{"id":55286,"date":"2020-02-13T11:29:47","date_gmt":"2020-02-13T11:29:47","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=55286"},"modified":"2020-02-13T11:29:47","modified_gmt":"2020-02-13T11:29:47","slug":"maraykanka-oo-shirkadda-al-barakaad-ka-qaaday-xayiraaddii-saarneyd-kana-saaray-liiska-argagaxisada","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2020\/02\/13\/maraykanka-oo-shirkadda-al-barakaad-ka-qaaday-xayiraaddii-saarneyd-kana-saaray-liiska-argagaxisada\/","title":{"rendered":"Maraykanka Oo Shirkadda Al-Barakaad Ka Qaaday Xayiraaddii Saarneyd, Kana Saaray Liiska Argagaxisada"},"content":{"rendered":"<p class=\"has-medium-font-size\">Dowladda Maraykanka waxay shalay Liiska Argagaxisada ka sartay Kooxda Shirkaddaha Barakaat ee The Barakaat Group of Companies, taasi oo ay Cunaqabatayn saarnayd tan iyo bishii November ee sannadkii 2001-dii xilligaas oo weerar uu ka dhacay Maraykanka.<\/p>\n<figure class=\"wp-block-image size-large\"><img data-recalc-dims=\"1\" decoding=\"async\" class=\"wp-image-38211\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandtoday.com\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/ok-1.jpg?w=696&#038;ssl=1\" sizes=\"(max-width: 696px) 100vw, 696px\" srcset=\"https:\/\/somalilandtoday.com\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/ok-1.jpg 696w, https:\/\/somalilandtoday.com\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/ok-1-300x180.jpg 300w, https:\/\/somalilandtoday.com\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/ok-1-400x240.jpg 400w\" alt=\"\" \/><\/figure>\n<p class=\"has-medium-font-size\">Waaxda Maaliyadda ee Maraykanka ayaa Hadal-qoraal oo ka soo baxay lagu sheegay inay xidheen Cutubkii eedeymaha ee ay u haysteen Kooxda Shirkadaha Soomaaliyeed ee The Barakaat Group of Companies ee shaqadooda ahayd Shirkad ka shaqeyn jirtey Xawaaladda Lacagaha.<\/p>\n<p class=\"has-medium-font-size\">Bilo kadib, markii ay dhaceen Weeraradii Diyaaradaha ee bishii September 11-dii ee sannadkii 2001-dii lagu burburiyey Daarihii Mataanaha ayey Dowladda Maraykanku xayirtay Hantidii Shirkadda Al-barakaat, lana wareegeen dhamaan Dukumentiyadii iyo Diiwaan-gelinadii ay Shirkadaasi ku lahayd Caalamka.<\/p>\n<p class=\"has-medium-font-size\">Xayiraadaasi kadib, waxa uu Xoghayaha Maaliyadda ee Maraykanka Paul O\u2019Neil sheegay inay Al-barakaat malaayiin Dollar sannadkiiba u gudbin jirtey Ururka Al-qaacida, waa sida uu hadalka u yidhi, inkastoo ay Shirkadda The Barakaat Group of Companies had iyo jeer gaashaanka ku dhuftaan Eedeymahaasi.<\/p>\n<p class=\"has-medium-font-size\">Dhinaca kale, Kooxda Baadhayaasha Maraykanka ee Weeraradii Daaraha Mataanaha ee September 11-dii ee sannadkii 2001-dii waxay sheegeen in ayna haynin caddaymo Toos ah oo muujinaya in aanu waxa xidhiidh ah ka dhexeynin Al-barakaat iyo nooc kasta ee Kooxaha loogu yeedho Argagixisadda.<\/p>\n<p class=\"has-medium-font-size\">Qaadista Cunaqabatayntaasi ayaa timid dhowr toddobaad kadib, markii Waaxda Maaliyadda Maraykanka shaacisay in ayna wax dembi ah gelin Shirkadda u qabilsan U-ololeynta ee Park Strategies LLC ee xarunteeda ku taallo magaalladda New York ay wakiil u ahayd Shirkadda Albarakaat.<br \/>\nDowladda Maraykanka waxay Asaasaha Shirkadda Albarakaat, Axmed Nuur Cali Jimcaale iyo Kooxda Shirkadaha Albarakaat ee The Barakaat Group of Companies waxay Liiska Xayiraadda ka saareen sannadkii 2016-kii, halka ay QM liiska Cunaqabataynta ka saartay Axmed Nuur Cali Jimcaale iyo Kooxda Shirkadaha Albarakaat sannadkii 2012-kii.<\/p>\n<p class=\"has-medium-font-size\">Shirkadda Al-barakaat waxay Xaruumahooda Maaliyadda ku yaallaan dalka Imaaraadka, waxayna lahaayeen in ka badan 180 Xafiisyo u qaabilsan Xawaaladda Lacagaha oo ku kala yaalla 40-Waddan.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowladda Maraykanka waxay shalay Liiska Argagaxisada ka sartay Kooxda Shirkaddaha Barakaat ee The Barakaat Group of Companies, taasi oo ay Cunaqabatayn saarnayd tan iyo bishii November ee sannadkii 2001-dii xilligaas oo weerar uu ka dhacay Maraykanka. Waaxda Maaliyadda ee Maraykanka ayaa Hadal-qoraal oo ka soo baxay lagu sheegay inay xidheen Cutubkii eedeymaha ee ay u [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":17,"featured_media":55287,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-55286","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2020\/02\/ydsds.png?fit=595%2C320&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-enI","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/55286","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/17"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=55286"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/55286\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":55288,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/55286\/revisions\/55288"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/55287"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=55286"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=55286"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=55286"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}