{"id":5472,"date":"2015-02-08T14:08:03","date_gmt":"2015-02-08T14:08:03","guid":{"rendered":"http:\/\/arabsiyonews.net\/?p=5472"},"modified":"2015-02-08T14:08:03","modified_gmt":"2015-02-08T14:08:03","slug":"shaqaalihii-warshadda-laydhka-hargeysa-ee-la-wareejiyay-oo-xukumadda-ku-eedeeyay-inay-xaqoodii-iyo-mushaharkiiba-kala-fadhiisatay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2015\/02\/08\/shaqaalihii-warshadda-laydhka-hargeysa-ee-la-wareejiyay-oo-xukumadda-ku-eedeeyay-inay-xaqoodii-iyo-mushaharkiiba-kala-fadhiisatay\/","title":{"rendered":"Shaqaalihii Warshadda Laydhka Hargeysa Ee La Wareejiyay Oo Xukumadda Ku Eedeeyay Inay Xaqoodii iyo Mushaharkiiba Kala Fadhiisatay"},"content":{"rendered":"<p>Hargeysa(AN)Shaqaalihii Warshaddii Korontada Hargeysa ee Dawladda ayaa maanta Mudaharaad ka dhigay Hargeysa kadib markii ay waayeen Xaqoodii iyo Mushahar ka maqnaa. Shaqaalaha ayaa Wasiirka Hawlaha guud ku eedeeyay inuu uga been sheegay Xaqooda ay ku mutaysteen muddada ay dawladda u shaqaynayeen iyo Mushaharaadka ay shaqaysteen oo ay tilmaameen inay muddo 45 Maalmood ah ka maqan tahay.<\/p>\n<p>\u201cWaxaa la ogyahay in meesha(Warshadda Korontada) la iibeyey oo lagu wareejiyey dad gaar ah ah,\u00a0 waxaanay shaqaalahu doonayaan in ay helaan wixii ay xaq u heleen iyo shaqadii ay dalka ku lahayeen.\u00a0markii aanu wax ka waydiinay shaqadayadii wasiirka hawlaha guud waxaa uu noo sheegay oo uu nagu yidhi \u201cwaar waxaad u shaqeynaysaan dadka gaarka ah ee aanu ku wareejinay maamulkii warshadda\u201d balse arrintaas waxay noqotay mid saaka beenowday oo soo gabo gabowday.\u00a0waxaanu saaka halkan ka sheegaynaa\u00a0 in shaqaalaha halkan taagani ay yihiin qaar xaqoodii ku jajabay\u00a0 oo dhaawacyo kala duwan soo gaadheen, qaar dhabarka ayey ka jabeen qaar lahafaha ayey ka jabeen qaar madaxa iyo maskaxda ayey wax ka noqdeen qof kastana maanta isaga oo qaba dhawaac ka soo gaadhey shaqadaas uu qaranka u hayey ayaa hadana waxaa uu maanta wasiirku halkan ka cadeeyey\u00a0 in aannu shaqaalaha xaqoodii u haynin\u201d ayay warbaahinta u sheegeen Shaqaalahaasi.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Shaqaalahan hore ee hay\u2019adda korontada dawladda ee hargeysa ayaa eedo culus u jeediyey wasiirka hawlaha guud cabdirisaaq khaliif axmed \u201cWasiirka hawlaha guud aamini mayno oo 45 jeer buu been noo sheegay oo maalin walba ballan kala duwan na siinayey waxaana saaka shaqadii laga fadhiisiyey 10 qof oo shaqaale ah isla markaana warqadan ku qoran taasina waxaa ay beeninaysaa shaqalahii la lahaa la eryi maayo wax sabab ah oo lagu eryeyna ma jirto\u201d<\/p>\n<p>Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Dhanka Xukumadda, hase ahaatee Shaqaalaha ayaa sheegay in ilaa 200 oo ka mid ah Shaqaalaha Hay\u2019adda Korontadu hadda yihiin shaqo la\u2019aan kadib markii Xukumaddu Shirkad ku wareejisay Hay\u2019adda.<\/p>\n<p>Warshaddii Laydhka Hargeysa ee Dawladda ayaa haatan loo bixiyay Hargeysa Energy Company,waxaana maamula Ganacsato shuraako ah. Waxaa isbedel lagu sameeyay Shaqaalaha iyo sidoo kale lacagaha oo Shilin-ka Somaliland lagu qaadi jiray balse haatan Dollar laga dhigay.Shirkadda ayaa haatan Bulshada ugu baaqaysa Laydh Jaban sida ku cad Xayaysiiska Shirkadda oo Warbaahinta ku soo baxa<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa(AN)Shaqaalihii Warshaddii Korontada Hargeysa ee Dawladda ayaa maanta Mudaharaad ka dhigay Hargeysa kadib markii ay waayeen Xaqoodii iyo Mushahar ka maqnaa. Shaqaalaha ayaa Wasiirka Hawlaha guud ku eedeeyay inuu uga been sheegay Xaqooda ay ku mutaysteen muddada ay dawladda u shaqaynayeen iyo Mushaharaadka ay shaqaysteen oo ay tilmaameen inay muddo 45 Maalmood ah ka maqan [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":3,"featured_media":5476,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[2],"tags":[],"class_list":["post-5472","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-1qg","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/5472","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/3"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=5472"}],"version-history":[{"count":0,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/5472\/revisions"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=5472"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=5472"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=5472"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}