{"id":52507,"date":"2019-10-09T16:59:04","date_gmt":"2019-10-09T16:59:04","guid":{"rendered":"https:\/\/arabsiyonews.com\/?p=52507"},"modified":"2019-10-09T16:59:04","modified_gmt":"2019-10-09T16:59:04","slug":"dugsiga-gacmo-dheera-oo-dib-usoo-nooleyey-rajadii-dugsiyada-dawliga","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/2019\/10\/09\/dugsiga-gacmo-dheera-oo-dib-usoo-nooleyey-rajadii-dugsiyada-dawliga\/","title":{"rendered":"Dugsiga Gacmo-dheera Oo Dib Usoo Nooleyey Rajadii Dugsiyada Dawliga"},"content":{"rendered":"<div>\n<div>Hargeysa (AN)- Guddoonka Waxbarashada Gobolka Maroodi-jeex ayaa ka qaybgalay munaasibad kedis-aqooneed loogu qabtay Ardayda Dugsiga hoose dhexe ee Gacmo-dheere ee Magaalada Hargeysa, taasoo ka dhacday xarunta Dugsigaasi.<\/div>\n<div><\/div>\n<div>Xafladdan oo ka sekow Kedis loo qabtay ardayda Fasalka 8aad ee dugsigaasi, lagu daah-furay qorshe uu ku dardar gelinayo tayada iyo baaxada waxbarashada \u00a0maamulka cusub ee dugsigani, ayaa waxa ka qaybgalay Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Maroodi-jeex ee qaybta galbeedka, Maamulka iyo macalimiinta, waalidiinta iyo Arday wax ka barta Dugsigaasi.<\/div>\n<div><\/div>\n<div>Maamulaha Dugsiga Gacmo dheere Fadxi Axmed Cabdilaahi oo ugu horayn munaasibadan hadal ka jeediyey, ayaa sharaxaad ka bixiyey taariikhda dugsigan, heerka waxbarashadiisa iyo waxyaabaha uu qabtay intii uu Maamulaha ka ahaa, waxaanu sheegay in bilowgiiba markii uu shaqada la wareegay uu xidhiidh la sameeyey guddiyada ka dhisan Xaafadda uu ku yaallo dugsigu, Waalidiinta Ardayda wax ka barata dhalay iyo mudakarka kale ee deegaanka ku xeeran, si uu u abuurmo jawi isku-xidhnaanneed oo fure u noqda in la iska kaashado sidii loo horumarin lahaa waxbarashada dugsiga, ardaydana loogu dhiiri-gelin lahaa waxbarashada aasaasiga ah.<\/div>\n<div><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-10.png\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"size-full wp-image-74211 aligncenter\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-10.png?resize=696%2C375\" sizes=\"auto, (max-width: 800px) 100vw, 800px\" srcset=\"http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-10.png 800w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-10-300x162.png 300w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-10-768x414.png 768w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-10-620x334.png 620w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-10-696x375.png 696w\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"375\" \/><\/a><\/div>\n<div>\u201cMarkii aan dugsiga imi waxaan isku xidhnay Maamulkii, Waalidkii ardayda iyo macalimiinta, si ay meesha uga baxdo in ardaygu uu sagsaago waxbarashadiisa, waxaanan mar walba isku xidhanahay oo aanu warbixinta kala qaadanaa Waalidka\u201d, ayuu yidhi Maamule Fadxi oo intaasi ku daray in dugsiga lagu kordhiyey qayb cusub oo loogu talogalay barbaarinta Carruurta, taasoo aan hore looga sameynin dugsiyada Dawladdu maamusho.<\/div>\n<div><\/div>\n<div><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-11.png\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-full wp-image-74212\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-11.png?resize=696%2C378\" sizes=\"auto, (max-width: 800px) 100vw, 800px\" srcset=\"http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-11.png 800w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-11-300x163.png 300w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-11-768x417.png 768w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-11-620x336.png 620w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-11-696x378.png 696w\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"378\" \/><\/a>Sh. Cabdiraxmaan Sheikh Faarax oo kamida culimada waaweyn ee dalka iyo waalidiinta ubadkoodu waxbarashada kaga jiraan dugsigan oo isagu xafladaasi hadal ka jeediyey, ayaa tilmamay in isbedelka lagu sameeyey maamulka dugsigani horseeday horumarka iyo dardarta ka muuqata, waxaanu sheikhu balanqaaday in ay waalid ahaan iyo guddi xaafad ahaanba ay garab ku siin doonaan maamulka cusub sidii loo soo celin lahaa mustawihii uu dugsigani kaga jiray waxbarashada hoose dhexe ee Caasimada Hargeysa.<\/div>\n<div><\/div>\n<div>Muuna Macalin oo ah Guddoomiyaha Guddida waalidiinta ee dugsigan, ayaa dhankeeda balanqaaday in ay si hufan ula shaqaynayaan Maamulka iyo macalimiinta dugsiga, diyaarna u yihiin talo iyo taageero wixii kaga aaddan horumarinta dugsiga iyo dhismaha mustaqbalka ubadka wax ka barta.<\/div>\n<div><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-1.png\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-full wp-image-74202\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-1.png?resize=696%2C378\" sizes=\"auto, (max-width: 800px) 100vw, 800px\" srcset=\"http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-1.png 800w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-1-300x163.png 300w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-1-768x417.png 768w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-1-620x336.png 620w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-1-696x378.png 696w\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"378\" \/><\/a><\/div>\n<div>Wariye Cabdiraxmaan Cismaan Xasan Almis oo isna waalidiinta ka mid ahaa walaalidiinta yaraantoodii waxbarashadii aasaasiga ahayd ku qaatay dugsigan, isla markaana ubadkoodu iminka wax ka bartaan, ayaa sheegay, \u201cDugsigan waakii aanu daasadaha ku fadhiisan jirnay ee aanu wax ku baranay, maantana waxaan kamid ahay waalidka Ubadkoodu dhigtaan, markaa aniga xusuus gaar ah ayuu igu leeyahay\u201d.<\/div>\n<div><\/div>\n<div>Cabdi Almis ayaa intaasi ku daray in ay Xukuumadda talada haysaa juhdi badan gelinayso sidii loo horumarin lahaa waxbarashada dawliga ah, isagoo dhinaca kalena xusay qaar kamida macalimiintii lagu bilaabay dugsigan markii dalka lagu soo noqday.