{"id":5487,"date":"2015-02-08T14:20:08","date_gmt":"2015-02-08T14:20:08","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=5487"},"modified":"2015-02-08T14:20:08","modified_gmt":"2015-02-08T14:20:08","slug":"xoolo-dhaqato-qaylo-dhaan-ka-soo-saaray-dhimashada-xoolaha-oo-kor-u-kacday-iyo-ololeyaasha-wasaaradda-oo-ay-hal-bacaad-lagu-lisay-ku-tilmaameen","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/02\/08\/xoolo-dhaqato-qaylo-dhaan-ka-soo-saaray-dhimashada-xoolaha-oo-kor-u-kacday-iyo-ololeyaasha-wasaaradda-oo-ay-hal-bacaad-lagu-lisay-ku-tilmaameen\/","title":{"rendered":"Xoolo-Dhaqato Qaylo-Dhaan Ka Soo Saaray Dhimashada Xoolaha Oo Kor U Kacday Iyo Ololeyaasha Wasaaradda Oo Ay Hal-Bacaad Lagu Lisay Ku Tilmaameen"},"content":{"rendered":"<div class=\"left-column-single\">\n<div class=\"image-holder\"><a class=\"tooltip colorbox cboxElement\" title=\"\" href=\"http:\/\/batalaalenews.net\/uploads\/article\/photo\/IMG_474214-DB39D6-B41148-23B4C5-225C91-187D79.jpg\" rel=\"single\"><img decoding=\"async\" class=\"aimage\" src=\"http:\/\/batalaalenews.net\/assets\/thumb.php?src=\/uploads\/article\/photo\/IMG_474214-DB39D6-B41148-23B4C5-225C91-187D79.jpg&amp;h=210&amp;w=210\" alt=\"\" \/><\/a><\/p>\n<div class=\"image_shaddow\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/batalaalenews.net\/assets\/images\/utility\/thumb-shadow.png?resize=210%2C5\" alt=\"\" width=\"210\" height=\"5\" \/><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<div id=\"article_body\" class=\"body\">Dhimashada Lo&#8217;da iyo Adhigaba lama tiro koobi karo oo maalin walba way bakhtiyaan Xooluhu jiiddan oo dhan, waxaana ku dhacay Sambab iyo Cabeeb,&#8221; \u2013 Xoolo-dhaqatada &#8220;Bishii hore waxa Gobolku soo diray Laba kooxood oo caafimaadka Xoolaha ka shaqeeya, iminkana tiim kale oo dhawaan yimi ayaa wali jooga,&#8221; \u2013 Sarkaal dawladeed \u00a0Bulshada Xoolo dhaqatada ah ee ku dhaqan Degmada Dilla ee Gobolka Awdal iyo nawaaxigeeda, ayaa walaac ka muujiyay Cudurro Saf ah oo ku dhacay Xoolaha ay dhaqdaan, isla markaana ay u dhinteen Adhiga iyo Lo\u2019du, waxaanay dawladda iyo Hay\u2019addaha Caalamiga ah ka codsadeen gurmad daaweyn ah lala gaadho.<\/p>\n<div><\/div>\n<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/hubaalmedia.net\/wp-content\/uploads\/2015\/02\/xoolo-dhintay.jpg\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/hubaalmedia.net\/wp-content\/uploads\/2015\/02\/xoolo-dhintay.jpg?resize=300%2C372\" alt=\"xoolo dhintay\" width=\"300\" height=\"372\" \/><\/a><\/p>\n<p>Xubno ka mid ah Dadka reer Guraaga ah oo Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inay Xoolo tiro badan oo isugu jira Lo\u2019 iyo Adhi u dhinteen Xanuunnada Sababka iyo Cabeebka, bilihii la soo dhaafay, ilaa hadana wax gurmad caafimaad oo lagu badbaadinayo xoolaha aanay ka helin dawladda iyo Hay\u2019addaha ka shaqeeya horumarinta Xoolaha nool ee Dalka ku sugan.<\/p>\n<p>Inkasta oo ay tilmaameen in dhawaan Olole lagu talaalay xoolaha Gobolka laga fuliyey, haddana waxa ay ku tilmaameen inaanu ahayn mid tayadiisu fiicantahay oo ka hortag u noqday cudurrada xoolaha kaga dhacay.<\/p>\n<p>Waxa kale oo ay sheegeen Xoollo dhaqatadu in Caabuqa Sambabka loo yaqaanaa uu ku dhacay Adhiga, halka Lo\u2019da-na uu ku dhacay xannuunka Cabbeebku, heerka dhimashaduna ay kor u sii kacayso marba marka ka dambeysa.