{"id":54152,"date":"2020-01-06T09:14:54","date_gmt":"2020-01-06T09:14:54","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=54152"},"modified":"2020-01-06T09:14:54","modified_gmt":"2020-01-06T09:14:54","slug":"kornayl-caarre-iyo-madaxweyne-muuse-biixi-iyamaa-adkaadday","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2020\/01\/06\/kornayl-caarre-iyo-madaxweyne-muuse-biixi-iyamaa-adkaadday\/","title":{"rendered":"Kornayl Caarre Iyo Madaxweyne Muuse Biixi Iyamaa Adkaadday ?"},"content":{"rendered":"<p><strong>Hargeisa(Arabsiyo News)labaddii Sanaddood ee u dambeeyay waxa si wayn isku hayay labadda Kornayl ee <\/strong><strong>maalintii dhawayd uu is af-garadku dhex-maray waa Kornaylka Jabhadda hoggaamiya ee Caarre iyo Muuse\u00a0<\/strong><strong>Biixi Cabdi, Madaxweynaha Somaliland.<\/strong><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><strong>jabhadda Kornayl Caarre waxa ay ka dhalatay Dulmigii, eexdii, Sharci-daraddoo, Musuqmaasuqii iyo foolxummooyinkii ku xeernaa Xukuumadda uu hoggaamiyo Muuse Biixi Cabdi, waxaannu bulshadda reer<\/strong><br \/>\n<strong>Somaliland ugu baaqi jirey inay Dulmiga diiddaan, isla markaanna u kacaan Xaqa iyo Sinnaanta Shacabka.<\/strong><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><strong>muuse Biixi Cabdi, taasoo uu ku eeddeeyay inay ku dhisan tahay qaab eex iyo caddaalad-darro, isla markaanna uu\u00a0<\/strong><strong>dagaal fool ka fool ah ku soo qaaddi doonno, inkastoo ay dagaalo dhawr ahi ka dhaceen deeggaanada gobolka<\/strong><br \/>\n<strong>Sanaag, haddana waxba may soo gaadhin Caasimadda iyo gobollada kale midnaba.<\/strong><\/p>\n<p><strong>Markii uu kornayl Caarre tallaabaddaas qaadday waxa gobolka Awdal ka bilaabmay dhaqdhaqaaq Jabhad la<\/strong><strong>baxday Cawaale oo iyagunna sheegay inay ka soo\u00a0 horjeeddaan Dulmiga iyo Caddaalada iyo Eexd\u00a0<\/strong><strong>Xukuumadda uu hoggaamiyo Muuse Biixi Cabdi, hase yeeshee dhawr Cisho uun markii ay jirtay ayaa Madaxdhaqmeed arrintaas isu xil-qaamay ay soo af-jarreen, waxaannay jabhaddaas arrinteedda lagu dhammeeyay in\u00a0<\/strong><strong>wxii tabasho ah ee ay qabbaan Xukuumaddu diyaar u tahay inay wax ka qabtaan iyaddoo wax dhiig ahi ku\u00a0<\/strong><strong>daaddan, waxaanna dhanka Xukuumadda arrintaas guddoonkeedda qaadday Cabdiraxmaan Saylici.<\/strong><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><strong>Haddaba, marar badan ayaa Odayaal dhaqmeed ka soo jeedda Beesha Kornayl Caarre ay isku dayeen inay\u00a0<\/strong><strong>dhexdhexaadiyaan Xukuumadda iyo Kornayl Caarre, balse talaabaddaas waxa diidday oo meel adag iska taagay<\/strong><br \/>\n<strong>Kornaylka hoggaamiyaha Xukuumadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaannay dadka falan-qeeya\u00a0<\/strong><strong>Siyaasadda Somaliland ay ku tilmaameen Kornayl Muuse Biixi innuu yahay ruux go\u2019aan adag oo aan tanaasulka\u00a0<\/strong><strong>aqoon.<\/strong><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><strong>Madaxweynaha Somaliland Kormayl Muuse Biixi Cabdi oo Madaxtooyadda ku qaabillay Madax-dhaqmeedka\u00a0<\/strong><strong>iyo Waxgaradka beesha Garxejis waxa ay ka codsaddeen innuu cafiyo Kornayl Caarre iyo Jabhaddiisabba,<\/strong><br \/>\n<strong>arrinta Jabhaddaas oo dheg-xumo Somaliland ku ahna halkaas lagu dhammeeyo, balse Muuse Biixi Cabdi waxa\u00a0<\/strong><strong>uu Madax-dhaqmeedkii iyo Waxgaradkii beeshaas Garxejis u sheegay inaanu arrintaas Cafiska Kornayl awood\u00a0<\/strong><strong>sharci u lahayn, hase ahaatee inta ka hoosaysa waan Cafiyay ayuu ugu hal celiyay.<\/strong><\/p>\n<p><strong>Ha-yeeshee markii uu Kornayl Caarrena halkiisii ka soo dhaqaaqi waayay, waxa mar kale arrintii dib u galay\u00a0<\/strong><strong>Madax-dhaqmeed uu hoggaaminnaayo Suldaan Maxamed Xirsi qani Illaahay caafimaad sarreecanna ha siiyee,\u00a0<\/strong><strong>waxaanna labadda Kornayl waa Muuse iyo Caarree lagu dhexdhexaadiyay innuu Caarre lacag Haaf Million ah<\/strong><br \/>\n<strong>qaato sida aannu wararka ku helnay, isla markaanna dalka dibaddiisa uu u baxo, Ciiddanka uu haystayna lagu\u00a0<\/strong><strong>wareejiyo Xukuumadda, kuwaasoo oo loo balan-qaadday in lagu taxo darrajooyin.<\/strong><\/p>\n<div class=\"google-auto-placed ap_container\"><\/div>\n<p><strong>Si kastaba ha ahaatee, waxa muuqata in dagaalkii iyo Xafiiltankii siyaasaddeed ee labadda Kornayl uu ku\u00a0<\/strong><strong>guulaystay Kornayl Siciid Jaamac Caarre, isla markaanna laga adkaadday Kornaylkii go\u2019aannada adkaa ee\u00a0<\/strong><strong>Muuse Biixi Cabdi.<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeisa(Arabsiyo News)labaddii Sanaddood ee u dambeeyay waxa si wayn isku hayay labadda Kornayl ee maalintii dhawayd uu is af-garadku dhex-maray waa Kornaylka Jabhadda hoggaamiya ee Caarre iyo Muuse\u00a0Biixi Cabdi, Madaxweynaha Somaliland. &nbsp; jabhadda Kornayl Caarre waxa ay ka dhalatay Dulmigii, eexdii, Sharci-daraddoo, Musuqmaasuqii iyo foolxummooyinkii ku xeernaa Xukuumadda uu hoggaamiyo Muuse Biixi Cabdi, waxaannu bulshadda [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":17,"featured_media":54153,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-54152","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2020\/01\/qaaxaz-310x160.jpg?fit=310%2C160&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-e5q","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/54152","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/17"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=54152"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/54152\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":54154,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/54152\/revisions\/54154"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/54153"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=54152"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=54152"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=54152"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}