{"id":55398,"date":"2020-02-22T12:31:38","date_gmt":"2020-02-22T12:31:38","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=55398"},"modified":"2020-02-22T12:31:38","modified_gmt":"2020-02-22T12:31:38","slug":"akhrisoafka-hooyo-maw-hiilinaa","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2020\/02\/22\/akhrisoafka-hooyo-maw-hiilinaa\/","title":{"rendered":"Akhriso&#8221;Afka Hooyo Maw Hiilinaa&#8221;"},"content":{"rendered":"<p>AFKA HOOYO, MA U HIILINNAA?<\/p>\n<p>Af, waa baaq codeed, oo bulsho isku fahanto, ujeeddo qummanna leh. Afku waa weelka xambaarsan, xaddaradihii ummadihii hore. Afku waa aqoonsiga ama sumadda, uu dad lee yahay. Afku waa khadnadda ay ku jiraan, shacabku wixii hanti uu lahaa oo dhan. Taasi oo afkaar, caadooyin, taariikh iyo diin ah. Marka ay degel-baadhayaashu waayaan raadad muujinaya taariikhdii hore ee ummadi lahayd, waxa ay ka war-doonaan, cilmi-afeedka, si loo baadi-goobo, wada dhalashda ka dhexaysa, ummado aan isirkoodu caddayn. Sidoo kale, marka la doonayo in ummad la baabi\u2019iyo, oo la burburiyo, waxa laga weeraraa afkooda , kaasi oo ay ku kaydsan yihiin mahadhadoodii maguuraanka ahayd, kaydkii ab-ogaaga ahaa, caadooyinkii ay iska soo dhaxleen, dhaqammadii ka dhexeeyey iyo hiddahoodii hodanka ahaa. In lagu addoonsadaa waa gumaysi, afkaaga se in la tirtiraa waa dabar-goyn. Haa, waa dabar-goyn dunida lagaa xaalufinayo, iyada oo lala dirirayo sinjigaaga, sawracaaga, sumaddaada, soohdintaada iyo sumcaddaada soo jireenka ah. Af-soomaaligu, waxa uu ka mid yahay afafka dunida lagaga hadlo, oo tiradooda lagu qiyaaso 7000 oo af, waxa uuna ka mid yahay afafka reer Xamito-Semitig (Afro-Aasiyatig), oo tiradoodu tahay 300, loona kooxeeyo lix bahood oo kala ah: Semitig, Berber, Chadic, Omotig, afkii Masaaridii hore iyo kushitig oo Af-soomaaligu ka mid yahay, islamarkaana ay ka wada tirsan yihiin Saho-canfarta, Oromada iyo Sidamoga, siiba kushitikada bari. Haddabe, af-soomaaligu waa uu sii farcamaa, waxana lagu qiyaasaa 25 af-guri(Lahjadood) kaasi oo loo qaybiyo saddex kooxood, oo kala ah \u201cMaxaatiri, Maay iyo Maadhati(Ashraaf)\u201d waxana ugu caansan lahjadda \u2018Maxaatiri\u2019.<\/p>\n<p>Ururka wax-barashada Science-ka iyo dhaqanka ee UNESCO ee Qaramada Midoobey, ayaa ka dib markii uu cilmi-baadhis ku ogaadey afafka dunida lagaga hadlo oo lagu qiyaaso 7000, ay kala badh in ka badani konton sano gudahood ay ku dabar-go\u2019ayaan, haddii aan loo gurman. Iyada oo halkaas laga shiidaal qaadanayo ayaa bishii November, 1999 golaha Qaramada Midoobey uu 21 ka February u aqoonsaday maalinta caalamiga ah ee afka hooyo, islamarkaana dalalka dunida oo idil laga xuso, waxaana la dhaqan geliyey 21 February, 2000 oo xuskii ugu horreeyey la sameeyey.<br \/>\nHase ahaatee waxa is-wayddiin leh, sidee ayay dunidu maalintan ku dooratay? Maxay maalmaha kale kaga xulatay? Sidee se la isugu raacay oo looga runsheegay.? Aqoon yahayn reer bangaaladhesh ah, oo lagu magacaabo \u201cRafiiqul Islaam\u201d ayaa 9kii January, 1998, warqad u qoray xog-hayihii guud ee Qaramada Midoobey ee xilligaasi, Kofi Anan, isaga oo u bandhigay in si loo badbaadiyo afka dunida, loo asteeyo 21 February, taasi dalkiisa xusuus gaar ah ugu fadhida.