<\/p>\n<p>&#8220;Dhimashada Lo\u2019da iyo Adhigaba lama tiro koobi karo oo maalin walba way bakhtiyaan Xooluhu jiiddan oo dhan, waxaana ku dhacay Sambab iyo Cabeeb,\u201d sidaasi waxa warbaahinta u sheegay mid ka mid ah Wax-garadka Deegaanka.<\/p>\n<p>&#8220;Markaa waxaan dawladda iyo Hay\u2019addaha Caalamiga ah ka codsanaynaa in dhakhso loola soo gaadho dadkan Daawooyin tayo leh oo Xoolaha lagu daweeyo,\u201dayuu yidhi Nin kale oo ka tirsan bulshada Xoolo dhaqatada ahi.<\/p>\n<p>Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland oo ku saabsan cabashada ka soo yeedhay Xoolo dhaqatada Gobolka Awdal ee Xannuunnadu ka asiibeen Xoolaha ay dhaqdaan, hase-ahaatee Saraakiil u hadlay Maamulka Degmada, ayaa Warbaahinta u sheegay in deegaamada cabashadu ka soo yeedhay ay iskaga daba noqdeen Kooxo ka socda Wasaaradda Xoolaha ee Gobolku bilihii u dambeeyay, kuwaas oo ay sheegeen in qaarkood wali ku suganyihiin deegaannada hoos-yimaadda degmada Dilla ee cabashadu ka taagan tahay.<\/p>\n<p>Waxay intaas ku dareen in Cudurrada ka dilaacay Degmada Dilla ka dhasheen Xoollo ururis ah oo sida ay tibaaxeen ay halkaas geysay Shirkad Xoolaha Dhoofisa oo aanay magaceeda iyo cida leh toona shaacin. &#8220;Shirkadbaa Deegaanka keentay Xoolo Xannuunnada qaba ayay nagu yidhaahdeen dadku, Shirkaddiina intii badnayd way qaaday Xoolaheedii, markaa kollay marka dhaxantu jirto xooluhu way u nugulyihiin Xannuunada,\u201d sidaas waxa yidhi Sarkaal la hadlay warbaahinta oo ku madlayey madaxda dawladda ee gobolka.<\/p>\n<p>&#8220;Bishii hore waxa Gobolku soo diray Laba kooxood oo caafimaadka Xoolaha ka shaqeeya, iminkana tiim kale oo dhawaan yimi ayaa wali jooga,\u201d ayuu yidhi Sarkaalka Warbaahinta, waxaanu intaas ku daray, &#8220;Markaa Dadku si fiican ugamay faa\u2019idaysan gurmadka Kooxahan Gobolka laga soo diray.\u201d<\/p>\n<p>Xukuumadda Somaliland, ayaa badhtamihii sannadkii 2014-ka Gobollada dalka ka fulisay Ololeyaal Xoolaha lagu talaalayo oo Gobollada oo dhan laga fuliyey, sida Warbaahinta ka sheegeen Masuuliyiinta Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee heer Gobol.<\/p>\n<p>Dhinaca kale, wasiirka Xannaannada Xoolaha iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaas oo aanu xalay kala xidhiidhnay telefoonnada gacanta, ayaa noo suurta-galin inaanu helno, kaddib markii aanu la kulannay telefoonnada oo xidhan<\/p>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dhimashada Lo&#8217;da iyo Adhigaba lama tiro koobi karo oo maalin walba way bakhtiyaan Xooluhu jiiddan oo dhan, waxaana ku dhacay Sambab iyo Cabeeb,&#8221; \u2013 Xoolo-dhaqatada &#8220;Bishii hore waxa Gobolku soo diray Laba kooxood oo caafimaadka Xoolaha ka shaqeeya, iminkana tiim kale oo dhawaan yimi ayaa wali jooga,&#8221; \u2013 Sarkaal dawladeed \u00a0Bulshada Xoolo dhaqatada ah ee [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":5491,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-5487","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-1qv","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/5487","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=5487"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/5487\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=5487"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=5487"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=5487"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}