{"id":52594,"date":"2019-10-13T16:03:05","date_gmt":"2019-10-13T16:03:05","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=52594"},"modified":"2019-10-13T16:03:05","modified_gmt":"2019-10-13T16:03:05","slug":"raisul-wasaaaraha-pakistaan-oo-dhexdhexaadinaya-iran-iyo-sacuudiga","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2019\/10\/13\/raisul-wasaaaraha-pakistaan-oo-dhexdhexaadinaya-iran-iyo-sacuudiga\/","title":{"rendered":"Rai&#8217;sul wasaaaraha Pakistaan oo dhexdhexaadinaya Iran iyo Sacuudiga"},"content":{"rendered":"<div class=\"story-body\">\n<div class=\"story-body__inner\">\n<p class=\"story-body__introduction\">Rai&#8217;sul wasaaraha Pakistan, Imran Khan, ayaa booqanaya dalka dariska la ah ee iran.<\/p>\n<p>Rai&#8217;sul wasaare Khan ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu dhexdhaxadiye ka noqdo wadahadalo dhexmara Iran iyo sacuudiga.<\/p>\n<p>Xilli ay shir jaraa&#8217;id ay si wadajir ah u qabteen magaaalada Tehraan madaxwayne Ruuxaani ayaa waxa uu sheegay in Pakistan aysan doonayn in ay aragto dagaal dhexmara Iran iyo Sacuudiga.<\/p>\n<p>Mr Khan ayaa isku dayaya in uu dajiyo xiisada gobolka gacanka oo muddooyiinkii ugu dambeeyay cirka isku sii shareereysay.<\/p>\n<p>Saraakiisha dalka Pakistani ayaa waxay sheegeen in uu la kulmi doono hogaamiyaha ruuxiga ee Iran, Ayatollah Cali Khamenei, iyo madaxwayne, Xassan Rouhani.<\/p>\n<p>Mr Khan ayaa sheegay bishii aanu soo dhaafnay in Mareykanka uu ka codsaday in uu dhexdhexaadiye ka noqdo khilaafka Sacuudiga iyo Iran.<\/p>\n<p>Waxaa sidoo kale Mr Khan lagu wadaa in uu booqdo toddobaadka soo socda dalka Sacuudiga.<\/p>\n<p>Wariyayaasha ayaa sheegaya in Pakistan ay xiriir qota dheer la leedahay labada dal ba.<\/p>\n<p>Dalka Sacuudiga ayaa waxaa ku nool labo milyan iyo bar u dhashay dalka Pakistan.<\/p>\n<p>Booqashada ra&#8217;sul wsaaraha Pakistan ee Iran ayaa ku soo beegmaysa xilli ay Iran wali baritaan ku hayso Markab ay leedahay oo weerar lagu qaaday.<\/p>\n<ul class=\"story-body__unordered-list\">\n<li class=\"story-body__list-item\"><a class=\"story-body__link\" href=\"https:\/\/www.bbc.com\/somali\/39397522\">Pakistan oo dhisida gidaar ka bilowday xuduudda Afghanistan<\/a><\/li>\n<li class=\"story-body__list-item\"><a class=\"story-body__link\" href=\"https:\/\/www.bbc.com\/somali\/war-47252234\">Hindiya: &#8220;go&#8217;doon ayaan galin doonnaa Pakistan&#8221;<\/a><\/li>\n<li class=\"story-body__list-item\"><a class=\"story-body__link\" href=\"https:\/\/www.bbc.com\/somali\/war-45741465\">Pakistan oo hay&#8217;ado caalami ah ku amartay in ay dalka ka baxaan.<\/a><\/li>\n<\/ul>\n<p>Afhayeen u hadlay dowladda Iran ayaa sheegay &#8220;weerarka fuleynimada&#8221; ee lagu qaaday markab saliidda qaada oo ay Tehran leedahay loo adeegsaday gantaal, Iran ay jawaab kulul ka bixin doonto.<\/p>\n<p>Wakaaladda wararka ee Iran Iran oo soo xigatay afhayeenka xukumadda Tehran Cali Rabiic ayaa sheegtay Markabka weerarka loo geystay ee Sabit inuu marayey Jimcihi biyaha dalka Sacuudi Carabiya.<\/p>\n<p>Tani iyo bishi May ee sanadkan waxaa gobolka ka dhacayey weerarro loo geysanayey maraakiibta saliidda qaadda oo ay leeyihiin waddama kala duwan.<\/p>\n<p>Bishii Febraayo dhaxal-suge Maxamed Bin Salman oo loo yaqaano MBS ayaa booqday Pakistan isagoo balanqaadaya lacago balaayiin ah.<\/p>\n<p>Balse lacagta ayaa ah qeyb ka mid ah xiriirka sii qoto dheeraanaya ee labada dal.<\/p>\n<p>Pakistan ayaa xilligaasi noqotay halkii ugu horreysay uu booqdo safarkiisa uu ku maray shan dal oo Aasiya ku yaallay.<\/p>\n<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"share share--lightweight  show ghost-column\">\n<h2 class=\"share__title share__title--lightweight\"><\/h2>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Rai&#8217;sul wasaaraha Pakistan, Imran Khan, ayaa booqanaya dalka dariska la ah ee iran. Rai&#8217;sul wasaare Khan ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu dhexdhaxadiye ka noqdo wadahadalo dhexmara Iran iyo sacuudiga. Xilli ay shir jaraa&#8217;id ay si wadajir ah u qabteen magaaalada Tehraan madaxwayne Ruuxaani ayaa waxa uu sheegay in Pakistan aysan doonayn [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":52595,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-52594","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/stan.png?fit=660%2C371&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-dGi","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/52594","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=52594"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/52594\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":52596,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/52594\/revisions\/52596"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/52595"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=52594"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=52594"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=52594"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}