<\/p>\n<p>Soo jeedinta Rafiiqul islaam iyo doorashada maalintan, sababta keentay ayaa ah, in 21kii February, 1952 ay magaalada Daka ee dalka Bangaaladhesh, ciidanka dawladdu ku laayeen dhallinyaro samaysay bannaan-bax ay ku dalbanayeen in afkooda hooyo oo ah Bangaali, looga dhigo afka wax-barashda, halka ay dawladdu na ku doodaysey afka Urduuga. Rasaas nool oo loo adeegsaday ka dib, waxa halkaasi ku naf waayey dhallinyaro dhawr ah, oo ay ka mid ahaayeen: Salaan, Barakaat, Rafiiq iyo Jabbaar, oo u dhintay badbaadada afkooda hooyo. Shan sano ka dib 1956kii ayaa la meelmariyey afkii bangaaliga ee ardaydaasi u naf waydey.<br \/>\nQayladhaan dheer iyo orod aan nasasho lahayn ka dib, waxa maalinta afka hooyo markii ugu horraysey ee ay soo gaadho deegaanka Soomaalida, laga xusay magaalada Jabuuti, iyada oo aqoonyahanno Soomaaliyeed u soo dhabar-adaygeen muddo dheer; kuwaasi oo ay ugu horreeyaan naadiga qalinlayda iyo hal-abuurka ee \u201cSomali PEN\u201d iyo akaadamid goboleedka Af-soomaaliga ee \u201cAGA\u201d.<\/p>\n<p>Dr. Maxamed Daahir Afrax, guddoomiyihii naadiga Somali PEN, oo hormuud ka ahaa qayladhaantaasi, ayaa 12kii October, 2005, u gudbiyey madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, qoraal uu kaga codsanayo in uu amar sharciyaysan ka soo saaro in sannad kasta Jabuuti laga xuso maalinta afka hooyo. Madaxweyne I. C. Geelle, gacma furan ayuu ku soo dhaweeyey soo jeedintaas, waxa uuna ka soo saaray xeer madaxweyne oo amraya in sannad kasta Jabuuti laga xuso, oo munaasibado loo sameeyo afka hooyo, lagana bilaabo 21 Februaary, 2006. Intaasi ka dib, naadiga Somali PEN, waxa uu gaadhsiiyey geyiga Soomaalida iyo geeska Africa, maantana waxa laga xusaa deegaannada Soomaalidu ay degto oo idil. Haddaba, waxa nasiibdarro ah in aynu dayacnay, oo aynaan halkii ka qaadin, islamarkaana aynaan maalinta afka hooyo mudnaan dheeri ah siinnin. Inkasta oo kuwo dadaadley ay deegaannada Soomaaliyeed oo dhan ku fidiyeen, innagu waynu aasnay, oo axankiisa ayaynu ruugney. Waa aynu xusnaa maalinta afka hooyo; balse xoogga ma saarno hodantinimada uu lee yahay iyo sida uu uga heer sarreeyo afaf badan oo ku xeeran. Iskuma wayddiino waxyaabaha la isku khilaafsan yahay, ee deegaannadu ku kala gedisan yihiin. Kuma soo bandhigno agabkii soo jireenka ahaa ee ab-laga soo gaadhka ahaa. Kagama doodno hab-qoraalka sida weyn la isugu maandhaafsan yahay. Haddii aynu inyar ka soo qaadano, waxa jira ereyo door ah oo bulshada Soomaaliyeed ku kala gedisan tahay, kuwaasi oo ay qola kastaaba si gaar ah ugu dhawaaqdo. Sida, suxul\/xusul; habeen\/hameen; gacmo\/gamco; dawaco\/dacawo; qudhaanjo\/qudhaanyo; socdaal\/sodcaal, necbaan\/nebcaan; gabadh\/gabar; gambadh\/gambar; gadh\/gar; xidhiidh\/xiriir; gadhoodh\/garoor; caydh\/cayr; khuraafaad\/quraafaad; bakhti\/baqti; dhakhso\/dhaqso; bakhayl\/baqayl. Haddaba, ereyadan aynu kor ku soo xusnay, ee deegaannada Soomaalidu ku kala duwan yihiin, waa in aynu ka doodnaa oo kaga faa\u2019iidaysannaa maalinta loo asteeyey afka hooyo, maaddaama aysan jirin dawlal inna midaysaa; balse uu jiro af xoog badan oo innaga dhexeeyaa. Geesta kale, waa in aynu muujinnaa oo soo bandhignaa hodantinimada afkeenna, innaga oo u awood sheeganayna afafka kale ee dunida. Afka Soomaaligu in uu yahay mid hodan ah, waxa markhaati u ah ereyadan hoos ku xusan, ereyadaas oo midkiiba uu macnayaal badan bixinayo.