<\/div>\n<div><\/div>\n<div><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-13.png\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-full wp-image-74214\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-13.png?resize=696%2C376\" sizes=\"auto, (max-width: 800px) 100vw, 800px\" srcset=\"http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-13.png 800w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-13-300x162.png 300w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-13-768x415.png 768w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-13-620x335.png 620w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-13-696x376.png 696w\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"376\" \/><\/a><\/div>\n<div>Suxufi Saleban Cabdi Cali oo isna xafladan ka hadlay ayaa ugu baaqay Dadkii ka aflaxay dugsigan \u00a0intii uu jiray in aanay ilaawin ee ay dib u soo xusuustaan, \u201cDadkii dugsigan ka aflaxay waxa dhici karta in ay qaarkood siyaasiyiin yihiin, inay Ganacsato yihiin , in ay madaxda qaranka ku jiraan, markaa waxa loo baahan yahay in ay is abaabulaan oo ay dareen gaar ah ka yeeshaan horumarka dugsigan,\u201d ayuu yidhi isagoo intaasi raaciyey, \u201cDugsigani wuxuu ku yaallaa xaafaddaha ugu bulshada badan Hargeysa, suurto gal maaha in ay arday tiro yari fasalada ka soo xaadirto, waalidka waxa looga baahan yahay in ay ubadka keenaan oo dugsiga\u201d.<\/div>\n<div><\/div>\n<div>Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Maroodi-jeex ee qaybta galbeedka Cabdiqaadir Cabdilaahi Jaamac (Jeex) oo isna halkaasi hadal ka jeediyey , ayaa ku hambalyeeyey Maamulka dugsigan waxqabadka uu muujiyey muddadii uu joogay, isagoo kula dardaarmay in uu halkaasi ka sii wado dedaalka uu sameeyey.<\/div>\n<div><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-8.png\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-full wp-image-74209\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-8.png?resize=696%2C376\" sizes=\"auto, (max-width: 800px) 100vw, 800px\" srcset=\"http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-8.png 800w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-8-300x162.png 300w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-8-768x415.png 768w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-8-620x335.png 620w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-8-696x376.png 696w\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"376\" \/><\/a><\/div>\n<div>Guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray in tartan-aqooneedyadu ay kamid yihiin waxyaabihii caadada u ahaa dugsigan, kan maanta loo qabtay ardayduna bilow u yahay sanad dugsiyeedka 2019-2020-ka, isagoo tilmaamay in dayac-tir lagu sameeyey dhismaha iyo agabka waxbarashada ee dugsiga.<\/div>\n<div><\/div>\n<div>\u201cDugsigan wasaaradda waxbarashadu iyadoo la kaashanaysa hay\u2019addaha la shaqeeya waxa lagu sameeyey dayactir badan, waxa loo baahan yahay ardayeeyey in aad ilaalisaan oo aad nadaafadiisa u ilaalisaan sida guryihiina oo kale,\u201d ayuu kula dardaarmay ardayda, macalimiinta iyo waalidka dugsigan ehelka u ah.<\/div>\n<div><\/div>\n<div>Xubno kamida ardayda waxbarashada kaga jira dugsigan oo xafladan hadallo ka jeediyey, ayaa halkaasi ku soo bandhigay hadallo ay ku muujinayaan heerka tacliintooda iyo mahad-naq ay u jeediyeen maamulka iyo macalimiintooda oo ay shahado-sharafyo iyo hadyado ku guddoonsiiyeen xafladaasi.<\/div>\n<div><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-12.png\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-full wp-image-74213\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-12.png?resize=696%2C378\" sizes=\"auto, (max-width: 800px) 100vw, 800px\" srcset=\"http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-12.png 800w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-12-300x163.png 300w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-12-768x417.png 768w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-12-620x336.png 620w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-12-696x378.png 696w\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"378\" \/><\/a><\/div>\n<div>Gunnaanadkii munaasibadan, ayaa waxa kedis-aqooneed halkaasi loogu qabtay laba kooxood oo kamida Wiilasha iyo Gabdhaha fasalada 8aad dhigta, waxaana tartankaasi ku guulaystay Kooxda ka socotay Hablaha oo 12 dhicood kaga guulaystay Wiilasha oo dhankooda 10 dhibcood helay.<\/div>\n<div><\/div>\n<div>Geesta kale, Ardayda ayaa xaflaaasi ku soo bandhigay ruwaayad ka turjumaysa qiimaha waxbarashada iyo doorka uu waalidku ku leeyahay dhismaha ardayga ku wanaagsan waxbarashada.<\/div>\n<div><\/div>\n<div><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-25.png\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-full wp-image-74226\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-25.png?resize=696%2C380\" sizes=\"auto, (max-width: 800px) 100vw, 800px\" srcset=\"http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-25.png 800w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-25-300x164.png 300w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-25-768x420.png 768w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-25-620x339.png 620w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-25-696x380.png 696w\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"380\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-24.png\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-full wp-image-74225\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-24.png?resize=696%2C378\" sizes=\"auto, (max-width: 800px) 100vw, 800px\" srcset=\"http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-24.png 800w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-24-300x163.png 300w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-24-768x418.png 768w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-24-620x337.png 620w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-24-696x378.png 