56548"},"modified":"2020-03-26T10:35:29","modified_gmt":"2020-03-26T10:35:29","slug":"xogo-kala-duwan-oo-ku-saabsan-masaajid-ku-yaala-magaalada-abaarso-oo-gubtay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2020\/03\/26\/xogo-kala-duwan-oo-ku-saabsan-masaajid-ku-yaala-magaalada-abaarso-oo-gubtay\/","title":{"rendered":"Xogo Kala Duwan Oo Ku Saabsan Masaajid Ku Yaala Magaalada Abaarso Oo Gubtay"},"content":{"rendered":"<p><b>A<\/b>baarso (Arbsiyonews) \u2013 Mid ka mid ah Masaajiddada Tuulada Abaarso ee Galbeedka Magaalada Hargeysa ayaa gubtay Habeennimadii Taariikhdu ahayd 23-kii bishan March,\u00a0 markii Salaadda Cishaa\u2019i laga baxay ka dib.<\/p>\n<p>Masaajidka gubtay oo dhinaca Waqooyi ka xiga Jidka dheer ee Waqooyi iyo Koonfur u kala qaybiya Tuulada Abaarso ayaa waxyeelo ka soo gaadhay dabka oo markii dambe la bakhtiiyey.<\/p>\n<p>Illaa hadda lama oga waxa sababay Gubashada Masaajidka, balse Xubin ka mid ah Guddiga Maamusha Masaajidka ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in aanay garanayn Cidda gubtay iyo sababta loo gubay midna, balse markii la bakhtiiyey gudaha Masaajidka laga helay Caagado loo malaynayo inay lagu soo qaaday Shidaal la aaminsan yahay in loo adeegsaday gubista Masaajidka\u2026\u201cMasaajidka waxaanu ka dhex helnay Caagado..\u201d ayuu yidhi, Xubintaasi oo diidday in Magaciisa la sheego, waxaanu intaa ku daray in Subaxnimadii ka dambaysay habeennimadii falkani dhacay ay halkaasi yimaaddeen Ciidamo Boolis ah, kuwaasi oo bilaabay baadhis ay ku ogaanayaan in Masaajidku uu gubtay iyo in la gubay \u201cIllaa hadda Ciidanku baadhistii way la maqan yihiin..\u201d ayuu hadalkiisa raaciyey.<\/p>\n<p>Xubinta Guddiga ka mid ah oo Wargeyska Geeska Afrika waydiiyey inuu ogyahay khilaaf sababi kara in dhinacyo\u00a0 is khilaafsani falkan geysan karaan iyo in kale, ayaa sheegay inaanu deegaanka ka jirin wax khilaaf ah oo gaadhsiisan in Masaajid la gubo \u201cMa Ogin wax khilaaf ah oo Diin la xidhiidha..\u201d ayuu yidhi.<\/p>\n<div id=\"quads-ad2\" class=\"quads-location quads-ad2\"><\/div>\n<p>Guddoomiyaha Guddoomiyaha Tuulada Abaarso Mr. Jibaax ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in Masaajidka aan cidna gubin ee uu dabku ka kacay Shoodh ka dhashay laydhka Masaajidka ku xidhan, balse taa beddelkeeda oo ah in la gubay waxa aaminsan Xubinta Guddiga Masaajidka Maamusha ah oo sheegay in haddii Masaajidka Shoodh ka dhici lahaa laga dareemi lahaa Xaafadaha Masaajidka ku dhow ee ay isku laydhka yihiin \u201cXaafadaha kale ayuu laydhku ka bakhtiyi lahaa..\u201d ayuu yidhi.<\/p>\n<p>Masaajidka Abaarso waxa wax ku barta Arday badan, kuwaasi oo dhawaan galay Fasax, markii Guddiga ka hor-tagga Coronavirus soo saareen Amarka ah in la fasaxo Dugsiyada Waxbarashada, si looga baaqsado Coronavirus.<\/p>\n<p>Ugu dambayn, Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo Wargeyska Geeska Afrika uu isku dayey inuu arrintan wax ka waydiiyo aanay suurto-gelin inaanu helno.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Abaarso (Arbsiyonews) \u2013 Mid ka mid ah Masaajiddada Tuulada Abaarso ee Galbeedka Magaalada Hargeysa ayaa gubtay Habeennimadii Taariikhdu ahayd 23-kii bishan March,\u00a0 markii Salaadda Cishaa\u2019i laga baxay ka dib. Masaajidka gubtay oo dhinaca Waqooyi ka xiga Jidka dheer ee Waqooyi iyo Koonfur u kala qaybiya Tuulada Abaarso ayaa waxyeelo ka soo gaadhay dabka oo markii [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":56549,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-56548","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2020\/03\/90965362_2873080559435095_4647422504267153408_n-696x338.jpg?fit=696%2C338&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-eI4","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/56548","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=56548"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/56548\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":56550,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/56548\/revisions\/56550"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/56549"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=56548"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=56548"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=56548"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}