{"id":53486,"date":"2019-12-15T08:48:20","date_gmt":"2019-12-15T08:48:20","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=53486"},"modified":"2019-12-15T09:09:26","modified_gmt":"2019-12-15T09:09:26","slug":"madaxweynaha-puntland-qaadacay-sharciga-cusub-ee-doorashooyinka-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2019\/12\/15\/madaxweynaha-puntland-qaadacay-sharciga-cusub-ee-doorashooyinka-soomaaliya\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha Puntland Oo Qaadacay Sharciga Cusub Ee Doorashooyinka Soomaaliya"},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qaaddacay Sharciga<br \/>\nDoorashooyinka dowladda Federaalka ee haatan horyaalla Golaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaaliya.\u00a0Madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland aan wax wada\u00adtashiya laga siin Sharciga Doorashooyinka Soomaaliya ee\u00a0horyaalla Golaha Shacabka, sidaasi darteedna ayna Puntland qeyb ka\u00adnoqon doonin Nidaamkaasi, haddii aan loo<br \/>\nogolaan in ay talo ku yeelato.\u00a0Madaxweynaha ayaa tilmaamay in loo baahan yahay Hannaan qeexan oo caddaynaya nooca doorasho ee\u00a0Soomaaliya ka dhici doonta sannadka 2020\/2021, balse ilaa iyo hadda sharciga horyaalla Baarlamanka aysan ku\u00a0qeexneyn nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta wakhtigaasi.<\/p>\n<p>Deni ayaa ku baaqay in haddii mudada sannadka ah ee hadhsan la go\u2019aansado in doorasho qof iyo cod ah dalka laga\u00a0hirgeliyo, ay tahay in la caddeeyo sida ay ku dhici karto, sidoo kale haddii lagu laaban doono Nidaamkii Qabaliga\u00a04.5\u00adka, ay tahay in wada\u00adtashi la isugu yimaado.<br \/>\n\u201cHadii la leeyahay doorashaa la qabanayaa 4.5 chapter\u00adkeeda waa in uu xirmaa, hadii la<\/p>\n<p>leeyahay ma xirmi karo,\u00a0hadda annaga dad Soomaali ka duwan ma nihi xaal\u00admastuurka waa ogol nahee, bal hala isku yimaado hala wada\u00a0hadlo, xagee la aadayaa waaye marka, waddo kale oo saddexaad aniga iima muuqato,\u201d ayuu yidhi Deni.\u00a0Madaxweynaha ayaa raaciyey: \u201cHadii la leeyahay qof iyo cod, sidda ay shegeen, oo degmooyinkii iyo gobolada la<br \/>\ndhigi waayo oo wax cad la keeni waayo, waxa ku xigta waa in la yiraahdo maxaa ku xiga oo la aadayaa?\u201d.<\/p>\n<p>Deni ayaa ugu dambeyn sheegay in Puntland ay mar walba \u201cka qeyb qaadanayso dhisme Soomaaliyeed oo cadaalad,\u00a0midnimo iyo federaal ku dhisan\u201d<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qaaddacay Sharciga Doorashooyinka dowladda Federaalka ee haatan horyaalla Golaha Aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaaliya.\u00a0Madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland aan wax wada\u00adtashiya laga siin Sharciga Doorashooyinka Soomaaliya ee\u00a0horyaalla Golaha Shacabka, sidaasi darteedna ayna Puntland qeyb ka\u00adnoqon doonin Nidaamkaasi, haddii aan loo ogolaan in ay talo ku yeelato.\u00a0Madaxweynaha ayaa tilmaamay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":17,"featured_media":53492,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-53486","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2019\/12\/105100728_2aa8dc70-b64f-40b9-ba5b-d71a3a4c6f14.jpg?fit=558%2C288&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-dUG","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/53486","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/17"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=53486"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/53486\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":53490,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/53486\/revisions\/53490"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/53492"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=53486"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=53486"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=53486"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}