696w\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"378\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-23.png\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-full wp-image-74224\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-23.png?resize=696%2C380\" sizes=\"auto, (max-width: 800px) 100vw, 800px\" srcset=\"http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-23.png 800w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-23-300x164.png 300w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-23-768x420.png 768w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-23-620x339.png 620w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-23-696x380.png 696w\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"380\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-22.png\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-full wp-image-74223\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-22.png?resize=696%2C381\" sizes=\"auto, (max-width: 800px) 100vw, 800px\" srcset=\"http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-22.png 800w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-22-300x164.png 300w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-22-768x420.png 768w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-22-620x339.png 620w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-22-696x381.png 696w\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"381\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-21.png\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-full wp-image-74222\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-21.png?resize=696%2C378\" sizes=\"auto, (max-width: 800px) 100vw, 800px\" srcset=\"http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-21.png 800w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-21-300x163.png 300w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-21-768x417.png 768w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-21-620x336.png 620w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-21-696x378.png 696w\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"378\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-20.png\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-full wp-image-74221\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-20.png?resize=696%2C377\" sizes=\"auto, (max-width: 800px) 100vw, 800px\" srcset=\"http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-20.png 800w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-20-300x162.png 300w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-20-768x416.png 768w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-20-620x336.png 620w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-20-696x377.png 696w\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"377\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-19.png\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-full wp-image-74220\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-19.png?resize=696%2C378\" sizes=\"auto, (max-width: 800px) 100vw, 800px\" srcset=\"http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-19.png 800w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-19-300x163.png 300w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-19-768x418.png 768w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-19-620x337.png 620w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-19-696x378.png 696w\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"378\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-18.png\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-full wp-image-74219\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-18.png?resize=696%2C377\" sizes=\"auto, (max-width: 800px) 100vw, 800px\" srcset=\"http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-18.png 800w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-18-300x162.png 300w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-18-768x416.png 768w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-18-620x336.png 620w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-18-696x377.png 696w\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"377\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-17.png\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-full wp-image-74218\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-17.png?resize=696%2C371\" sizes=\"auto, (max-width: 800px) 100vw, 800px\" srcset=\"http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-17.png 800w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-17-300x160.png 300w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-17-768x410.png 768w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-17-620x331.png 620w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-17-696x371.png 696w\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"371\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-16.png\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-full wp-image-74217\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-16.png?resize=696%2C378\" sizes=\"auto, (max-width: 800px) 100vw, 800px\" srcset=\"http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-16.png 800w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-16-300x163.png 300w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-16-768x418.png 768w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-16-620x337.png 620w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-16-696x378.png 696w\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"378\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-15.png\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-full wp-image-74216\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-15.png?resize=696%2C379\" sizes=\"auto, (max-width: 800px) 100vw, 800px\" srcset=\"http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-15.png 800w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-15-300x164.png 