<br \/>\nGolxob: billaawe; toorrey; abley<br \/>\nGodob: aano; utun; asaayo; dakano; gashi.<br \/>\nGaraad: maan; kas; caqli; laab; dhimir; maskax; fiiro; dhugmo; xirgi.<br \/>\nCunto: dhuuni; dhadhamo; dheef; gasiin; soor.<br \/>\nAwrta: Ba\u2019nan, baar-furan, bacadle, baar-qab, biya-ma-daadshe, hayin, gurgurshaa, Koran, layli, rerey, rati, awr-wayuud, karinle.<\/p>\n<p>In afkeenna hooyo uu qani yahay, waxa caddaynaya heerarka kala duwan ee ay caanaha geelu maraan, kuwaas oo marka is-beddel ku yimaadaba ay magac gaar ah yeeshaan. waana kuwan: Lis, sulux, galxood(Galax), mayac, suusac, il-qaad, maydhanaan, karuur, jinaw, ganuun, waraabe-qandhis.<br \/>\nSi kastaba ha ahaatee, waxa aan ugu dambayn soo jeedinayaa, in maalinta afka hooyo oo ku beegan 21ka February, looga faa\u2019iidayso horumarinta afka, soo bandhigidda hugii iyo saabaankii aynu hiddaha u lahayn iyo qabyo-qoraalka afkeenna, innaga oo qallinkeenna midaynayna. Waxa kale oo aan wasaaradda wax-barashada u soo bandhigayaa islamarkaana aan ku boorrinayaa, in ubadka yaryar afkooda hooyo wax lagu baro, si fahamkoodu u fududaado, fikirkooduna u dheeraado. Sodoo kale, waxa aan soo jeedinayaa in maaddada Af-soomaaliga mudnaanteeda la siiyo, oo macallimiinta dhigta la tayeeyo, il kalgacal na lagu eego.<\/p>\n<p>XUSUUSIN: maalinta berri ah, 21ka February, 2020, waa maalinta loo asteeyey afka hooyo, islamarkaana laga xuso dunida oo dhan. Haddaba, waxa aan bulshada Soomaaliyeed xusuusinayaa, in maalintani ay qiimo wayn innoo leedahay. Waxa aan bulshada kula talinayaa, in aynu maalintan maamuusno, oo munaasibado gaar ah u samayno.<\/p>\n<p>W\/Q: Maxamuud Maxamed X. Ibraahim (Jeesto)<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>AFKA HOOYO, MA U HIILINNAA? Af, waa baaq codeed, oo bulsho isku fahanto, ujeeddo qummanna leh. Afku waa weelka xambaarsan, xaddaradihii ummadihii hore. Afku waa aqoonsiga ama sumadda, uu dad lee yahay. Afku waa khadnadda ay ku jiraan, shacabku wixii hanti uu lahaa oo dhan. Taasi oo afkaar, caadooyin, taariikh iyo diin ah. Marka ay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":17,"featured_media":55399,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-55398","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/20200222_113748.jpg?fit=674%2C458&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-epw","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/55398","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/17"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=55398"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/55398\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":55400,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/55398\/revisions\/55400"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/55399"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=55398"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=55398"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=55398"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}