{"id":56540,"date":"2020-03-25T10:42:10","date_gmt":"2020-03-25T10:42:10","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=56540"},"modified":"2020-03-25T10:42:10","modified_gmt":"2020-03-25T10:42:10","slug":"somaliland-oo-xidhay-xudduudaha-dalka-la-jaarka-ah","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2020\/03\/25\/somaliland-oo-xidhay-xudduudaha-dalka-la-jaarka-ah\/","title":{"rendered":"Somaliland oo Xidhay Xudduudaha Dalka La Jaarka ah"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa(Arbsiyonews)- Guddida heer qaran ee Jamhuuriyadda Somaliland u xil-saartay\u00a0 u diyaar-garowga iyo ka hortagga Xannuunka COVID19, ayaa xidhay xadka dhulka ah ee Somaliland\u00a0 la leedahay Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya.<\/p>\n<p>Guddidu waxay sidaas ku sheegtay warsaxaafadeed xambaarsan go\u2019aanno muhiim ah oo ay maanta soo saartay, kaasi oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, waxaanu u qornaa sidan:-<\/p>\n<p>\u201cGuddida heer Qaran ee u-diyaar-garawga iyo ka hortagga xanuunka COVID-19 ka dib markay qiimayn ku samaysay xogaha iyo xaaladdihii u danbeeyey ee la xidhiidha xannuunka saf-marka ah ee COVID-19 ee haleelay dunidda, isla markaaana ay darseen hawlaha loogu diyaar-garoobayo lagagana hortagayo xannuunka COVID-19, waxay go\u2019aamiyeen qodobadan hoos ku xusan:<\/p>\n<p>1.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0Ugu horrayn, waxa Bulshada Somaliland lagu adkaynayaa in ay ka taxadaaraan halista xannuunka COVID-19, ayna raacaan farriimaha wacyigalinta ah ee loogu talo galay ka hor-tagga xanuunka COVID-19 ee bahda caafimaadku la wadagaayso bulshada.<\/p>\n<p>2.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0Guddidu markay qiimaysay xaaladda rakaabka ka soo dagaya Madaarka Cigaal International Airport, waxay go\u2019aamisay in dhammaan rakaabka la socda diyaaradaha ee soo galaya dalka in laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay\u00a0<strong>25<sup>th<\/sup>\u00a0March 2020\u00a0<\/strong>muddo 14 cisho ah lagu haynayo goobo gaar ah\u00a0<strong>(QUARANTINE),<\/strong>\u00a0muddadaas oo la hubin doono xaaladdooda caafimaad, iyagoo rakaabkaasi isu qabi doona kharashka ku baxaya muddadaas 14-ka cisho ah ee\u00a0 la haynayo.<\/p>\n<p>3.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0Waxa la xidhay dhamman xadka dhulka ah ee Somaliland ay la leedahay dalalka ITOOBIYA, DJIBUTI IYO SOOMAALIYA muddo 3 toddobaad ah, laga bilaabo\u00a0<strong>26<sup>th<\/sup>\u00a0March 2020, 06:00 PM,<\/strong>\u00a0waxa kaliya oo ka soo gudbi kara waxyaaabaha daruuriga ah sida Raashinka, Shidaalka, Daawooyinka iyo Agabyada kala duwan ee caafimaadka iyo Baddeecadaha Ganacsiga.<\/p>\n<p>4.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0Waxa la xidhay dhammaan Marsooyinka Badda ee Somaliland marka laga reebo\u00a0<strong>DEKADDA BERBERA<\/strong>\u00a0oo ay ka soo degi karaan waxyaaabaha daruuriga ah sida Raashinka, Shidaalka,\u00a0 Daawooyinka iyo Agabyada kala duwan ee caafimaadka iyo Badeecadaha Ganacsiga laga bilaabo\u00a0<strong>26<sup>th<\/sup>\u00a0March 2020, 06:00 PM.<\/strong><\/p>\n<p>5.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0Masuuliyiinta Wasaaradaha iyo Hay\u2019adaha madaxa-bannaan ee dawladda waxa lagu wargalinayaa in ay shaqaalaha ay ka maarmayaan ay faraan in ay ku shaqeeyaan guryahooda iyagoo ku jiraya heegan\u00a0 buuxa.\u00a0<strong><em>Arrintani ma saamaynayso Wasaaradaha iyo Hay\u2019adaha hoos ku xusan \u00a0oo duruufo gaar ah awgeed loogu baahan yahay inay si buuxda u shaqeeyaan.<\/em><\/strong><\/p>\n<p>a.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0Shaqaalaha Wasaaradda\u00a0Horumarinta\u00a0Caafimaadka<\/p>\n<p>b.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0Shaqaalaha Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda<\/p>\n<p>c.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigalinta iyo Dhaqanka<\/p>\n<p>d.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0Shaqaalaha Madaarka Cigaal International Airport<\/p>\n<p>e.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0Shaqaalaha Dekadda Berbera<\/p>\n<p>f.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0Shaqaalaha Haamaha Shidaalka Berbera<\/p>\n<p>g.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0Shaqaalaha Wadada Ceergaabo-Burco<\/p>\n<p>h.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0Shaqaalaha Baangiyada Somaliland<\/p>\n<p>i.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0Shaqaalaha Dawladaha Hoose ee dalka<\/p>\n<p>6.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0Hay\u2019adaha dawladda ee u xilsaaran fulinta go\u2019aannada loogu diyaargaroobayo lagagana hortagayo COVID-19 ee guddidu soo saartay, waxa lagu wargalinayaa in ay cid kasta oo ka dhaga adaygta hirgalinta go\u2019aamadan ay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan.<\/p>\n<p><strong>Wa Billahi Tawfiiq<\/strong><\/p>\n<p><strong>Xubnaha Guddida<\/strong><\/p>\n<p>1.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka<\/p>\n<p>Cumar Cali Cabdullaahi<\/p>\n<p>2.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha<\/p>\n<p>\u00ad\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Maxamed Kaahin Axmed<\/p>\n<p>3.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0Wasiirka Wasaaradda Diinta &amp; Awqaafta<\/p>\n<p>Sh. Khaliil Cabdillaahi Axmed<\/p>\n<p>4.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0Wasiirka Wasaradda Waxbarashada &amp; Sayniska<\/p>\n<p>Axmed Maxamed Diiriye (Toorno)<\/p>\n<p>5.\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Wacyigalinta &amp; Dhaqanka<\/p>\n<p>Saleebaan Yuusuf Cali Koore<\/p>\n<figure class=\"wp-block-image size-large\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" data-attachment-id=\"39742\" data-permalink=\"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2017\/11\/05\/daawo-madaxwaynayaashii-hore-ee-somaliland-oo-baaq-qaran-u-diray-asxaabta-hirdanku-ka-dhexeeyo\/ghy\/\" data-orig-file=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/GHY.png?fit=521%2C384&amp;ssl=1\" data-orig-size=\"521,384\" data-comments-opened=\"1\" data-image-meta=\"{&quot;aperture&quot;:&quot;0&quot;,&quot;credit&quot;:&quot;&quot;,&quot;camera&quot;:&quot;&quot;,&quot;caption&quot;:&quot;&quot;,&quot;created_timestamp&quot;:&quot;0&quot;,&quot;copyright&quot;:&quot;&quot;,&quot;focal_length&quot;:&quot;0&quot;,&quot;iso&quot;:&quot;0&quot;,&quot;shutter_speed&quot;:&quot;0&quot;,&quot;title&quot;:&quot;&quot;,&quot;orientation&quot;:&quot;0&quot;}\" data-image-title=\"GHY\" data-image-description=\"\" data-image-caption=\"\" data-large-file=\"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2017\/11\/GHY.png?fit=521%2C384&amp;ssl=1\" class=\"td-animation-stack-type0-2 alignnone wp-image-39742\" src=\"https:\/\/i2.wp.com\/warfaafintajsl.com\/Solna\/wp-content\/uploads\/2020\/03\/90634411_647289462775271_3083492978988154880_n.jpg?w=640&amp;ssl=1\" sizes=\"auto, (max-width: 270px) 100vw, 270px\" srcset=\"https:\/\/i2.wp.com\/warfaafintajsl.com\/Solna\/wp-content\/uploads\/2020\/03\/90634411_647289462775271_3083492978988154880_n.jpg?w=270&amp;ssl=1 270w, https:\/\/i2.wp.com\/warfaafintajsl.com\/Solna\/wp-content\/uploads\/2020\/03\/90634411_647289462775271_3083492978988154880_n.jpg?resize=216%2C300&amp;ssl=1 216w\" alt=\"\" width=\"453\" height=\"629\" \/><\/figure>\n<figure class=\"wp-block-image size-large\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"wp-image-39743 td-animation-stack-type0-2\" src=\"https:\/\/i1.wp.com\/warfaafintajsl.com\/Solna\/wp-content\/uploads\/2020\/03\/90595737_2606513519582747_424642613396635648_n.jpg?w=640&amp;ssl=1\" sizes=\"auto, (max-width: 390px) 100vw, 390px\" srcset=\"https:\/\/i1.wp.com\/warfaafintajsl.com\/Solna\/wp-content\/uploads\/2020\/03\/90595737_2606513519582747_424642613396635648_n.jpg?w=390&amp;ssl=1 390w, https:\/\/i1.wp.com\/warfaafintajsl.com\/Solna\/wp-content\/uploads\/2020\/03\/90595737_2606513519582747_424642613396635648_n.jpg?resize=244%2C300&amp;ssl=1 244w, https:\/\/i1.wp.com\/warfaafintajsl.com\/Solna\/wp-content\/uploads\/2020\/03\/90595737_2606513519582747_424642613396635648_n.jpg?resize=324%2C400&amp;ssl=1 324w, https:\/\/i1.wp.com\/warfaafintajsl.com\/Solna\/wp-content\/uploads\/2020\/03\/90595737_2606513519582747_424642613396635648_n.jpg?resize=341%2C420&amp;ssl=1 341w\" alt=\"\" width=\"547\" height=\"673\" \/><\/figure>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa(Arbsiyonews)- Guddida heer qaran ee Jamhuuriyadda Somaliland u xil-saartay\u00a0 u diyaar-garowga iyo ka hortagga Xannuunka COVID19, ayaa xidhay xadka dhulka ah ee Somaliland\u00a0 la leedahay Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya. Guddidu waxay sidaas ku sheegtay warsaxaafadeed xambaarsan go\u2019aanno muhiim ah oo ay maanta soo saartay, kaasi oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wakaaladda Wararka Somaliland [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":56541,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-56540","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2020\/03\/1-2-1.jpg?fit=696%2C433&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-eHW","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/56540","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=56540"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/56540\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":56542,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/56540\/revisions\/56542"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/56541"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=56540"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=56540"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=56540"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}