300w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-15-768x419.png 768w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-15-620x338.png 620w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-15-696x379.png 696w\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"379\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-14.png\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-full wp-image-74215\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-14.png?resize=696%2C377\" sizes=\"auto, (max-width: 800px) 100vw, 800px\" srcset=\"http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-14.png 800w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-14-300x162.png 300w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-14-768x416.png 768w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-14-620x336.png 620w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-14-696x377.png 696w\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"377\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-7.png\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-full wp-image-74208\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-7.png?resize=696%2C378\" sizes=\"auto, (max-width: 800px) 100vw, 800px\" srcset=\"http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-7.png 800w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-7-300x163.png 300w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-7-768x417.png 768w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-7-620x336.png 620w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-7-696x378.png 696w\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"378\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-6.png\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-full wp-image-74207\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-6.png?resize=696%2C380\" sizes=\"auto, (max-width: 800px) 100vw, 800px\" srcset=\"http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-6.png 800w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-6-300x164.png 300w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-6-768x420.png 768w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-6-620x339.png 620w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-6-696x380.png 696w\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"380\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-5.png\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-full wp-image-74206\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-5.png?resize=696%2C379\" sizes=\"auto, (max-width: 800px) 100vw, 800px\" srcset=\"http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-5.png 800w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-5-300x164.png 300w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-5-768x419.png 768w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-5-620x338.png 620w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-5-696x379.png 696w\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"379\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-4.png\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-full wp-image-74205\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-4.png?resize=696%2C376\" sizes=\"auto, (max-width: 800px) 100vw, 800px\" srcset=\"http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-4.png 800w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-4-300x162.png 300w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-4-768x415.png 768w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-4-620x335.png 620w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-4-696x376.png 696w\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"376\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-3.png\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-full wp-image-74204\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-3.png?resize=696%2C378\" sizes=\"auto, (max-width: 800px) 100vw, 800px\" srcset=\"http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-3.png 800w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-3-300x163.png 300w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-3-768x417.png 768w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-3-620x336.png 620w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-3-696x378.png 696w\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"378\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-2.png\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-full wp-image-74203\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-2.png?resize=696%2C378\" sizes=\"auto, (max-width: 800px) 100vw, 800px\" srcset=\"http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-2.png 800w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-2-300x163.png 300w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-2-768x417.png 768w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-2-620x336.png 620w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-2-696x378.png 696w\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"378\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-9.png\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-full wp-image-74210\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-9.png?resize=696%2C373\" sizes=\"auto, (max-width: 800px) 100vw, 800px\" srcset=\"http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-9.png 800w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-9-300x161.png 300w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-9-768x412.png 768w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-9-620x332.png 620w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-9-696x373.png 696w\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"373\" \/><\/a><\/div>\n<p><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-4.png\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-full wp-image-74205\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-4.png?resize=696%2C376\" sizes=\"auto, (max-width: 800px) 100vw, 800px\" srcset=\"http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-4.png 800w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-4-300x162.png 300w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-4-768x415.png 768w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-4-620x335.png 620w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-4-696x376.png 696w\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"376\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-3.png\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-full wp-image-74204\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-3.png?resize=696%2C378\" sizes=\"auto, (max-width: 800px) 100vw, 800px\" srcset=\"http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-3.png 800w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-3-300x163.png 300w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-3-768x417.png 768w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-3-620x336.png 620w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-3-696x378.png 696w\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"378\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-2.png\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-full wp-image-74203\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-2.png?resize=696%2C378\" sizes=\"auto, (max-width: 800px) 100vw, 800px\" srcset=\"http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-2.png 800w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-2-300x163.png 300w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-2-768x417.png 768w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-2-620x336.png 620w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-2-696x378.png 696w\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"378\" \/><\/a><a href=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-9.png\"><img data-recalc-dims=\"1\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"aligncenter size-full wp-image-74210\" src=\"https:\/\/i0.wp.com\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-9.png?resize=696%2C373\" sizes=\"auto, (max-width: 800px) 100vw, 800px\" srcset=\"http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-9.png 800w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-9-300x161.png 300w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-9-768x412.png 768w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-9-620x332.png 620w, http:\/\/somalilandpost.net\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/Dugsiga-Gacmadheere-9-696x373.png 696w\" alt=\"\" width=\"696\" height=\"373\" \/><\/a><\/div>\n<div id=\"taboola-below-article\" class=\" trc_related_container trc_spotlight_widget trc_elastic trc_elastic_thumbnails-a \" data-placement-name=\"below-article\">\n<div class=\"trc_rbox_container\">\n<div>\n<div id=\"trc_wrapper_97029\" class=\"trc_rbox thumbnails-a trc-content-sponsored \">\n<div id=\"trc_header_97029\" class=\"trc_rbox_header trc_rbox_border_elm\"><\/div>\n<div id=\"outer_97029\" class=\"trc_rbox_outer\">\n<div id=\"rbox-t2m\" class=\"trc_rbox_div trc_rbox_border_elm\">\n<div id=\"internal_trc_97029\">\n<div class=\"videoCube trc_spotlight_item origin-default thumbnail_top syndicatedItem textItem videoCube_1_child trc-first-recommendation trc-spotlight-first-recommendation  trc_excludable \" data-item-id=\"~~V1~~-914101148132519524~~5AZRipyYjPrnabyNyTQADGKRnCPySEquStw5R3039fQ9ZEj1nSOh25J82sTDXEn1oWs157JoiAAXIKi9-eLaKG3GM7Q_aWDX9O8A-oTuarjuQIVXrROAFu__ZuyF6Gn39rMwXIVAk8NSFaIOwqn4XLSFBCxZowmJ_gi_Qn116A8xJHfN-rUXhw-C0Hccj-OpDsmmjsnFApAqbasdk3ySM68qu1lWipXCVCX4iRx1Ga4\" data-item-title=\"Find out Why Gamers Love this Game for almost a Decade\" data-item-thumb=\"http:\/\/cdn.taboola.com\/libtrc\/static\/thumbnails\/9f0f70b399c0f2dfbd5cd68f4b20de64.jpeg\" data-item-syndicated=\"true\"><\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Hargeysa (AN)- Guddoonka Waxbarashada Gobolka Maroodi-jeex ayaa ka qaybgalay munaasibad kedis-aqooneed loogu qabtay Ardayda Dugsiga hoose dhexe ee Gacmo-dheere ee Magaalada Hargeysa, taasoo ka dhacday xarunta Dugsigaasi. Xafladdan oo ka sekow Kedis loo qabtay ardayda Fasalka 8aad ee dugsigaasi, lagu daah-furay qorshe uu ku dardar gelinayo tayada iyo baaxada waxbarashada \u00a0maamulka cusub ee dugsigani, ayaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":52509,"comment_status":"open","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"video","meta":{"_jetpack_newsletter_access":"","_jetpack_dont_email_post_to_subs":false,"_jetpack_newsletter_tier_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paywalled_content":false,"_jetpack_feature_clip_id":0,"_jetpack_memberships_contains_paid_content":false,"footnotes":"","jetpack_post_was_ever_published":false},"categories":[10,2],"tags":[],"class_list":["post-52507","post","type-post","status-publish","format-video","has-post-thumbnail","category-featured","category-wararka","post_format-post-format-video"],"jetpack_featured_media_url":"https:\/\/i0.wp.com\/arabsiyonews.com\/wp-content\/uploads\/2019\/10\/hqdefault-1.jpg?fit=480%2C360&ssl=1","jetpack_shortlink":"https:\/\/wp.me\/p5kp1p-dET","jetpack_sharing_enabled":true,"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/52507","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=52507"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/52507\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":52508,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/52507\/revisions\/52508"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media\/52509"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=52507"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=52507"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/arabsiyonews.com\/index.php\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=52507"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}